Bulaale oo ka Baaqsaday in uu waajaho dood dhex mari lahayd isaga iyo Mucaaridka

 

  

“Dooddaas annagu waannu tagnay, laakiin waxa ka baaqday xisbiga talada haya ee UDUB, sababta ay uga baaqdeena ma garanayo” Muuse Biixi Cabdi

“Waxaan u malaynayaa qolada UDUB inay daba-ka-warwar qabaan… oo inay fagarayaasha yimadaan way ka baqayaan”
Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)

Xisbiyada mucaaradka ee KULMIYE iyo UCID ayaa markii horreysay ka hadlay sababta uu xisbiga talada haya ee UDUB uga baaqday inuu ka qaybgalo dood ku saabsanayd hawlaha diiwaagelinta iyo doorashooyinka oo ay isaga horimanayeen saddexda xisbi qaran.

Doodan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Horumarinta Dimuqraadiyadda ee IRI oo beryahanba hawlo la xidhiidha xoojinta dimuqraadiyadda ka waday Somaliland, ayaa la doonayey in lagu lafo-guro, isla markaana qiimayn lagu sameeyo aragtida dhinacyada hawlaha doorashooyinku khuseeyaan sida ugu habboon ee lagu hirgelin karo Diiwaangelinta iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Waxa qorshuhu ahaa inay ka qabsoonto maalintii bisha Ramadaan ugu dambaysay ee Isniintii toddobaadkan huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaana doodaas lagu casuumay oo hore waraaqo loogu geeyey masuuliyiin sarsare oo ka tirsan saddexda xisbi, kuwaas oo kala ahaa xisbiga UDUB oo uu matalayey Xoghayaha Guud Mr. Maxamed Ismaaciil Bullaale, UCID oo uu ka socday Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Mr. Aadan Maxamed Mire (Waqaf) iyo KULMIYE oo matalayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Mr. Muuse Biixi Cabdi.

Haseyeeshee waxa kulankii doodaas loo qorsheeyey uu noqday mid aanay waxba ka jirin, kadib markii Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB uu ka maquurtay inuu ka soo qaybgalo, isla markaana uu kaalintiisii u soo igmaday Mr. Cumar Jaamac oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee xisbigaas, balse labada Guddoomiye-ku-xigeen ee matalayey labada xisbi mucaarad, ayaa diiday inay ka qaybgalaan dood uu ka maqan yahay xubintii lagu soo martiqaaday ee la heerka ahaa, iyaga oo ku dooday in xisbiga UDUB uu meel kaga dhacayo baratakoolka iyo nidaamka dawladnimo, isla markaana aannu Mr. Cumar Jaamac ahayn nin la heer ah xagga mansabka iyo siyaasadda toona.

“Haddii aannu imanayn Bullaale oo ah ninkii la soo martiqaaday ee nala heerka ahaa kama qaybgalayno dooda, haddii kale kursiga UDUB ha bannaanaado ama haloo dhigo ama sidaa halagu joojiyo.” Hadalkaas waxa ka midaysnaa labada Guddoomiye-ku-xigeen ee xisbiyada mucaaradka ah.

Muddo badan markii doodaasi socotay, ayaa madaxdii hay’adda kulanka soo qabanqaabisay iyo xubnaha xisbiyada kale matalayey isku afgarteen in telefoon lagula hadlo Xoghayaha UDUB Mr. Bullaale, si loogu qanciyo inuu dooda ka soo qaybgalo. Hase ahaatee waxa dadkii goobtaas joogay layaab ku noqotay markii Xoghayuhu si cad u diiday inuu kulankaas yimaado.

Haddaba, si aannu wax uga ogaano sababta uu xisbiga UDUB uga baaqday dooddaas, ayaanu xalay isku daynay in aannu la xidhiidhno Xoghayaha Guud ee xisbiga Mr. Bullaale, balse way noo suurtogali wayday in aannu helno, haseyeeshee waxa uu wargeyska Jamhuuriya la xidhiidhay masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo KULMIYE oo iyaguna dooddaas ka qaybgalayey.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo aannu arrintaa wax ka waydiinay, ayaa yidhi; “Dooddaas annagu waannu tagnay, laakiin waxa ka baaqday xisbiga talada haya ee UDUB, sababta ay uga baaqdeena ma garanayo, mar kale ayaana doodda inay qabsoonto la muddeeyey, walina nalooma yeedhin.”

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga UCID Md. Aadan Mire Waqaf oo dooddaas ka qaybgalayey oo aannu la xidhiidhnay ayaanu isagana waynay, balse Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) oo aannu sababta ay UDUB dooddaas uga baaqatay wax ka waydiinay, ayaa sheegay in xisbiga UDUB ay ku dhacday kalsooni-darro, kadib markii xafladdii xidhitaanka Jaamacadda Hargeysa lagu oriyey, sidaa darteedna ay ka baaqanayaan in goobaha munaasibadaha ah haddii ay tagaan lagu qayliyo.

“Doodda wax adagi kumuu jirin ee ajanduhu wuxuu ahaa in lagaga hadlo hawlaha diiwaangelin iyo doorashooyinka, laakiin waxaan u malaynayaa qolada UDUB inay daba-ka-warwar qabaan oo waatii Jaamacadda laga qaylyey, sidaa darteedna inay fagaarayaasha yimaaddana ayey ka baqayaan,” ayuu yidhi Codyare.

Murankaas markii la isku mari waayey waxa la go’aansaday in dooda dib loo dhigo oo la qabto habbeenimadii maalintaas oo noqonaysa habbeenkii ciidda ee salaasadii 9:00 fiidnimo, iyada oo masuuliyiinta hay’addu ku qanciyeen labada Guddoomiye-ku-xigeen Mr. Muuse Biixi iyo Mr. Waqaf in ay mar labaad warqad u qorayaan Xoghayaha UDUB, si uu uga soo qaybgalo doodaas. Haseyeeshee Mr. Bullaale markii labaadna kulankaas dooda ahaa kamuu soo qaybgelin, waxaanay taasi mar kale dhalisay in uu bilowdo marunkii markii hore oo kale, kadibna waxay go’aan ku gaadheen in saddexda xibiba laga joogiyo doodaas oo ay ka qaybgalaan oo keliya ururrada bulshada iyo Komishanka Doorashooyinka.

 


 



Jamhuuriya Online