|
Berbera oo la
ceeryoosan dadka ku soo qulqulaya iyo Tirada
Hordhaca ee Isdiiwan galisay

diiwaangelinta codbixiyeyaasha
doorashooyinka ayaa maalintii saddexaad si habsi ah uga socata
Gobolka Saaxil, iyada oo dadweynaha u dhashay Gobol Saaxil-na ay si
weyn ugu qulqulayaan deegaannada ay ka soo jeedaan si ay isaga
diiwaangeliyaan.
Waxaanna shalay ilaa xalay
magaalada Berbera laga dareemayey dad xad-dhaaf ah oo soo buux
dhaafiyey goobaha diiwaangelin, kuwaas deegaannada gobollada
Somaliland iyo deegaannada ka baxsan Saaxil laga soo daad-guraynayo
baabuurta yaryar iyo gawaadhida xamuulka, iyada oo magaalada laga
dareemayo cidhiidhi, isla markaana ay xalay dadku markii ay meel ay
seexdaan waayeen ay qaarkood gogooshooda dhigteen gidaarrada, kuwaas
oo intooda badanna ka yimi magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Waxayna dadku shalay safaf dhaadheer u galeen goobaha diiwaangelinta
oo ahaa qaar gacan fudayd badani ka muuqatay, taas oo sababtay in
dad badani goob kasta iska diiwaangeliyaan iyada oo aanay wax cilado
ah oo la taaban karaa soo bixin, iyada oo la filayo in maalmaha soo
socda tirada dadku ay soo badato.
Inkasta oo markii Salaasadii dorraad hawshu diiwaangelintu ka
bilaabantay Gobolka Saaxil gacan culays jiray oo aan dad badan la
diiwaangelin, laakiin hawsha diiwaangelintu waxay shalay ku socotay
si dardar cusubi ka muuqato, dadkuna ay safaf dhaadheer ugu jiray
inay is diiwaangeliyaan.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dhabta ah ee 106 goobood
ee Gobolka Saaxil iska diiwaangelisay, haddana xogaha laga soo
ururiyey qaar ka mid ah goobaha codbixinta magaalada Berbera ayaa
waxay shegayaan in tirada ugu yare e shalay lagu diiwaangeliyey
goobuhu ay tahay ilaa 90 qof, halka meelaha qaar la diiwaangaliyey
dad gaadhaya 183, 175, 171, 160, 175, 124, 150, 134, 175 qof
tiradaas oo laga soo ururiyey 10 goobood oo ka mid ah 16 ka
goob-diiwaangelineed ee magaalada Berbera, inasta oo aan tirade
goobkasta iska diiwaangelisay aana si rasmi ah loo xaqiijin karin
ayaa haddana celceliska dadka shalay iska diiwaangeliyey magaalada
Berbera waxa lagu qiyaasi karaa 2,550 qof.
Masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka oo aannu xalay la
xidhiidhnay si aannu wax uga waydiino tirada ilaa hadda is
diiwaangelisay aanay noo suurtogalin in aannu xog dhab ah ka helno,
iyaga oo oo masuuliyiiintaas ka gaabsaday in tirada dhabta ah ee is
diiwaangelisay la ogaan doono maalmaha soo socda, maadaama
deegaannada Gobolka Saaxil ee hawsha diiwaangelintu ka socoto ay aad
u kala durugsan yihiin oo aanay suurtogal ahayn in lawada ogaado
tirada iska diiwaangelisay.
Waxa kale oo aan iyadana la ogayn tirada dadka Salaasadii dorraad is
diiwaangelisay iyo tirada dadka iska diiwaangaliyey deegaannada
Gobolka Saaxil ee ka baxsan magaalada Bebera, balse sida wararku
xusayaan in Gobolka Saaxil ay dad badani iska diiwaangelin doonaan,
haddii hawshu u socoto sida loogu talogalay oo aanay wax cilado ahi
iman.
Dhinaca kale, waxa jira dad ajaanib ah oo isku dayey inay iska
diiwaangeliyaan Berbera, kuwaas oo hawlwadeennada diiwaangelintu
qabteen, dadkaas oo ahaa laba qof mid Oromo ah iyo mid Soomaalida
koonfurta ah, waxa lagu kala qabtay laba goob-diiwaangelineed, kadib
markii la arkay in aanay muwaadiniin ahayn.
Togdheernews
|