Booqashadii Silanyo Ku Tagay Koonfurta Sudan Oo Noqotay Tii Ugu Faa’idada Badnayd Qadiyda Gooni Isku Taaga Somaliland

 



Waxa uu fursad u helay inuu Calanka iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland u muujiyo Madaxdii W adamad a Afrika ee ka soo qayb galay Munaasibadii loogu wanqalayey Dalka 54aad ee ku soo biiray Qaarada.



Hargeysa, July 11, 2011 (TNN) –Booqashadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxam uud Siilaanyo uu ku tagay dalka Koonfurta Sudan ayaa waxa lagu tilmaamayaa inay ahayd tii ugu faa’iidada badnayd ee Madaxweyne Somaliland ahi ku tago dal dibadeed marka laga hadlayo qadi yada gooni isku taaga Somaliland.

Mudane Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa waxa ay ka qaybgaleen Sabtidii doraad munaa sibad loogu Wanqalayey dalka cusub ee Koonfurta Sudan, taas oo lagu qabtay caasimada dalkaa si ee Juba, halkaas oo ay isugu yimaadeen hogamaiyaal badan oo ka mid ah madaxda dawladaha Afrika iyo kuwo kale oo ka socday wadamada kale ee dunida, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo uu f ursad u helay inuu madaxdii dalalka Afrika ee ku sugnaa halkaasi uu u muujiyo dareenka rabitaan ka iyo wadciga dhabta ah ee ka jira Somaliland ee ay ku doonayaan inay noqdaan dal madax ban aan oo la aqoonsan yahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa safka hore kaga jiray si weyn uga muuqday munaasibadihii ay xuku umadda koonfurta Sudan ugu talo gashay ku dhawaaqa maalintii Calankooda ee ay noqonayeen dawladd madaxbanaan oo la aqoonsan yahay.

Waxaana la odhan karaa in booqashadan Madaxweyne Siilaanyo ay madaxda dawladdo badan f aham siisay, gaar ahaan kuwa Afrika xaqa shacbigani ay u leeyihiin Aaya ka tashigooda ay gaad heen 1991-kii, isla markaana ay booqashadani qadiyadii Somaliland ka gudbisay caqabado diblom aasiyadeed oo hor taagnaa marka la eego Dhinaca Afrika.

Dhinaca Baratakoolka Madaxweyne Siilaanyo intii uu joogay halkaasi waxa uu fursad u helay ka sokow qadiyada Somaliland ee uu u sharaxayo madaxda Afrika, waxa u dheerayd Madaxweyne Siilaanyo heer Baratakool heer sare ah oo hadd iyo jeer lagu maamuusayey muddadii uu ku sug naa Juba, iyadoo uu la maqaam ahaa madaxda dalalka Afrika kuwa ugu waaweyn iyo xoghayaha Qaramada Midoobay Ban-kii Moon oo ay mararka qaarkood is ag fadhiyeen.

Sidoo kale Waxa xusid mudnayd munaasibadii lagu qabtay fagaaraha John Garang oo ahaa hoga maiyihii jabhada SPLA ayaa waxa ka dhex ba banayey oo ka dhex muuqday calamadii dunida cala nka Somalialnd oo saddex meelood oo kala duwan la sudhay halka dalalka kalena tiir kaliya ay su dhnaayeen.

Magaalada Juba ka hor intii aanu ka soo amba bixin Weftiga Somaliland ayaa waxa laga dareema yey xamaasad iyo dareen madaxdii ka soo qaybgashay ay ku taageerayaan gooni isku taaga So malialnd, waxaa se taas ka sii weynaa caadifada ay qadiyada Somaliland u muujiyeen xukuumad da iyo dadweynaha dalka cusub Koonfurta Sudan.

Waxyaabaha aad u soo jiitay dareenka dadkii dunida iskaga yimid ee ka soo qaybglay maalintii la saarayey calanka Koonfurta Sudan waxa ka mid ahaa garamo iyo funaanado ay ku xardhan yihii n calanka Somaliland  iyo halku dhigyo ugu baaqaya in la aqoonsado gooni isku taageeda oo loo qaybiyey dadweynaha koonfurta Sudan iyo wufuudii ka soo qayb gashay munaasibadaa, iyadoo halkaa lagu qaybiyey in ka badan Kun garan (T Shirt) iyo funaanado Jaakado (Jackets). Waxa ka le oo xusid mudan in madaxweynaha iyo weftigiisu ay koonfurta Sudan ku tageen diyaarad Jet ah oo loogu talo galay inay qaado rakaab kor u dhaafaya 100 qof, taas oo maalintii khamiistii wef tiga geysay caasimada Ethiopia si uu ula kulmo Wasiirka Arimaha dibada ee dalka UK William Hag ue, iyadoo uu madaxweynuhu jimcihiiba u gudbay magaalada Juba halkaas oo uu shalay ka soo duulay toosna ugu soo noqday caasimada dalkiisa ee Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo waxa safarkiisa ku wehelinayey 14 suxufi oo ka tirsan warbaahinta Soma liland, kuwaas oo u badnaa hay’adaha madaxa banaan ee gaarka loo leeyahay. Waana markii u horaysay tan iyo markii Madaxweyne Cigaal uu suxufiyiin ka tirsanaa wargeyska Jamhuuriya u k axaystay booqasho uu ku tagay magaalada addis ababa 1995-kii ee ay suxufiyiin ka tirsn warb aahinta madaxa banaan ay dibada u raacaan madaxweyne reer Somaliland ah.

Bulshada caalamka ayaa had iyo jeer shardiga aqoosiga Somaliland waxa ay ku xidhaan inay mid awga Afrika ogolaadaan Somaliland.

Dhinaca kale madaxweyne Siilanayo oo ka hadlay faa’idooyinka uga soo baxay socdaalkii uu kaga qayb galay xaflada madaxbanaanida koonfurta Sudan ayaa waxa uu yidhi Ictiraafka oo ahaa mi d aanu muddadaa dheer u halgamaynay, waxay anagana noo ahayd fursad weyn, si laxaad leh oo weyna waanu uga soo qaybgalnay, aadna waan ugu faraxsanay calankayaguna waxa uu ka mid ahaa Calamadii shalay (doraad) ka dhex muuqday fagaarihii loogu dabaal dagayey  madax ba naanida Koonfurta Sudan ayuu ka mid ahaa, farxad weyna way noo ahayd kasoo qaybgalku. In Somaliland la aqoonsado aad baanu u rajaynaynaa kalsoonidina waanu ku qabnaa samirkeedana waanu leenahay, marka ugu horaysa waxaanu aaminsanahay dal iyo dad iyagaa horta aqoonsig ooda isku haya ilaa xad haddii la eego, waayo siday wax u qabsadeen ee ay dalkooda u koriyeen, siday u maamuleen iyo siday isku muujiyeen ee dunida ugu cadeeyeen inay yihiin dad lugahooda isku taagi kara, oo wax qabsan kara, oo muujin kara oo ismaamuli kara inay yihiin taasna dunida waanu u cadaynay
 

Source: Haatuf