|
budhcad
doorasheedku waa komishanka ee maxaa isku diray shacabka iyo dawlada
!!!!! cajib

Dadlka hadii inta komishanka la dhaariyay wax isdaba marinayaan oo
daacad aanay ahayn waxan qabaa in shacabku aanu danbi lahayn sidoo
kale dawladuna danbi lahayn balse cida la odhan karo waa BUDHCAD
DOORASHEED waa komishanka.
Komishanka doorashadu waa masuuliyadii haysay doorashada ayaga
ayaanay ahayd inay waajibka saaran si cadaalada u sameeyaan. ma
aaminsani in madaxwaynaha iyo xisbiga kulmiye iyo dawlada xil ka
saarnaa doorashadii dalka ka dhacday iyo fulinteeda.
Hadii komishanku leeyahay dawlada ayaa fara galin ku samaysay
doorashada
oo sanaaduuq boobtay ama wax ku shubtay.
waxay ahayd inay soo bandhigaan oo cadeeyaan meesha dawladu fara
galin
ku samaysay.
Waxa haboo in lays waydiiyo komishanku ma waxay ahayeen koox ka
tirsan
1- dawlada somaliland?
2- xisbiga kulmiye ?
3- rag u shaqeeya madaxwayanaha somaliland ?
dhamaan sadexdan su,aalood jawaabahoodu waa MAYA !!!!!!!!!
intaa midna kamay tirsanayn ee waxay ahaayeen qaar ka madax banaan
xisbiyada
kana madax banan dawlada una adeegi karin madaxwayanaha dalka iyo
wasiiradiisa.
Hadaba haday sidaa tahay maxay tahay sababta shacabka iyo dawlada
iyo ururada
diiday natiijada doorashada ay iskaga hor imanayaan.
maxay tahay hadalada ay isu marinayaan saxaafada iyo warbaahinta ee
ay ku kala cabanayaan. ayagoo midba ka kale eeda saarayo.
Waxan garan waayay sababta DANBIGA loo abaari waayay kooxda
komishanka ee masuuliayada hayay ee ayagu ahaa cida gacanta ku
haysay codaynta iyo tirinta iyo ku dhawaaqista natiijada kama
danbaysta ah.
miyaanay ahayn in SHACABKA iyo DAWLADA iyo MADAXWAYANAHA iyo
ASXAABTA
iyo URURADUBA meel uga soo wada jeestaan komishanka xilkooda gabay.
Hadii komishanku xisbi ama urur ama dawlada u xagliyay oo sanduuq
iyo laba sanduuq
u xaday lacagna ka qaaatay maxaa AYAGA danbigooda loogu qaadi waayay.
miyaanay ahayn in isha laga LALINAAYO cida danbiga leh oo aan toos
loo abaarayn
ayaga ayaa doorashada gacanta ku hayay hadii wax la isadaba
waydaariyayna ayaga
ayaa masuuliyadeeda qaaadaya.
Markii foodka la kala xadayay xageebay komishanku joogeen?
maxay uga hadli waayeen ama u joojin waayeen qaladaadka dhacayay?
markay dhaarteen ee kitaabka gacanta ay saareen magaca ilaahay sxw
ay ku
dhaarteen inay cadaalad sameeyaan kitaabka ay ku dhaarteen miyaanu
ahayn
musxafka quraanka kariimka ah ee kalaamka ilaahay ku yaalo?
Ma waxay ka doorteen aakhiradoodii iyo noloshoodii aduunkaba kharash
yar
oo ay siistaan sanduuq ay xisbi ama urur ama dawlada kaga iibsadaan
DOLAR?
miyaanay ubadkooda u baqanayn ama naftooda u cabsoonayn inay been ku
dhaartan
oo kitaabka gacanta saaraan ayagoon rumaynayn waxay u dhaarteen
!!!!! cajib.
Waxaad arkaysaa rag cod ka helay meelo aanay degaan ahaan u joogin
dadna ku
lahayn u codeeya oo hadana soo baxay magacoodana la shaaciyay.
waxaynu aragnay rag degaankoodi looga codeeyay aan kasoo bixin
magacoodna lagu
darin kuwa guushu raacday !!! cajib.
Sidee markaa arinkaasi isu qabanaya ama loo liqi karaa ama loo
qaadan karaa
in nin aan degmadan u dhalan cod helo, kii u dhashayna cod waayo.
ma waxaynu odhan karnaa dhagxaanta ayaa u fooday kan aan degaanka u
dhalan?
maya, maya ,maya ma odhan karno taas
balse waxaynu odhan karnaa waxa uu ku soo baxay waa asagoo raali
ahaansho
ka haystay kooxda KOMISHANKA aduuna ku gatay xildibaanimada.
Hadaba kooxda komishanka imisa lacag ah ayaa uga soo xaarootay
doorashada
ay musuq maasuqa ku wadeen.
haday ugu bataan mid kasta ilaa 8 kun ama 10 kun oo doolar kama
badna
kharasha ay if iyo aakhiraba ku seegeen .
waxay ka doorteen aduun iyo lacag in dadkoodu isku jabo dhiigna ku
kala dhex daato
waxay u badheedheen in nabadii 21 sano la hadhsanaayay ay khalkhal
gasho
dadkuna mudaharaad sameeyo ayagoo liqi kari waayay musuq maasuqa
wayn
ee kooxda komishanku dalka kula kacday.
Ceeb aad u wayn ayay komishanku dalka usoo jiideen waxanay ku
tacadiyeen shacabka s/land
waxay ku tacidiyeen ilaahay subxaanuhu watacaala oo kitaabkiisa been
ugu
dhaarteen[ walciyaadu bilaaah]
ninkasta oo xil loo doortay dhaaarbuu kitaabka gacanta saaray ama
dawlad ha ahaado
ama komishan ha ahaado ama wasiir ha ahaado ama kuu doono ha ahaado
laakiin anigu garan maayo waxa ay ilaahay la hortagayaan ee ay
dhaartaa beenta ah
kaga jawaabayaan [ ilaahoow hanaga yeelin kuwa kitaabka been ugu
dhaarta].
bal REER HEBEL ha kaa difaaco maalinta aaaad garanayso !!!!!! cajib.
TUSAALE YAR
Haduu nin tuug ah lacag badan oo lagu aaminay masuulna ka ahaa xado
ka dibna dadka qaar kale wax kasiiyo
oo ka dib sheekadaa tuugu sameeyay fashilanto hantidii loo dhibayna
la waayo
ma dadkii tuugu wax siiyaa is dilaaya oo dhiigooda qubaaya oo is
dilaaya?
ma dadkii tuugu wax siiyaa iyagu is caayaya oo dawlad iyo shacbi u
kala baxaaya?
mise tuugii asagu wax xaday ee waxa uu xaday gacanta ku hayay ayaa
meel looga
soo wada jeesanayaa oo farta lagu fiiqayaa?
miyaanay ahayn tuuga wax xaday waa macruuf oo waa la garanayaa waana
KOMISHANKA
dalku u doortay inay doorashada cadalad u sameeyaane in la sheego
miyaanay ahayn in komishanka la tilmaamo oo kii uu wax siiyayba
cadeeyo
inuu komishanku wax u xaday? haa way tahay in tuuga la wada tilmaamo
Waxay ahayd in dawlada iyo shacbiga , asxaabta iyo ururaduba tuuga
meel uga soo wada
jeestaan oo farta lagu wada fiiqo.
maxay tahay sababta lix nin 6 oo komishani dalka dhan uga awood
bateen ee loo arki waayay danbiga wayn ee ay dalka ka galeen?.
ma garanaayo sababta loo qaban waayay ee loo xidhi waayay BUDHCAD
BADEEDA
policka iyo maxkamadu miyaanay lahayn rag aqoon leh oo awood kusoo
xidha tuugta
mise tuuga gaajo dartii wax u xada ayuunbay qabtaaan
waxay ahayd tuuga DHEREGA wax ku xadaaya in la qabto oo laga soo
matajiyo
hilibka umada ee uu ku naaxay iyo dhiiga maatada ee uu hadh iyo
habeeno cabayo
masaakiinta inta jeelasha lagu buuxinaayo waxa ka fiican in xaydho
waynta lagu badalo
laakiin malaa policka iyo ciidamada nabad sugidu taas may baran ama
looma dhiginba
maxkamaduhuna malaa dumarka iyo caruurta jagooyinka isku haysta
ayuunbay u gar qaadan ama nin iyo naag is furay oo is dacwaynaaya.[
waa mid yaab leh ].
GABAGABDII
Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii maatada ahaa ee ku geeriyooday
falkan dhacay
inta dhaawaca ahna waxaanay ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad
siiyo
waxaanan talo soo jeedin lahaa in BUDH-CAD DOORASHEEDKA KOMISHANKA
maxkamad sharciya la hor keeno laguna qaado daacad xumada iyo qaska
ay dalka
u gaysteen .
waa in waajibkooda la mariyaa si aanay dhacdadani usoo noqnoqon oo
lasoo
afjaraa, waa in shacabka iyo dawladuba dhinac ka wada noqdaan budhac
doorasheedka
ka dilaacay soomaliland.
sidoo kale waa in mag dhaw buuxa lasiiya dadkii ku dhintay/kuna
dhaawac may
qalalaasihii ka dhacay intii doorashadu socotay.
si gaarana komishanka loogu xukumaa inay bixiyaan magdhawgaa
maadaama ay yihiin
kuwa umada iska horkeenay iyo dawlada dalka ka talisa
waxay istaaahilaan kooxda KOMISHANKU xadhig iyo magdhaw ay shacabka
siiyaan
waana mid u taala masuuliyiinta dalka hogaaminaaya ee dawlad iyo
police iyo maxkamad
iyo asxaaba leh inay si wada jira uga soo horjeestaan komishanka
dalka qasay
Waa in komishanka qaranka soomaliland
1, is wada casilaaan sharaftana laga xayuubiyo
2, waa in maxkamad la hor keena polickuna soo qabtaa xadhigna
mutaystan
3, waa in magdhw buuxda laga qaada komishanka qaranka ama xadhig
loogu badala
4, waa in anay waligood xil danbe dalka ka qaban maadama ay kitaabka
quraanka
kriimka ah been ugu dhaarteen.
5, waain dhamaan waxay hanti leeyihiin laga qaadaa maadama ay
musuqmaasuq ku heleen
wabilaahi tawfiiq
SICIID CABDI DHEEN
dheen2011@hotmail.co.uk
UK London
|