Boobe Yuusuf Ducaale Waxa Uu Galo Nin-kii Garanayaa Garan!
- Cid kasta oo danaynaysa ama inuun u lexe-jecla qabta qaranka
Somaliland iyo horumarkiisa waxa ay u ahayd maalin aan la iloobi
karin oo farxadeed, markii Md. Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu u
magacaabay muj, Boobe Yuusuf Ducaale inuu noqdo wasiirka wasaarada
war-faafinta ee JSL!
Sababtu, wax kale ma ahayn ee waxa uu dadku xog-ogaal dhaw u ahaa
laba arimood oo aad iskugu baahnaa, isna la'aa intii ay jirtay
Somaliland oo u muuqday, aakhirataankii inay haatan isku yimaadeen
oo ay is-heleen! Lbadaasi arimood oo kala ahaa;
1; Wasaarada warfaafinya, oo baahi daran u qabtay cid labadeeda
lugood ee dhiiqada/dhiidhida galay ee ay ka nuuxsan wayday intii ay
soo jirtayba uga miciina oo aayar, kolba mid ka saari kara oo
tabteeda iyo tayodeedaba leh!
2; Iyo xirfada, dal-jacaylka, daacadnimada, hawl-karnimada, aqoonta
iyo waayo aragnimada karkaarada iyo gabiyadaba jabsatay ee uu
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale soo kasbaday intii uu dul-joogay ifkan.
Sidaas darteed, waxa maskaxda qof kasta ku sawirantay wasaaradii
war-faafinta ee ay dhinaceeda dhaxantu inaga haysay MUDODA DHEER
haatan ayay heshay ninkii hayaanka raacin lahaa! Nasiib daro,
yuhuuntaasi iyo rajadaasi midho dhal may noqon mana dhicin, oo
intaanay wasiir Boobe iyo wasaarada warfaafintu isba-qaabilin ayaa
calaf-ku kala geeyay! Oo waliba, si wanaagsanna uma ay kala noqon ee
si oo aan qurux badnayn oo naxli badani ku jiro ayaa ay ku kala
tageen. Waa Cawo daro inteeda le'eg.
Run marka laga hadlo, eryistii degdega badan iyo faciiltanka
fudaydku weheliyo xambaarsanayd ee wasiir Boobe Yuusuf Ducaale lagu
rukhseeyay dadka waxa ay ku noqotay, filan-waa iyo niyad jab quus u
eeg. Yaabka taabkiise Laba is-qaban la' waxa ah, hankii loo qabay
xukuumada madaxwayne Siilaanyo iyo midh-siibka wasiirada tayada leh
ay ku hayso ee ay dawldu caadaysatay!
Haatan iyo dan, waxba hadal badani qaban maayo-e, bulshadu waxa ay
aad ugu diirsatay oo dado-tir iyo shashafoba uga noqday dhaawacii
xukuumada ka soo gaadhay ee dhacdadan ku saabsanaa, qoraalka
taxanaha ah ee muj, Wasiir Boobe uu u hurayo inuu dadkiisa inta
hufan la wadaago, waxana aan uga fadhinaa muj, Boobe ku sii
negaanshaha maalin-qorkiisa anaga oo danaynayna in aanu ilaa
dabayaaqada sheekada laasano!
Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto!
Cali Cumar Xasan
|