Beesha Koonfurta Gobolka Sanaag oo manta ku baaqday inay Nabadgelyo bilaa shuruud ah ula diyaar yihiin wadahadalada Nabada ee Gobolkaasi ay xukuumaddu ka wado

 

 


Ceerigaabo (TNN) Shirkan oo sida uu kusoo warramay Weriyaha Waaheen Gobolka Sanaag Mr-Dar wiish maanta (Khamiis) ka dhacay Xarunta maammulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa wuxu ahaa shirkii labaad oo ka dhashay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) la yeeshay madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka beelaha gobol ka Sanaag shirar goonni-goonni ah oo kusaabsan sidii loosoo afjari lahaa khilaafyada dilalka iyo na badgelya xumada sababay ee dhexmaray qaar kamid ah beelaha deggan Ceerigaabo kana codsad ay beel kastaaba gaar ahaanteeda inay talo midaysan ku keenaan jawaab cad oo kusaabsan maw qifkooda ay ka aamminsan yihiin wada-noolaanshaha iyo nabadgelyada guud ahaan gobolka Sanaa g gaar ahaanna labada beelood (Koonfurta iyo Badhtamaha ) iyo beelaha kale iyo culimaa’u-diinka iyo xukuumadda oo goobjoog markhaanyi uga noqda jawaabta labadaas beelood kusoo wacaal-ce liyaan iyo sidii loogula shaqayn lahaa danta guudna looga midaysnaan lahaa.

Taasi darteedna shirkan ayaa ahaa mid beesha Koonfurta Sanaag keeneen jawaabtooda arrintaas ku saabsan iyo mawqifka ay kaga midaysan yihiin.

Madax-dhaqameedyada iyo Guurtida dhinaca beesha Koonfurta Sanaag ee halkaas ka hadlayna oo ay ka mid ahaayeen Chief-caaqil Axmed Xasan Maxamed Axmed-khayr) Guurti-Maxamuud Warsam e Carraale iyo Guurti-Yaasiin Xaaji Ducaale ayaa dhammantood madashan ka cadeeyey in jawaab ta ay keeneen ee kasoo tashadeen ee ka midaysan yihiin tahay nabadgelyo aan wax shuruud ah ku xidhanyn iyagoo sheegay wixii tabashooyin beel ahaaneed ee dhinacooda ay xukuumadda u tir sanaynaanna inay si deggan kaga hadli doonaan kaan rajaynayaan xukuumaddu inay wax ka qaba n doonto. Waxayna kaloo sheegeen in beesha kale ee wax kala gaadheen ay diyaar u yihiin inay miiska kaga wada hadlaan waxyaabaha laysu tirsanayo.

Dhinacyada kale ee goobjoogga ka ahaa kulankan oo shakhsiyaadkii ka hadlay ay ka mid ahaayeen Chief-caaqil Maxamed Xasan Cumar (Beesha WarsangelI) Caaqil-Cabdi Xasan Cabdi (Beesha H/Jecl o) iyo Sheekh-Xuseen Jaamac (Jablibaax) iyo Sheekh-Xasan Xuseen oo culimada u hadlayey ayaa dhammaantood waxay soo dhoweeyeen jawaabta nabadgelyada aan shuruudda ku xidhanyn ee beeshani madasha keentay halka xukuumaddana ay uga mahadceliyeen sidii ay arrintaas isaga xilsaartay iyo guulaha la taaban karo ee ay ka gaadhey.

Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo madashan hadal kooban ka jeediyey ayaa isagu na dhiniciisa beeshan koonfurta Sanaag uga mahad celiyey jawaabtoodan sidoo kalena ku boorr iyey guud ahaan beelaha reer Sanaag inay ilaashadaan nabadgelyada oo xukuumaddana la shaqe eyaan wixii tabashooyin ahna degganaansho iyo wada hadal lagu dhammaysto.

Maxamed Kaahin Axmed ayaa isaguna fagaaahaas bulshada ugasoo jeediyey hadallo kooban oo waano iyo talo isugu jira oo kusaabsan danta guud iyo inay reer Ceerigaabo iyagu isku danyihiin wixii dhexdooda ahna talo iyo arrin guurti ku dhammaystaan nabaddoodana ilaashadaan bulshada halkaas ugasoo jeediyey.



Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi (Xaabsade) oo isaguna fagaarahan ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa

“Beesha Naallaye Axmed/Dhulbahante oo maanta halkan aannu ugu yeedhnay inaannu idin dhege ysanno jawaabtooda waxan leeyahay annagu Hrgeysa waxannu uga nimid dadkan walaalaha ah inaannu si siman dhexgalno oo aannaan u kala eexan oo kala sokaysiin oo daacad ka noqwonno wa annuna isku dhaarsannay idinkana haddaad u baahan tihiin waannu idiinku dhaaranaynaa”.

“Qoladiinna Dhulbahante waxa kaloo lay sheegay markii halkan maammulka iyo beelaha wax la qay bsaday ee qolo waliba qaybteeda qaadatay intiinnii waad ka tagteen ciidankii boliiska iyo xafiisya da waa ka tagteen cidlaad kusoo baxdeenoo wehel baad weydeene haddii dadkiiinnii sidaas noqd ay yaad eedaynaysaan”. “Mar labaad baannu idiinsoo celinaynaa haddaadse ceshan weydaan mar saddexaad soo celin mayno dalkana idinkaa u dhashay ehel baad u tihiin yaad uga tegeysaan”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ugu danbayn shirkaas ka hadlay ayaa yidhi

“Beesha Dhulbahante waad ku mahadsan tihiin jawaabta aad keenteen fadhigiinnii hore iyo tiradan badan ee aad ku timaaddeen ayayna ka muuqatay nabadgelyadu ”. “Annaga go’aankayagu wuxu ahaa inaannu dadkan walaalaha ah nabadayno Ilaahna quluubtayada waa daalacanayaa xukuuma dda aannu ka soconnana sharafteedu sidaasay ku jirtaa idinkuna waad naga arki doontaan ”.

“Sidaan horeba ugu idhi odayaashii Dhulbahantee aannu kulannay waxan idinka rabaa nabad ma s’u uliyad leh oo raggii meteli lahaa ee cidda ka danbaysa meteli lahaa ee wixii ka baydhsan odhan lahaa waar nala qabta annaguna aannu gacanta kusin lahayn leh si wada fadhiga nabaddu u dhac o waayo haddaynu nidhaahno nabad baannu qaadannay oo wiilkii yaraa wuxuu rabo sameeyo nabad aynu ku fadhinaa majirto”.

“Beesha Dhulbahante laba hadal baa idiin yaaloo mid waa kan xukuumadda aad kula hadlaysaane xukuumad idiin debecsan oo idin dhegeysata oo idinsoo dhowaysa oo tabashadiinna wax ka qabata wixii xukuumad idinkaga maqanna qaadda oo fulisa wadahadalka labaadna waa kan walaalihiinna dhigga iyo dhimashada dhinac walba ahi idin kala gaadhey nabadduna waxay keenaysaa inaynu horta dhimashadii afjarno si wada hadalku innooku dhaco”.

“Waxan Beesha Dhulbahante idinka rabaa 50 0day oo reerihii wax gaadheen iyo kuwa wax geyste yba ku jiraan oo aan nabadda ka sunto qoraalna aan ka sameeyo ballanna ummadda horteeda iyo ilaahay kula gala markaas ayay nabaddu innoo xidhmaysaa”.

“Baaqii shar-wadayaashu waa inna garab socdaa oo qaar baa dawlad baa shacabkeedii laysay iyo Ceerigaabaa laga qaxay iyo waxyaabo been ah fidinaya Sanaag/Ceerigaabona qabyaalad ku dhis mi maysee qofna wax aanu ogayn inuu ka hadlo maaha goobtana innakaa joogna”.

“Maalintii wax dhaceen ayaannu Cali-baashe wada hadalnayoo waxan idhi Calow lababa waan ku farxay in goobta wax ka dheceen aad joogtey oo sida wax udheceen arkaysey iyo in dhimashadii iyo dhaawaciiba dhinaca dawladda noqdeen oo aannaan noqon dawlad shacabkeeda xasuuqaysa welina taas waan ku faraxsanahay”.

“Xagga Siyaasadda Cali-baashe oo yidhi kuraasta waa layska kicinayaa Caliyow maantaannu axsa abtii siyaasadeed furnay oo diiwaangelintayadii aannu samaynayna waxba kama jiraan nidhiye haddiii hore wax u jireen yaanay idin seegin siyaasadduna waa bilaw dhulbahantena waannu soo dhowaynaynaaye wadaantiinna darsada”.

“Dawlad aan la ictiraafin baannu nahay laakiin waxannu dhaannaa dawlad la’aan dawlad xun meel nabad la’aan ah iyo kuwa TFG ka mid tahay ee madaxtooyadq iyo faranteeda uu yidhaahdo waan booqday isu jiraan 3 kiilo-mitir iyo meelo badan oo kale masiibada maanta adduunyada ka jirtana dawladnimaa lagaga badbaadayaaye dawladnimadaas Dhulbahantow intiinnii waa idiin diyaare aan wada qaadanno annaguna ninka qoriga sita iyo kan qalinka sitaba waannu la hadlaynaa oo gogoshii nabadeed ee madaxweynahayagu ku baaqay ayaannu fidinaynaa
 

Source:Waaheen