Burkaba ma ana bahal ka filaayay


 

Salaan dhamaan akhristayaasha maqaalkan iyo shabakadaha shaashada soo dhigayba.waxa kaloo aan hambalyo u diraya saxaafada iyo suxiifiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Somaliland, maalinta saxaafada hambalyo ayaan idin leeyahay.

Waxaan filaayay diintoo la fidiyo, nabadoo dallka wada gaadha,Ciidamada oo la daryeelo darajadii ciidan oo lagu taxo,Waxbarashadoo la kobciyo daryeelka da`yartoo la isku daba rido,tayada caafimaadko kor loo qaado iyo waayeelko la xanaaneeyo, dhaqaalahoo la kobciyo iyo ganacsigoo la dhiiri galiyo, cadaaladoo la dhawro saxaafadoo xornimo wax u qorta, masuuliyiinta dawladoo aqoon lagu soo xulo, dastuurka iyo xeerarka dalkoo lagu dhaqmo iyo ictiraafkoo daacad loo raadiyo.

Intaas oo qodob ee aynu kor ku soo xusnay ayay shacabka Somaliland ka sugaayeen madaxda dalka ee xilka haya gaar ahaan guud ahaan madaxweynaha dalka in uu u qabto shacabkii soo doortay ee uu u balan qaaday dhaartana ugu maray.Kolay marna lagama filayn in uu ka soo wada bixi doono waajibaadkiisa laakin intii taagtiisa wax uu ka qabto ugu yaraan 70%.Shacabku maxay ka dhaxleyn filashadii ay filaayeen maxayse ay ka hayaan hada.

Xeelad iyo maskaxba laguma boobaayo dhaqaalihi dalka iyo hantidi qaranka tu gaar iyo tu guudba, se waxa lagu boobaya hadh cad badheedh aan gabasho iyo xishoodba lahayn.Nin kastaaba meeshu madax ka ahaa ayuu u maamushay sidii mid gaara, dadkana ay ku baartaan.

Diinti lama fidin oo masjidyadii ayaa biyaha laga iibiya dhaqaalaysiinba daaye, dadka xumaanti lagama wacdiyo wanaagana lama faro,aayadihi quraanka iyo xadiisti nabigana "CSW" maah maahyo siyaasada lagu dhaqaajiya laga dhigtay, hablihii asturna jarbay ka sii laa laadaan, wiilashii ka daran, haayaduhuna waxbay hoostaas ka afuufayaan, xaalku waa bariga dhaxe.

Nabadgalyadii lugbay ku taagantahay, hurinta colaad qabiil dirawalkeedu waa koofiyad bacle wasiir ka dambeeyo adeegsanayana taarikh madaw oo la soo dhaafay xasuusinaaya maangaabka iyo da`yarta.
Shicibkoo oomato iyo car hadal cabudhin lagu hayo iyo qori afkii,

Ciidamada dalka boolis, iyo ciidanka qarankaba waxa haysta dayac dhaqaale iyo mid caafimaadba daryeel la`aan.waxaynu nahay dal dhan oo raba in aynu ka mid noqono beesha caalamka waxaynu dawlad ahayn hada ku dhawaad 19 sano wali hadaana ciidankeenu malaha astaantii ciidamada (Darajo) iyo mid xirfadeedba.Waxbarashadu meel fiicanbay maraysa run ahaanti waxaana mahadaas leh ilaahay ka sakaw shacabka oo hanti iyo maskaxba ku caawiyay wasaarada waxbarashada somaliland. laakin wali qabyaa ka muuqata dhanka dawlada.Da`yarta dalka dawladu wax masuuliyada iskamay saarin waxayna ku kaliyeeyeen waalidka. garoonba ugu yare umay dhisin mar marka qaarkoodna kuwi dhisna ayay jago ahaan u iibisa dawladu.

Caafimaadku waa shayga ugu qaalisan bini`aadamka dalkeenuna xarumaha caafimaadka ee ay dawladu gacanta ku hayso qaarkood waa kharaabado halka qaarna aanay dawoba dhex oolin iyo qalab lagu shaqeeyaba oo u sahlaysa dhakhaatiirta hawsha marka laga reebo dhakhatarka guud ee Hargeisa inkastoo ay gacanta ku hayaan gudi isku jirta culimo,indha garad,ganacsato iyo siyaasiyiinba oo reer Hargeisa..
Kuwa iska loo leeyahayna dadka dhaqaala xumadu ay haysato ma awoodaan in ay geeyaan bukaankooda sababtoo ah halka habeyn ee aad ku jirtid waxay ka qaadayaan ugu badnaan 40$ (Afaratan doolar) afar habeyn hadaad ku jirtid waa 160$ (Boqol iyo lixdan doolar) oo ay kuu dheertahay dawadii, qofka danyarta ma awoodo markaa.


waayeelka iyo agoomaha oo iyaguna silic iyo darxumo ku nool oo iskaba daa in waxa loo qabte iyaga dib loo dhacaayo waxa ugu badan ee laga dhacaa waa jagooyinka oo maxakamadu uga saxeexdo dad taajiriina oo shacabkuna u bixiyeen ku qabso ku qadimayside. allaw sahal amuuraha tani way isku dhabaqdee.Dhaqaalihi iyo ganacsigiina dad gaara ayaa koonto loogu xiray, sida xoolihi,badeecadi la soo dajinaayay,garoomadii diyaaradaha, dakadi berbera iyo shiidaalkiiba.waxa kalo jirta cashuurti dadka laga qaadayayna meel kalay ku leexata inta badan.

Cadaaladlaan dalka oo dhan haysta xukumada sare ilaa dawlada hoose iyo garsoorka.
Nin waliba meeshii uu madaxda ka ahaa ayuu u maamusha danihiisa gaarka, oo cadaaladba ma taalo adiga oo dariiqa maraaya ayaa la iska kaa xidhanaya, oo manta waxa ku xidhi kara inan/ama wiil uu dhalay waashimaan wasaaradeed iskaba daaba madaxda sarabe.Saxaafadu waxay maraysa meel fiican horumar weyna way ku talaabsatay hambalyana way mudantahay laakin waxa fara bays ku haysa xukumada xadhig,cagajugleyn iyo jidh dilisba ku haysa.hadana soo wada xeer saxaafada xorta ah laf dhabarta ka jabinaaya isagoo xeer hore uu jiray madaxweynuhuna saxeexay dhaqan gal ahna.

Masuuliyiinta dawlada aqoon iyo cilmi iyo waayo aragnimaba laguma soo xulo, se waxa lagu soo xula cir weyni,xishood laan, xaaranta iyo xalaasha oo isku mida, afmiishaarnimo iyo qabyaalad.Masuuliyiinta maanta dalkayna ka taliya safiir daaye qusul laguma aaminayn hadaytahay dhan cilmi iyo waayo aragnimaba.

Dastuurka iyo Xeerarka dalka dawladu waxay u isticmaasha kolba siday jeceshahay la jiifiyana banaan la seexiyaana banaan weeyi.
Si aan gabasho iyo xishoodba lahayn ayaa loogu tunta sharciyada dalka.

Ictiraafku waa "Hal ninkii laha dabada hayo" xukumadu ictiraaf raadinti waxay ka dhigtay dalxiis loo baxo hotelo casriya oo qaaliya la seexdo.dalkoo lagu iibiyo saylad ku taala Maraykanka gaar ahaan xafiiska udub ee cariga Maraykanka..Gabagabadii waxaan hadal ku soo dhameestiray nin kastaw aduunyo aad urursataa kuma waaraysid caruurtaadana maaha mid anfacaysa aakhirana xisaaba taal,
Cadaab iska xoree inta aad nooshahay neefi kugu jirto.
Ifka nimaad u cabataad maruun ciidan ka heshaaye, camalkaaga mooye halkaan hiil casabo joogin (Aakhiro)
 

 


BY: Abdifatah O. Abdi (Abdi kling king)

kling_king@hotmail.com
HargeisaSomaliland