BOQOLKII MAALMOOD MAXA QABSOOMAY, MAXAASE QALLOCDAY-   II

 


“TANHAA CAN KHULUQIN WA TA’TII BIMITHLIHI, FA CAARUN CALAYKA IDAA FACALTA CADIIM!!:HAB DHAQANKAAD SHALAY KA DEYRINEYSEY, DHIGGIISII OO KA DARAN AYAAN MAANTA LA SHIR  IMAN AYAA, XUKUUMADDA CUSUB CIDINA KA AQBALI MAYSO!! SHUU SAAR, SHUU MAA SAAR, SHUU AWALAL MISHWAAR, WA SHUU AAKHIRAL MISHWAAR”


XAKAMAYNTA MUSUQMAASUQA & DHOWRISTA HANTIDA QARANKA:


Sida ka muuqatey warbixintii wasiirka Maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa muuqata in  dh akhligii ka soo hoyanayey cashuuruhu in uu kor u kacay, taasina waxay inna tusaysaa in hanti  ba dan oo ummadda wax loogu qaban lahaa ay lumi jirtey. . Muddo dheer ayaa Xisbiga Kulmiye markuu mucaaridka uga hadli jirey oo ku ballanqaaday in haddii u xukunka ku guuleysto in aanay  dhici doo nin in hantida qaranka toos madaxtooyada ugu hoyato. Halkee wax iska bedeleen?

Suaal ay meesha taala ayaa aha: Dakhliga dalka iyo ballanqaadyadii tirada belay ee xiligii ololaha  ma isu dheeli tirmayaan? Wuxu Xisbiga Kulmiye ku ballanqaaday in u musharka shaqaalaha 300% kordhindoono! Si ay miisaaniyaddu isu daboosho waa in dhakhligu ugu yaraan noqdaa  US$150,000,000.00.

Sida wasaaradda maaliyaddu sheegtay seddexdii billood wuxu dhakhligii noqday SL Sh. 95,000,000,000 oo u dhiganta US$14,615,385.00 (Marka sarafka US$1= SL Sh 6,500.00). Waxa halkaa ka muuqata in odoroska dhakhliga dalku noqon karo US$60-65,000,000.00. Taasina waxay aad uga yartahay dhaqaalaha la buunbuuninayo. Markaa sheekadu waa Cabdoow qaladal xisaab!!

NABADGELYO XUMADA DALKA KA ALOOSAN:

Bishi September10, 2010: Ayaa tuulada Buula caddo ee xeebta galbeed ee Somaliland waxa ku soo xidhay laba doonyood oo sida ciidan lagau qiyaasay ilaa 250 oo ka tirsan argagixisada ONLF laguna soo tababaray dalka Eritrea. Ciidamadaas ayaa si hawl yar uga gudbey Somaliland, waxayna  gale en buuraleyda maarmaar. Ciidankaa hubaysani waxay ku socdeen qorshe cad si fiican looga  baara n degey waana ta u suurto gelisey in ay duhur dharaareed ka gudbaan xeebta galbeed ee  Somalil and una tallaabaan dhinaca dalka Ethiopia, halkaas oo ciidamada Ethiopia diyaar uga ahaan oo  war kood ay la socdeeen, halka ay hay’adihii ammaanka Somaliland gebi ahantoodba ugu fashilmeen in ay ogaadaan dhaqdhaaqa argagixisada dalka dhexmushaaxaysey labada maalmood.

Wasiirka Arrimahsa Gudaha ee Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose markuu xilka la wareegay, tallaabadii u horeyse uu qaaday waxay ahayd in uu telefoonadii ka xidhay dad badan oo sirdoonka ka hawl geli jirey isaga oo ku andacooday in aanu dadku wada basaas is dhegeyste wada  noqona yn. Dcalka Bari ee dalka iyana buuraleyda Gagagala waxa dagaal ku dhexmarayey argagixisada Al-Shabaab iyo maamul goboleedka Majertenia. Markii wasiirka arrimaha Gudaha arrinta laga  warays tey, wuxu ku jawaabay sidatan:

Galgala waad arkaysaan laba xoog baa isku haya, xoogga halkan ku jiraa waa xoog khatar nagu ah, hadday adkaadaanna noo daran, haddii laga adkaadana noo daran.”

Jawaabtaasi waxay noqotay mid ummadda reer Somaliland ka degi weydey, waa hadal aan  ummad da u cuntamayn oon looga fadhiyin mas’uul qaran. Guddii baadhitaan ayey xukuumaddu u saartay arrinta. Nasiib darro warbixintii guddidu iyana waxba may soo kordhin oo ciddi ay khuseyneysey ee xilkeedii gudanweydey toos umay abaarin. Waxa halkaa ka muuqata in dalkii Somaliland noqday buul habreed oo doc walba ka daloola iyo marin halaqu ku soo dhiirado.

Xukuumadda ummadi soo doorataa waa in ay qummaati u gudataa xilka qaran ee ay ummadda u  h ayso. Wixii saamayn ku yeelan kara midnimada, qaranimada, jiritaanka dalka, nabadgelyada, iyo  dif aaca waa masu’uuliyadda koowaad ee dowladda hadba xilka haysa sida distoorka qaranku  qeexa yo. Wixii dhibaato ama shaqaaqo ah ee beelaha dalka wada degan ka dhex aloosma cidda ka hawl geli kartaa waa Golaha Guurtida sida distoorka dalka jideeyey iyo madax dhaqmeedyada.Halka ay ciidamada qaranku ku sugnaanayaan iyo xiliga ay guurayaan iyo halka loo rarayaa arrin madax  dh aqmeed beeleed ka hawl geli karo ama la shir iman karo ma aha ee waxay ka mid tahay  waajibaad ka xukuumadda dhexe loo igmaday. Arrinta Sool iyo Sanaag Bari sheeko madax dhaqmeed ma ah, cida leh ciidanbaa nagu soo duulaye ha la raro waxa ay u googol xaadhayaan waxa weeye in  goob aahsi ay noqdaan fadhiisimo argaxisada koonfur Soomaaliya. Dowladda ummaddu u codeysey waa in ay wajibaadkeeda qummaati uga soo baxdaa; xilka iyada loo igmadeyna cid kale lama wadaagi karto.


WADADA DILA-BOORAMA, BIRIISHKA HARGEYSA, IYO QALABKA CIIDANKA XEEBAH


Jidka Dila iyo Borama is xidhay waxa xagaafistiisa bilowday dowladdi Talyaaniga taariikhdu markay ahayd 1940. Mudadaa todobaatanka sannadood ah dowladihii Somalia/Somaliland isaga  dambeey ey wey ku guuldareysteen in jidkaa sideed iyo toban Mayl ah wado laami ah laga dhigo. Xukuuma ddii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa dhagax dhigtay oo bilowday, xukuumadda cusubna waxa laga sugayaa in ay dhammaystirto.


Sidoo kale mashruuca Biriishka labaad ee Caasimadu isna wuxu noqday faanoole. Kharashkuu ku ka cayey boqolkiiba sideetan (80%) ayey xukuumaddii UDUB hirgelisey, hadda waxa ka dhimani waa wax yar oo mana aha mashuuc xukuumadda cusubi bilowday ee baalaxooftada hoos Kulmiye ha u yara dhigo.


Qalabka loogu deeqay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyana waxay ka mid ahayd wax  qabad k ii wasiirkii Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali ee xukuumaddii Madaxweyne Riyaale. Xukuumadda cusubi waxay ku soo beegantay xiligii mucaawinadu timid ee sheekadu noqonmayso mid ay xukuumadda cusubi kaga midho dhalisey boqolkii maalmood ee u horeysey ka dib marka talada dalka la wareegtay.


Jidka Dila-Boorame, Biriishka Hargeysa, iyo qalabka loogu deeqay Ciidanka Ilaalada Xeebaha sedde xduba wey ka horeeyeen xukuumadda cusub mana noqon karaan wax qabad dowladdau ku faani karto; shan sannadood ka dib ayaa xukuumadda dalka ka talisa waxqabkeeda iyo qaladaadkeeda ba la qiimayndoona.

IS DHEXYAACA HAY’ADAHA QARANKA

Maamul wanaaga xukuumadeed waxa laga dheehan karaa sida ay masuuliintu u wada shaqayso; waxa anshaxa dowladnimo ka reeban in goob warbaahineed hadalo is burinaya madaxda xukuumad du isku weydaarsadaan. Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa maalin ay wasiiro iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaaluhu ka warbixinayeen tabar, in ay madashii ka soo baxeen hadalo aan l oo bahnayn. Waxa kale oo iyana jirtey maalin Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Wasiirka Ganacsig u ka hadlayeen Maxjarka laabaad ee Berbera ayaa iyaguna sidoo kale weedho iska soohorjeeda go obtii isku weydaarsadeen!


CABUDHINTA WARBAAHINTA IYO KU TUMASHADA XUQUUDA AADAMAHA

Bishii August 14, 2010 aya markii u horeysey Afhayeenka Madaxtooyadu Md.Cabdillaahi Maxamed Daahir digniin kulul iyo hanjebaado u jeediyey warbaahinta madaxbannaan ee dalka Somaliland ka hawl gasha. Maalintii xigtay ee Bisha August ahayd 15th 2010 ayaa wariye madaxbannaan oo lagu magacaabo Haashim Sheikh Cumar Good loo taxaabay saldhiga Booliska Boorame iyada oo lagu fuli nayo amar madaxtooyada ka soo baxay. Xiligi wariya xagga Saldhiga loo kaxeynayey lama tusin a mar maxkamadeed.

Sida aynu ka warqabno Jawaab daarka dowladdu markuu ka hawl geli jiray warbaahinta, isaga xil ka soo qabtay Ururada Wariyeyaasha Somaliland, wuxu ku dhaliili jirey dawladdii hore in ay  cabudh in iyo cagojuglayn ku hayso warbaahinta.

Arrinta qaranka Somaliland fool xumada weyn ku ihina waxay tahay tacadiga loogu geystay laba h ablood oo ka tirsan qowmiyadda gabooyaha ee la heyb-sooco. Ilaa manta xukuumadda  Madaxwe yne Axmed Maxamed Maxamuud jawaab ummadda qancisay lagama hayo; ciddii foolxumadaa ku ka cdayna wax tallaabo sharci ah lagama qaadin. Waxay qaadhay arrintani in kooxay hor kacayso Mar yan Mursal ay ka bannaanbax ka hore sameeyaan guriga Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ingriiska, 10 Do wning Street!


Boqolkii maalmood ee u horeysey waxay ku ekayd bishii November 6th, 2010 oo ku beegnayd maal intii Madaweynaha dalku, Md. Axmed Maxamed Maxamuud dib uga soo laabtay socdaalkii uu ugu kicitimay dalka Djibouti. Iyada oo Madxweynuhu ka warbixinayo safarkiisii u horeeyey, oo wasiiradii xukuumadda, madaxweyne-ku-xigeenkii iyo warbaahintii maxaliga ahaydba madasha ku sugan yihi in, ayaa si lama filaan ah Jawaab-daarkii xukuumaddu, Md. Cabdillaahi maxamed Dahir (Cukase), si dii aar neef xoola ah haleelay tunka iska laalaadiyey weriye goobta ku sugnaa oo u damacay in uu goobta dibadda uga saaro.

Xikmad Carbeed ayaa tidhaa :”Tanhaa can khuluqin, wa ta’tii bi mithlilhi, fa caarun calayka ida  faca lta cadiim: Hab dhaqankaad ka deyrineysey, markaad dhiggiisii la timaad, sow goobtaa ceeb culusi kama raacin.

Boqolkii labaadna waxa bilaabmeen Bishii November 7th 2010 waxayna la kowsatay bannaanbax ay sameeyeen ardayda wax ka barata Dugsiga Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ee Hargeysa. 180  ard ay ee dugsiga wax ka baranayaey ayaa lagu wargeliyey in 130 ka mid ah la dhimayo oo dugsigu u furnaandoono 50 arday oo keli ah. Ardayda ayaa lagu dalbaday booliska si ay u kala caydhiyaan, waxana dhacday in boolisku ardaydii iyo weriyeyaal goob joog ahaaba si xun u garaacaan qaarna xabsiga u taxaabaan. Xiligii ololihii doorashadii madaxtooyada Xisbiga Kulmiye wuxu ummadda ku be erlaxawsan jirey waxaanu daryeeli doonaa warbaahinta iyo xuquuqdaa muwaadiniinta? Halkee wax ka qalloocdeen? Shalay iyo maanta maxaa isbedeley?

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse