Booliska Somaliland Oo Ka War-bixiyay Hawl-gal Lagu Soo Qabtay 53 Qof

 


Hargeysa (TNN):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shaaca ka qaaday inay galabta illaa caawa Ciidaanka Booliska Somaliland ku guuleysteen hawl-gal balaadhan oo ay ku gaaf-wareegayeen dhammaan Xaafadaha Caasimada Hargeysa ka kooban tahay inay gacanta ku soo dhigeen 53-qof oo isugu jira Tuugta caadeystayaasha ah iyo dhalinyarada fidmowadayaasha ee koox-kooxeysiga isku dila, isla markaana waxa xus ay in la xoojiyey uun ammaanka si loo xakameeyo tuugta iyo dhalinyarada fidma-wadayaasha.

“Gaaf-wareeg amaanka xaafadaha Caasimada Hargeysa ka kooban tahay lagu sugayo ayaan galabta ilaa caawa aan ku jirnaa, waxaana hawlgalkan lagu soo qab-qabtey 53-qof oo isugu jira tuugta caadeystayaasha ah iyo dhalinyarada fidmo-wadayaasha ee kooxkooxeysiga isku dila oo si deg-dega ayaa sharciga la horgeyn doona baadhistoodiina way socotaa.Dhamaan Gobolada Somaliland-na iyaguna waxa ka socda hawlgalka gaaf-wareega ee amaanka lagu su gayo, wax dhibaata kale oo jirtaana ma jirto”.Ayuu yidhi.

“Nabadgelyadu way wanaagsan tahay, hawlgal balaadhan oo amaanka lagu sugayo ayaa ciida nka boolisku caawa ka fuliyeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa,hawlgalkan oo Ciidaanka booliska ku soo qabqabanayaan tuugta khatarta ah ee caadeystayaasha ah, iyo dhalinyarada caadeysatey inay falalka budhcad-nimada ah ama dilalka ah fuliya ama rabshad wadayaasha ah ee koox kooxda isku dila,kuwaas oo ciidanka boolisku bilihii ugu danbeeyey ay ka soo qabte en ilaa 270-qof, oo la horgeeyey sharciga oo Xabsiyo kala duwan lagu xukumay, qaarna la ga naaxay, halka qaarkoodna gar sugayaal yihiin”.

“Waxa la xoojiyey uun amaankii,si loo xakameeyo, waxna looga qabto dhalinyarada kooxeysig a ee rabshad-wadayaasha ah, iyada oo horeba Ciidanka booliska Somaliland wax uga qabtey, waxaanan ku qaban doona gacan birra oo adag Insha Alaahu oo waxaanu horgeyn doona sha rciga”. Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo caawa u waramayay shabakada wararka ee Hadhwanaag.

Mar la weydiiyey Taliye Fadal waxa sababay in bilihii ugu danbeeyey dilalka ka dhacaya Caasi mada Hargeysa inay sii kordhaan,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Dhaco way dhacdaa,laalin waxa meesha taala maxaa laga qabtey? Hadaan tusaale ku soo qabto dilkii ugu danbeeyey ee lagu dilay todobaadkii hore Alle ha u naxariiste Marxuum Mustafe Ciidaanka boolisku oo ilaa ha wlgalkaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade kala qeybqaatey, marka hore ILAAHAY ayaan uga mahad-celinayaa marka labaadna waxaan u mahad-celinayaa ciidanka B ooliska Somaliland,gaar ahaan Ciidaanka Caasimada Hargeysa haday yihiin saraakiisha sarsar e, haday yihiin saraakiisha dhexe iyo kuwa hoose iyo ciidan-weynaha aan loo kala hadhin,wax aana ILAAHAY mahadiiya in dhamaan afartii xubnood ee geystey dilkaasi inay ciidanka boolis ku gacanta ku dhigeen”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Falku wuu dhacayaa, danbiguna waa ka hortag iyo ka daba-tag, waxaanan ku dadaalaynaa Inshaa Allaahu inaanu inta baddan ka hortaga sameyno, wixii dhacaya ee ILAAHAY qadarey way dhacayaan”.

“Waxaanu sameynay Baabuur 999-na iyo Baabuur Xaajiyado ah oo ciidan saaran yihiin oo xaa fadaha Caasimada Hargeysa gaaf-wareega, oo meelaha ay ku dhuuntaan danbi-wadayaashu ka soo qabqabanaya, waanay wareegayaan, waanay wareegi doonaan waanan sii xoojin doo na haddii ILAAHAY yidhaahdo”.Ayuu yidhi Taliye Fadal oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiye y halka ay ku danbeeyeen Ciidankii roondada ahaa ee Xaafadaha Caasimada Hargeysa ku gaa f-wareegi jirey si ay amaanka u sugaan,”ayuu yidhi Taliyaha Booliska oo
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland