Boqor Raabbi oo Siilaanyo ugu Baaqay in uu Xoriyadooda u soo Celiyo Muwaadiniinta u Xidhan Caddaalad-darrada

 



Hargeysa(TNN)- Boqor Raabbi Yuusuf Jiilaal oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Maroodi-Jeex ay aa Madaxweyne ugu baaqay in uu si degdeg ah xorriyaddooda ugu soo celiyo guud ahaan maxaabiist a Xabsiyada dalka ugu xidhan caddaalad-darrada baahsan ee uu jiritaankeeda Madaxweynaha Somali and Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” kaga marag-furay Shirweynihii dib u habaynta caddaalad da iyo garsoorka ee 14-16/June 2011 lagu qabtay Hargeysa. Waxa uu sidoo kale Boqor Raabbi Madax weynaha Ku Bogaadiyay dib u Habaynta uu ku sameeyay Garsooreyaasha Maxkamadda sare.

Sidaasina waxa uu ku sheegay Boqorku Bayaan uu ka soo saaray Magaalada Hargeysa oo Nuqul ka mi d ahi xalay soo gaadhay Wargeyska Waaheen.

Bayaankaasoo u dhignaa sidan:

“Waxa aan Madaxweynaha Somaliand Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku bogaadinayaa sida uu u qiray isaga oo ah masuulkii dalka u sarreeyay caddaalad-darrada baahsan ee ka jirta maxkamadaha Somaliland intuu uu socday Shirweynihii dib u habaynta caddaaladda iyo garsoorka ee 14-16/June 2011oo ka qabsoomay Hargeysa iyo dedaalka uu u galay sixidda garsoorka, oo ah rukun lagama maar maan u ah dhismaha, jiritaanka iyo horumarka Somaliland.

Waxa jira dhibaneyaal hadimo ka soo gaadhay qaladaadka garsoor ee dalka ka jiray, markhtaagina uu ka yahay madaxweynuhu. Kuwaas oo iyaga oo aan waxba samaynin lagu riday xukunno culus iyo qaar iyaga oo aan cidi xukumin lagu daabulay jeelasha dalka.

Waxa aan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu si degdeg ah xorriyaddooda ugu soo celiyo guud ahaan dulmaneyaasha ku jira xabsiyada, gaar ahaan waxa aan leeyahay madaxweyne xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celi Cabdillaahi Mataan Aw Xasan oo saddex sanno ku xidhan Xabsiga Hargeysa, isaga oo aan galabsan gef madaxbannaanidiisa looga qaado.

Waxaan sidoo kale madaxweynaha ugu baaqayaa in uu sharciga hor keeno cidda masuulka ka ah cad daalad-darrada baahsan ee xogteeda ummadda uga warramay, waayo ma jiro danbi iska dhaca oo a an dad samayni. Haddii lala xisaabtami waayo kuwa qalloociya habsami socodka qaranka, waxa ay ke enaysaa in uu masuul walbaaba ku kaco deelqaaf, isaga oo og in aanay jirin cid kula xisaabsatamysa shaqadiisa”
 

 

Source:Waaheen