Boqor Muxumed Geele,
waa nin aan looga baqayn xil ka uu dhawaan qaaday, ee ah boqornimada
beesha Habar Awal
Boqorku waa nin aqoon yahan ah,
oo looga bartay hogaan habsami ah oo waayo arignimo xeel dheer,
dadnimo dheeraad ah, kuna darsaday karti.
Taana waxaa u daliil u ah, markii uu boqor Muxumed doortay
gudoomiyaha golaha deegaanka Gabiley oo markaa degmo ahayd, ayaa
Alle ha u naxariistee abwaan A adan Cumar Kaahin, oo ahaa
gabayaa aad u daneeya danta dadka iyo dalka oo ka gabyey qadiyada
Somaliland sideetamaankii dhexdiisii ilaa hadba duruufaha ama
xa aladaha wadanka Somaliland soo wajaha, wuxuu dardaaran u jeediyey
Boqor Muxu med Geele, isaga oo ku dardaaraya in aanu dhayalsan
oo uu ka soo baxo xilkaa, wa xaani yidhi.
Haddaad
doonidii Muxumadow
qabatay deebaanka
haku daayo eebee
hadaad diirada u qaaday
dardartaadu way fiican tahay
daawasha guude
docdaad kaga bilawdaa
shaqada loo durbaan tumaye
*********
Dib haddaanad uga laaban
taa waa hore u duruge
Dalkan lugu abaarsaday
ninkii doog u rara beesha
ee degal barwaaqa ku fura
waajibka u diranye
dadaalkiisu waa xooluhuu
darar ka maalaaye
waa maamul dawgiisu yahay
waa dirkoo kala e
*********
Maaantuu dayaxu taagan yahay
Dirirna muuqdaaye
Dabaylaha onkoday
Baadka garan
daawo iyo khayre
|
Markii uu Boqor Muxumed, xilkiisii kasoo baxay, ayuu Abwaan Aadan oo
si habsami ah u eegayey hawsha uu hayo Gudoomiyuhu, waxuu yidhi,
Aduunyada
dabaylaha socdaa
Doorba waa midabe
Duufaan marbay kugu
Kacshaan kuga dabreeyaane
Marna di’itin roob iyo
Nimcay kugu dabaalaane
Jiilaal duraaqsaday
Gu’bay deris wadaagaane
*********
Waa dunidu meertoo
Wakhtigu waa isdaba yaalle
Intaa falagu waa duurayaa
Laga dab qaataaye
Waxaan uga dan leeyahay
Xilkii duuda Gabilay
Nikii shalayto loo doortay
Alaylehe dadeed waa yihiyo
*********
Duqan u baahnaynne
Waa waayo arag soo
Dubmoon wax u dahsoonayne
Waa niman waraaq lagu
Dagayn dahan sida qaare
Ninse dabaal yaqaannaa
Bad waa dulun dulceeyaaye
Cilmina waa ku daadihin
*********
Karaa diirad iyo shiishe
Hayeeshee dhib lagu
Daalayoo dageb san baa taale
Nin kursiga isdama
Looliyaa hoos u muudeyine
Ka danayso mooyee
Wax qabad looga dacaree
Awal nin daajiya
mahelin diric xalaalee
hadba kii dumaalaa
talada wa uga darayaaye.
wabilaaahi toolfiiq.
|
|