Beesha Sacad Muuse oo dareen shaki leh ka qaadatay Safar kii Saylici ee Xeebaha Barriga iyo Galbeedka, Shir deg dega ahna xalay ka yeelatay

 


 


Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Aqoonyahanka Beesha oo kulanka ku faaqiday sidii loo xakama yn lahaa Xildhibaanada Is-sharaxaya iyo Deegaanadooda

Waxay saareen guddi xog dhab ah ka keenta Deegaanada Beesha, Xukuumaddana kala hadash a Tabashooyinkooda.

Hargeysa (TNN)- Afarta Wasiir ee Xukuumadda kaga jira Beesha Sacad Muuse oo ay weheliyaa n Xildhibaanada Baarlamaanka, Salaadiin, Culimaa’udiin iyo Aqoonyahano ayaa xalay kulan xaas aasi ah oo ay kaga arrinsanayeen dareen ay ka qateen safarkii Madaxweyne ku-xigeenka Soma liland ee galbeedka iyo Barriga Xeebta Waqooyi ku yeeshay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa.

Kulankan oo ahaa mid gaar ah oo aan Saxaafadda loo ogolayn waxa lagaga hadlay sida ay dad Goob-joog ahi Waaheen u sheegeen sidii ay beesha Sacad Muuse ugu midoobi lahayd danta Dee gaamadooda, isla markaana ay u midayn lahaayeen Xubnaha Doorashada Golayaasha Deegaan ka uga qayb geli doona.

Sidoo kale waxay ku falanqeeyeen dareen ka dhashay safarkii Madaxweyne ku-xigeenka Somalil and C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ku soo maray Xeebta Galbeed iyo Barrie e Awdal, Maro di-jeex iyo Saaxil, oo uu iskugu keenay labada badhasaab ee labada Gobo lee kale, halka uu deegaamadda Waqooyiga ee lagu muransan yahay ee aanay Doorashooyinkii hore ka dhicin u nisbeeyay Gobolada Awdal iyo Saaxil.

Kulankan oo ay siyaasiyiinta, Culimada iyo dhamaan dadkii ka soo qayb galay si qotodheer ugu soo bandhigeen Dayaca iyo Druufaha ka taagan Deegaamadda Beesha ayaa la sheegay in lagu saaray Guddi ka kooban sagaal xubnood, kuwaasoo xog dhab ah ka soo ururin doona Duruufaha Bulsho iyo kuwa siyaasadeed eek a jira, si ay beeshu kulankooda danbe ugaga arrinsato talaabooyinkii ay ka qaadi lahayd.

Sidoo kale guddida oo ka kooban qaybaha shirk aka qayb galay ayaa xogtooda kadib wixii taba sho ah ee ay beeshu xaga xukuumadda ka tirsanayso, la waajihi doonta Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiis, iyadoo ay ugu culus tahay dooda ah Deegaanada Muranku ka taagan yahay iyo sidii Doorashada ka hor loo cadayn lahaa Xuduudahooda.

Kulankan ayaa la sheegay in uu ka dhashay Guux ay Beeshu isla dhex marayasay tan iyo maalin tii ay Shaashadaha Telefishanada ka daawadeen C/raxmaan Saylici oo ay hareero joogaan laba da badhasaab ee Saaxil iyo Awdal, taasoo ku dhalisay tuhun dareen ku sii siyaadiyay tabasho ay beeshu ka qabtay Waqooyiga iyo xeebaha ku gedaaman sadexda gobo lee jaarka ah.

Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex ee ay masuuliyadiisa ahayd in uu la socdo ama xukuumadda uga wakiil noqdo Xuduudaha iyo Maamulka Gobolka ayaan ilaa hada la magacaabin, kadib markii ay Xukuumaddu xabsiga dhigtay badhasaabkii hore, waxaanay ilaa hada Beeshu saluugsan tah ay sababta Madaxweyne Siilaanyo u magacaabi la’ yahay Badhasaab kale.
 

Source:Waaheen