Booliska Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Askar Itoobiyaan ah oo Watay Hubka Lagu Fuliyo Hawlagallada Qarsoon

 

Dawladda Itoobiya ayaa ka raalligelisay xukuumadda Somaliland xadgudub ay si sharci-darro ah ku soo galeen dalka Somaliland askar ka tirsan ciidammada ammaanka Itoobiya ee sida gaarka ah u tababaran oo ku hubaysnaa hubka loogu talogalay fulinta hawlgallada qarsoon, kuwaas oo 5 November 2008 lagu qabtay magaalada Boorama, xarunta Gobolka Awdal.

Afar ka mid ah ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee dawladda Itoobiya oo sitay baastoolado nooca aan sanqadha lahayn ah [silencer) ee sida qarsoodiga ah wax loogu khaarajiyo iyo qalab kale oo ciidan, ayaa waxa laga qabtay huteel ku yaal magaalada Boorama, kadib markii dad shacbi ah oo ka shakiyey raggaasi ay ciidanka booliska ku wargeliyeen.

Raggaas oo la sheegay inay ka tageen dhinaca caasimadda Hargeysa oo ay ka raaceen baabuur kuwa rakaabka ah oo u socday Boorama, kadibna ka shakiyeen dadkii gaadhiga la saarnaa ee rakaabka ahaa.

Raggan ayaa sida la sheegay markii booliska Boorama qabtay waxa ay sheegteen inay ka tirsan yihiin xafiiska diblomaasiyadeed ee Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa. Hase ahaatee, sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah masuuliyiinta xafiiska Itoobiya ee Somaliland oo la weydiiyey sheegashada raggaas hubaysan, ayaa iyagu caddeeyey in aanay ka tirsanayn xafiiskooda, taas oo sii xoojisay dareenkii shakiga ahaa ee laga qabay, kadibna masuuliyiinta maamulka Gobolka Awdal ayaa amray in xabsiga loo taxaabo nimankaas.

Haseyeeshee, markii raggaas lagu xidhay saldhigga booliska Boorama, ayaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada ammaanka Itoobiya oo ka yimi dhinaca magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre ee Kililka 5aad ay sheegeen in nimankaasi ka tirsan yihiin ciidammadooda, kuwaas oo Boorama u tegay hawlo la xidhiidha amniga dalkood.

Weftiga ka socday dawladda Itoobiya oo Sabtidii gelinkii dambe gaadhay magaalada Boorama, iyagoo ay gelbinayeen ciidammo aad u hubaysan iyo baabuur tikniko ah, ayaa isla markiiba waxa ay toos u tageen saldhigga booliska ee raggaasi ku xidhnaayeen, kadibna waxa ay sii daynta nimankaas wadahadal kala yeesheen maamulka Gobolka Awdal.

Inkastoo aanay labada dhinac wax war rasmi ah ka soo saarin wadahadallada dhexmaray oo muddo saacado ah uga socday uga socday guriga Badhasaabka Awdal Mr. Maxamuud Sh. Cabdillaahi, balse sida ay tibaaxeen warar xogogaal ah waxa saraakiisha Itoobiya ka raalligeliyeen dawladda Somaliland xadgudubka sharci-darrada ah ee ay askartooda hubaysani ku soo galeen gudaha Somaliland iyagoo aan wax oggolaansho rasmi ah ka haysan dawladda.

Afartan nin ayaa markii la sii daayey waxa isla habeennimadii Axaddii loo qaaday dhinaca dalka Itoobiya, iyagoo sii raacay weftiga ka socday dalkooda.

Waa markii ugu horreysay ee arrintan oo kale soo kala dhexgasho labada dawladood ee ee Somaliland iyo Itoobiya oo uu ka dhexeeyo xidhiidh saaxiibtinimo.






 



Jamhuuriya Online