Bogaadin Iyo Taageero Qodobada Ka Soo Baxay Shirka Burco

 

Baaq Burco ka soo yeedhay rajadii dadka ayuu soo nooleeyey. Runtii in badan oo aan anigu ka mid ahay maanka ayuu doojiyey. Waxa uu dad badan oo reer Somaliland ah geliyey yididiilo, waxaanu dalka iyo dadka reer Somaliland u yahay iftiin, waayo maanta waa maalintii inta ka naxaysa Somaliland u istaagi lahaayeen bad baadinteeda iyo aayo ka talinteeda.

Madama wadanka ka talinaayey wakhtigiisii yahay gabaabsi isla markaana aanay muuqan wax doorasho ah oo wadanka laga qaban qaabinayaa .

Waxaa muhiim ah in beelaha iyo wax garadka dalku xal gaadhaan aayaha dambe ee dalku wuxuu ku dambayn doono.

Si taas loo suurto geliyo waa in la taageero shirka dhawaan lagu soo gebo-gebeeyey burco iyo talooyinka ka soo baxayba.

Waa baaq runtii taageero mudan oo tahay in dhamaan beelaha kale ee Somaliland-na ku daydaan si loo suurto geliyo hogaan cusub oo wadanka gaadhsiiya doorashoyin xor iyo xalaal ah muddo gaaban gudaheed.

Waayo maamulka imika jooga waxaa xaraan iyo dambi ah in wakhti dambe loo kordhiyo iyada oo aynu ogayn inta jeer ee loo kordhiyey iyada oo sharciga wadanka u yaala loobaal maraayay.

Somaliland maaha boqortooyo nin iska leeyahay ee waa qaran ay ku bahoobeen beelo cidina cid kale xoog kuma xukumi karto, ma jirto cid qasab ku haysan karta Somaliland .

Nabad Somaliland waxaa haya marka hore Illahay marka xigtana waxaana leh mahadeeda shacabka Somaliland ,lakiin maaha , wax jirana maaha in Rayaale hayo Nabad gelyada Somaliland iyo jiritaankeeda cida sidaas qabtaana waa cid gef ka gelaysa qarankan.

Waayo Somaliland waxay nabad ahayd oo ay jirtay Rayaale hortii.

Ugu dambayn waxaan soo jeedinaynaa in beelaha burco iska jiraan in la isku diro oo dab la dhex dhigo inta loo adeegsado kuwo guul wadayaal ah oo magac dawladeed huwan.

Waxaanu iska jira kuwa kala dila ee isku dira kuwa walalaha ah, isla markaana meel uga soo wada jeeda dantiina iyo tan Qaranka Somaliland, maanka ku haya Burco waxaa taala xudhurtii Somaliland , Burco waa halkii ay ku dhalatay Somaliland ,ogaada ma dhamaan halgankii aynu ugu jirnay Somaliland ,

Ugu dambayn waxaan leenahay qodobada ka soo baxay shirkii burco .

waa arrin maanka iyo hiyiga kicinaysa. Waa tallaabo geesinnimo iyo ku-dhac leh oo mudan in la siiyo taageero buuxda iyo bogaadin kal iyo lab ah. Waa arrin maanta aad loogu baahan yahay oo mudan in la dhiirrigeliyo taabba galkeeda badhi taar ahaan iyo in laga dab qaadato ku dayasho ahaan.

Dhamaan dhacabka Somaliland waa in ay ka fekeraan xaalka Somaliland halka uu maraayo isla markaana waa si isku duubni ah loo raadiyaa wuxuu noqonaayo xalku.

Qabyo weli waa halkeedii!!!






Alle Ha Ina Garan Siiyo Jidka Toosan……..Aamin.









Mohamed Abdi Jama

Hargeisa,Somaliland