BIRIISH KII AFRAAD OO LA DHAGAXDHIGAY GUDAHA MAGAALADA BURCO

 


 

Burco (Timacade News)-Waxa maanta la dhagaxdhigay birish cusub oo laga dhisi doono badhtamaha magaalda Burco halka uu maro jidka wayn ee xidhiidhiya inta badan magaalada ee loo yaqaan qasabka gaar ahaan dooxa BIYO WADA.

Biriishkan oo noqonaya midkii afraad sidoo kale kii 2aad ee laga dhiso dooxa biyo wada ee magaalada Burco, biriish kan ayaa kaga duwan kii hore ee biyo wada ay ka hirgelisay shirkadda dahabshiil iyagoo adeegsan doona dadka iyo gaadiidkuba marka laga tago biriishka lugta ee isna dhawaan laga hergeliyey magaalada burco.


Dhismaha birish kan ayaa sida uu saxafadda u sheegay engineer ka gacata ku haya shirkada dhisaysa oo la yidhaa hirada in qarashka uu ku kacayaa uu yahay ku dhawaad dhowr iyo konton kun oo doolarka maraykan ka ah.


Munaasibad aad u balaadhan oo loo sameeyey dhagax dhiga biriishkan oo ay ka soo qayba galeen masuuliyiinta gobolka togdheer markaa laga reebo maayirka jaamac biin oo aan isagu ka dhex muuqan xafladaasi birishkan ayaa ah miday maal gelinayso shirkadda wadaniga ha ee dahabshiil

taasi oo sida muuqata marwalba u taagan horumarinta dalka xafladan ayaa  dha maan dadkii ka hadlay waxay si aad ah ugu mahadceliyeen shirkadda DAHABSHIIL taasi oo ay sidoo kale masuuliyiintii halkaa ka hadlay ay aad ugu nuux nuux  sad een in laga qaybqaato horumarka wadanka gaar haan iyagoo farta ku fiiqay  shir kadaha kale iyo ganacsatada ka howl gasha gudaha magaalda burco.


taasi oo ay sidoo kalena aad ugu adkeeyeen cidii gacan ka gaysan karta inay ka qayb qaataan qorshaha in dib loogu dhisayo biriishkii la odhan jiray CAJAB kaasi oo ah mid aad ugu mihiim ah dadka aadaya cisbitaalka guud ee burco iyo waliba dugsiyada u dhaw dhaw oo uu kamidyahay dugsiga maxamuud axmed cali

isku soo wad duub oo biriishkan ayaa noqondoona biriishkii sedexaad ee laga  dh iso gudaha magaalada burco noqona doona miday si aad ah uga faa idaystaan adeegsigiisa guud ahaan ba shacabka reer togdheer isla markaana ay aad u soo dhaweeyeen gaadidlayda isticmaasha jidkan oo uu markii hore dhib ku hayay  ma rka ay roobab da;aan sikastaba ha ahaatee Biriishkan ayaa la bilaabi doonaa  ka dib ciida AL ADXA ee fooda inagu soo haysa waxa beryahan xowli aad ah ku  soc da hormarka ayku talaabsadeen dadka reer burco kaasi oo marka aad magaalada dhexmartid aad ka dareemaysid horumar la taaban karo meelha qaarna aanad mmoodayn siday ahaan jireen.


 




DAAHIR ISMACIL WARSAME
(SULDAN)
freelence reporter burao somaliland
suldaandaahir1991@hotmail.com
or mob:+25224326004