Boqorka Kuwait oo Sheekh ka Binnaynaya Dhisme ay ku kacayso lacag dhan 3 Milyan oo Dollarka Maray kanka ah

 

Boqorlka Wadanka Kuwait ayaa dhisme lagu qiyaasay inuu ku kacayo lacag dhan 3 Milyan oo Dollarka Maraykanka ka hir-gelinaya Magaalada Sheekh. Dhulka dhismahan laga binnaynayo ayaa waxa uu magaalada ka xiga dhinaca Bari ee Jidka Laamiga Burco taga, waxaana cabbir ahaan lagu qiyaasay 5M oo isku-weer ah.


Dhismeyaasha Fooqaq u badan ayaa hada ka socda, waxaana sida ay noo sheegeen Injineerada Fulinaya Dhismahani, waxa loogu talo-galay inuu Boqorku Dalxiis ku yimaado marka uu fasax yahay. Waxaa laga qodayaa oo hada Socda Riig, waxaana aan indhahayga ku soo aragnay Madaar loogu-tala-galay inay ka soo degto Diyaaradda Kaaska ah ee Mulkiilaha Dhismahan waa Boqorka Kuwait'e.


Dhismahan Shirkadda Qandaraastay ee dhisaysa iyo shaqaalaheedu waa kuwo wadanka u dhashay. Taasoo macno ahaan noqonayso inay lacagtani faa'iido wayn oo dhinaca dhaqaalaha wadanka, gaar ahaan deegaanka Sheekh u soo kordhay.


Dhinaca kale, Ardayda wax ka barta Dugsiga ay Hay'adda SOS gacanta ku hayso iyo Ardayda Jaamacada Xanaanada Xoolaha ee isla Sheekh ayaa iyaguna Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Falalkii waxshinimada ahaa ee Argagixisadu Somaliland ku weerartay ku soo maray banana-bax jidadka magaaladaas.


Iyaga oo ku dhaqaaqayay "dooni mayno Argagixiso, dooni mayno kuwa lidka ku ah horumarka Somaliland. Dooni mayno in ajaanibka wax na taraya la dhibaateeyo," iyo weedho kale.


Sidoo kale magaalada sheikh ayaa dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo dhinaca dhismaha ahi ka socdaan, taasoo si wayn loo hadal-hayo inay noqonayso magaalo loo soo dalxiis tegi doono mustaqbalka.

 

 



Cabdiqani Xuseen Baynax
Sheekh/Somalilandpress