Berbera oo laga furay Maxjar labaad

 

Berbera (TNN)-Madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyadda somalland C/raxmaan C/laaahi Ism aacil(Seylici) ayaa maanta xadhiga kajaray maxjarka labaad ee laga hirgaliyay magaalada berbera waxana madaxweyne kuxigeenka socdaalkiisa ku wehelinaayay wasiirka  wasaar ada xanaanada xoolaha iyo wasiirka wassaarada shaqada iyo arimaha bulshada iyo  masuu lin kale oo tiro badan isuguna jiray xildhibaano katirsan baarlamaanka iyo guurtida waxa  k ale oo iyana kazoo qeyb galay xafladan xadhiga lagaga jarayay maxjarkan Ganacsatada  x oolaha dhoofisa iyo salaadiin iyo dadweyne kale oo tiro badan isagana yimi Gobolada dalka oo dhan waxaana maxjarkan lasugaayay in xadhiga laga jaro ilaa iyo maalintii shaaca laga qaaday in uu maxjarkani buuxiyay dhamaan shurudihii looga baahnaa waxaana sidaa  shaa ca kaqaaday dawlada sucuudiga kadib markii ay eegen gudiyo dhawr jer oo kale  dambeey ay yimi maxjarkan gudiyadan ayaa u xil saran in ay eegaan maxjarada xoolaha lagu  xanaa neeyo laguna caafimaadiyo waxaanay gudigani kasocdaan dhamaan wadamada khaliijka  w axaanay cadeeyen in maxjarkani buuxiyay shuruudihii looga baahana.

Madaxweyne kuxigeenka iyo waftigiisa waxa siweyn usoo dhaweeyey Duqa Degmada  Ber bera Cabdale Maxamed Carab iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ra maax) iyo Maaareyaha Dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir. Xafladan oo siweyn loo soo agaasimay ayaa waxa madxweynaha iyo wasiirka xanaanada xoolaha lagu soo wareejiyay xeryaha uu ka kooban yahay maxjarkani iyo qeybaha kale ee lagu caafimaadiyo oo ay  ku sugnaayeen dhakhaatiir heer caa;amiya oo isugu jiray ajinabi iyo muwaadiniin  somaliland ers waxaana meel walba warbixin kasiinayay madaxweynaha iyo waftigiisaba maamulaha guud ee shirkada ganacsiga ee hirgalisay maxjarkan Mustafe Xaji Cabdi Cawad waxana  u gu horeyntii xaflada furay maayarka magaalada berbera oo halkaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa
 



Maxamed Ismaaciil Cumar
Timacade News Desk
Berbera,Somaliland