Boqorkii codka mujaahid Maxamed Mmooge Liibaan
alla ha u naxariistee waxa uu ahaa nin taariikhdu qortay
wuxuu ahaa ahaa ragii usoo
kifaaxay gobonimada somaliland halgan dheerna us oo maray
madaxbanaanida dalkiisa hooyo
maxamed mooge wuxuu ku dhashay magaalada hargaysa kuna kacaamay
yaraantyiisii halkaa uu waxbarashadiisii ka bilaabay
mujaahid maxamed mooge baban wuxuu ahaa shaksi aan la ilaabi karin
halyay ku dheer umadiisa geesi u huray naftiisa dadkiisa iyo
dalkiisaba shacbiga somaliland ayaa qadarin wayn iyo kalgacayl u
hibeeyay mujaahidka
waxaad arkaysaa meelo badan oo
mujaahidka loogu magac daray sida degmada maxamed mooge oo ka tirsan
gobolka marodi jeex oo shalay loo wanqalay loona qabtay munaasabad
aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada
waxaa jira machadyo iyo goobo waxbarasho oo sita magaca mujaahid
maxamed mooge . waxaa kaloo arkaysaa dhulka cayaaraha iyo garoomada
oo sita magaca mujaahidka sidoo kalana waxaa lagu dhigtaa taariikhda
mujaahidka dhamaan goobaha waxbarashada si ardaydu wax uga ogaato
taariikhda dahabka ah ee mujaahidka
carwada ku taala magaalada
hargaysa ayaa ah meelaha lagu soo bandhigo dhaxalkii uu mujaahidku
uga tagay umadiisa
sida kabankiisii uu inbadan ku guubaabin jiray dadkiisa asagoo
kaashanaya codkiisii iyo luuqdiisii shacabka ku dheerayd
mujaahid maxamed mooge wuxuu ifka kaga tagay gabadhiisa oo la yidhaa
yaasmiin maxamed mooge oo hada ah marwo reer iyo caruurba leh nolol
fiicana ku nool dadkuna had iyo jeer jecel yahay inay salaamaan ama
wax waydiiyaan
mujaahid maxamed wuxuu la dhashay fanaanka waynee la yidhaa axmed
mooge liibaan ilaahay ha u naxariistee
HARGAYSINA XORNIMADEED
CIDNA KUMA HALYSEEN
HEERYADII MA DIIDEEN
DAGAAL MA HUBQAATEEN
WAA HABKAAN U FALAYEE
HAL ADAG MA YEELEEN
heestan oo runtii xasuus wayn ku
leh dhamaan bulshada ahaydna heesihii guubaabada ku salaysnaa
runtii waa hees murti wayn ku fadhida waxaana dareemi kara
shucuurtii garanaaaya waqtigeedii ama dhuuxi kara abuurka midhaheeda
mujaahid maxamed mooge waxa dhagaysan jiray maalin kastaa ilaa
3milon iyo badh
waxa dawladii siyaad bare ay isku dayday inay joojiso codkiisa
qofkii lagu maqlana la xidho dadka qaarna waaba la dili jiray hase
yeeshee codkii mujaahidku wuxuu noqday mid aan la joojin karin
mid aan la kantarooli karin cod aan la xayiri karin ka dibna waxa
dhacaday in dawladii siyaad bare uu codkii mujaahid maxamed uu ka
xoog batay.
HAWRAARTU LABA MALEH
KII HALGAMI LAHAA IYO
KII HUGURIGU LEEXSHIYO
HALYAYGII JIHAADOOW
TAARIIKHDU WAY HADHI
WAANAY KALA HUFMAYSAA
XISBIGAN HEEGAN KA ANA
GUUSHA U HADHAAYA
runbaad sheegta maxamadoow
guushii waatay u hadheen shacabkii ee ay duhur cad ka eryeeen
askartii shacabka u cago juglayn jiray
waxa aan u waraystay rag badan oo mujaahidina waxaanay ii
xaqiijiyeen
runtii markaad maqasho heesaha guubaabada ee muj maxamed mooge waxa
kugu dhalanaaya dareen gaara waxaanu aad u laba jibaari jirnay
dagaaladii iyo weeraradii aanu ku haynay asakartii siyaad bare
waxaanu ku dadaali jirnay in aanu ka erino askarta dawlada dhulka ay
dulmiga ku hayeen shacbiga ee ay hantidoona ka dhici jireen
askartii siyaad bare ayaa ayaga laftoodu xoog uga caban jiray
meelaha lagu sheego muj maxamed mooge inuu soo galay
maamulkii siyaad bare ayaa askartiisa kula dardaarmi jiray in aanay
ka baqan muj maxamed mooge
mujaahid maxamed wuxuu ahaa nin bulshaawiya oo kaftan badan dadkuna
hadalkiisa aad u xiiseeyaan had iyo jeerna waxaa la joogi jiray
bulsho badan kuwaas oo murtidiisa ku diirsan jiray
muj maxamed waxaa lagu yaqaaanay nin dabeecad wanaagsan dadkana
aanay is ka hor iman
waxa kaloo muj maxamed uu caan ku ahaa nin aad u xarago badan oo
diraysqaad wanaagsa
XEEBTAA JABUUTEE
SOOMALI LAGA XADAY
HADII AAN XAGAA TAGAY
MA JEBININ XEERKEE
MAXAA LAYGU SOO XIDHAY
waa 1974 ka dib markii maxamed
lagu xidhay jeelka hargaysa asagoo ka soo laabtay jibuuti
ka dibna taliskii siyaad bare ku eedeeyay inuu kacaanka ka soo
horjeedo
ma maqashay MAXAMED MOOGE IYO SIYAAD BARE OO ISU HANJABAY
maxamed oo lagu yaqaanay nin
geesiya kana yimi magaalda hargaysa oo ah xarunta suugaanta ayaa
waqti lagu jiro XALANE sameeyay afaray gabay ah
,,MA OGTAHAY ANFACAAN CUNAA IIDAAN MALAHA
,,MA OGATAHAY WAXAN AMAR KA QAATAA ASKARI DHAGO XIDHAN
,,MA OGTAHAY QOFKAAN EERSADAA ADIGA WEEYAAN
siyaad ayaa maqlay afaraydaa ka dibna wuxuu yimi dugsiga xalane ee
tababarka macalimiinta wuxuu siyaad bare soo kaxaystay askar duub
cas ah oo aad u badanlakin maxamed mooge iyo asxaabtiisii umay
jixinjixin
siyaad bare ayaa soo galay ayadoo afarta dhinac laga galbinaayo oo
ciidan hubaysani hareeraha ka socdaan ka dibna wuxuu yidhi waxan
rabaa in la sheego ninka afaraydan tiriyay
lama sheegin cidna may hadal [oo yaa u baxaya nin askar dhago xidhan
wata]
hadana siyaad ayaa hadlay asagoo
xanaaqsan codkana kor u qaadaya
WAXAN RABAA IN LA SHEEGO NINKA SAMEEYAY
AFARAYDAN
hal nin ayaa ardaydii ka soo dhex baxay
wuxuu ahaa nin wajigiisa geesinimo ka muuqato wuxuu u soo dhaqaaqay
dhinicii siyaad bare
sanqadha socodkiisa ayaa marba marka ka sii danbaysa aad ka
dareemaysay inay ahayd mid geesinimo ku jirto
ardaydii ayagoo yaaban ninkan ku socda xagii siyaad bare ayay isha
la wada raaceen
wuxuu ahaa nin haybadi ka muuqato
aad u dheer oo cas runtiina ay ka muuqato haybad iyo sharaf nin raga
lagu tilmaamo
wuxuu ahaa mujaahidkii maxamed mooge liibaan
KADIBNA wuxuu hor istaagay siyaad bare waxaanu yidhi waar anagaa
tirinee maxaad la qaylinaysaa
siyaad oo aan waligii wax ka horyimaada iyo wax u hanjaba midna aan
arag ayaa aad iyo aad ay ugu noqotay wuxuu la yaabo
siyaaad ayaa mujaahid maxamed mooge intuu kor u eegay ayuu amar ku
siiyay in askartii kaxeeyaan
waxa markaas hadal aad u dheeri uu dhex maray mujaahidka iyo
madaxwynihii waqtigaa ka talinaayay somaliya siyaad bare
muj maxamed mooge sida dadku ii sheegeen wuxuu siyaad bare ka
codsaday
in aanu afar danbe tirin in uu joojiyo ka soo horjeeka dawlada iyo
kacaanka
wuxuu u balan qaaday madaxwaynuhu in uu qarash iyo maal badan siin
doono hadii uu joojiyo
ardayda iyo wax garadka uu markaas maxamed mooge wax u sheegayay
kuna baraarujinaayay in kacaanka laga soo horjeesto
hase yeeshee sida aan taariikhda ku helay mujaahid maxamed mooge wuu
ka diiday madaxwaynaha arimahaas oo dhan waxaanu u sheegay in dadka
iyo dalka uu madaxwaynuhu cadaalad ku maamulo kana daayo qabiilka
iyo qabyaalada uu ku maamulaayo
walaalkay dhabiiyo dhiigaygiyoow
dhulkii hooyo waa kan
dhalashadiina waa laba
waydin dhaariyee
hays dhalan rogina
heestan ayaa ahayd mar uu muj maxamed mooge fariin gaara usoo diray
asxaabtiisii dhinaca fanka ay aad iskugu dheeraayeen meelna kusoo
wada kacaameen waxaanay kala ahaayeen
1,cabdale sagsaag , ilaahay ha u naxariistee
2.axmed cali dararamle oo hada jooga cariga ingriska
3.faysal cumar mushteek oo hada jooda hargaysa somaliland
mujaahid maxamed mooge waxa kaloo dhinaca fanka garabyadiisa ahaa
abwaan
maxamed ibraahim hadraawi
abwaan cabdi qays
abwaan axmed seelaabaan bide
abwaan cabdi iidle
fanaanda xaliimo khaliif magool alaa yarxamu
ayay maxamed si gaara heeso badan u wada qaadeen
waxaana ka mid ahaa
ma macaantay sheekadu
ma dhadhamisay midhihii
mise waa wax kaa maqan
muxibadiyo reenkuu
maxamed maxamed
magooleey
maashaa ala weeyaan
muska inaan yagleelnaa
mujaahid maxamed heeska uu heesihiisa ugu jeclaa waa kan hoos ku
qoran
abidkayba wan jiray jab intuu dhacaayee
wadnahaygu jalawdiyiyo ma yaqaaan juglayntee
jirid aan go,ayniyo xidid jiidataanee
jiilaalku ima kari iyo jidin cadaadkuye
saw jiidh wanaagaa jeenigaa ku sooq aaad
waxaa soo diyaariyay
saciid cabdi dheen
dheen12@mail.com
|