Buugii cagaaraa ee kulmiye ku balanqaaday waa laga faa'iday boqolkiiba (90%) waanay fuleen!!!
 


Marka hore waxaan salaamayaa warbaahinta qiimaha badan ee noo kala tebisa wararka marka xiga waxaan dhawr jeer oo hore ku baahiyey warbaahinta in xukuumada Axmed M.siiraanyo ay gudatay waajibkeedii loo doortay kaasi oo ahaa kii ay ku balanqaaday wakhtigii doorashada ay gelaysay kuwaasi oo dhamaantood ku qoraa buugii cagaaraa ee uu soo saaray kulmiye wax yar ka hore intii aan doorashada la gelin isaga oo ku faafaahinaya in uu fulin doono wax yaalaha buugaasi ku qoraa.
Haseyeeshee mudadii uu xilka hayey madaxweyne Axmed Maxamed Siiraanyo oo hada dhan laba sanadood marka aynu isu qiyaasno maalintii buugaasi la soo saaray iyo maanta waxaa u dhexeeya farqi balaadhan oo qofka in uu damiir lihi uu ka garaabayo kii aan damiir lahayna isaga waxba cidi weydiin mayso bal hada aan eegno waxa yaalaha ugu muhiimsana buugaasi kulmiye oo intoodii badanayd la fuliyey inta hadhsana dhawaan la fulin doono haddii ilaahayidmo.

1-waxbarashada waxaa laga dhigay inay noqoto mid lacag la'aan ah isla markaana in la balaadhiyo dugsiyada iyo jaamicadaha dalkii taasina waa lagu dhaqmay oo maanta arday lacag ka bixiya iskuul ma jiro dhamaan iskuuladii wixii dayacnaa waa la dhisay iyada oo kuwa cusubna lagu daray meelo badan oo dalka ka mid ah oo aan hore u lahaan jirin iskuulo, markaa hawshaasi si wanaagsan ayay u fushay waxaanu balanqaadkaasi ka mid ahaa kuwii buuga kulmiye ku qoraa.
2-dhinaca arimaha dibada waxaa ay xukuumadani ka qabatay wax fara badan oo dadku markhaati ka yahay oo maanta somaliland basaaboorkeeda meel kasta waa lagu tegi karaa aqoonsigii somaliland oo wax yar ka hadhsan yahay wufuuda caalamka oo dalkii isku soo weydaaranaysa fagaarayaashii caalmka oo aynaan hore u joogin oo aan hadda ka muuqano wada hadal buuxa oo lala bilaabay dawlda ku meel gaadhka ah ee somaliya isla markaana meel fiican maraysa horumarka laga sameeyey arimaha dibada waxaa ay ka mid ahayd qoraaladii ku yaalay buugii cagaaraa ee kulmiye balnqaadkiisa koobayey qodobkaasina waa mid ay xukuumadani ka midha dhalisay.
3-In shaqaalaha iyo ciidamada noloshooda la hagaajiyo haddii ay tababar tahay iyo haddii ay dhaqaaleba tahay iyo sidii ay u noqon lahaayeen shaqaale rasmi ah oo aan kolba ninkii yimaadaa iska eryin taasina way hirgashay waxaanay ka mid ahayd buug balnqaadka kulmiye waanay fushay.
4-In la furo ururrada siyaasada si dhiiga cusubi u helo meel ay siyaasada ka soo galaan isla markaana xeerarka dalka wax laga bedelo oo dhalinyarada loo ogolaado in ay siyaasada ka qayb galaan.
5-In la xoojiyo nabad geliyada qaranka somaliland lana abuuro ciidamo difaaci kara dalka gudo iyo dibadaba noloshoodana la hagaajiyo loona sameeyo tayo ay ku hanan karaan wax ka qabashada difaaca dalka iyo nabadgeliyada gudaha taasina waxaa ay ka mid ahayd waxa yaabihii ku qoraa buug kulmiye iyadana way fushay oo waxaa aynu aragnaa saraakii ciidan oo u baxaya dibadaha waxna ka soo baranaya kuwii gudha oo iyagan la tayeeyey loona sameeyey tababaro kor u qaadid hawlahooda ah isla markaana la xoojiyo nabadgeliyada gobolada bariga oo hashoodu si fiican u socoto imikana intii u danbaysay ay ku guulaysatay xukuumadu in ay wada hadal ku dhamayso tiina waa dhamaad ku dhawaad.
6-In la xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan dekeda berbera iyo haamaha shidaalka oo si wanaagsan loo maamulo isla markaana la xoojiyo suuqa xorta ah iyo in dhamaan dhaqaalaha dalku kuwada xarooda baanka dhex oo aanu meel kale la dhigi karin taasina xukuumadani way fulisaya oo waxaan markhaati ka nahay in aanay jirin lacag meel kale la dhigo isla markaana waxaa ay xukuumadani hirgelisay dhiiri gelinta ganacsatada sida wershedaha kaluumaysiga abuurida shaqooyinka wacyi gelinta dhaqamada xun sida tahriibta budhcadbadeednimada,waxaa kale oo ay xukuumadu ku guulaysatay in la bilaabo cablekii ka soo baxayey Djibouti ilaa iyo dalka gudihiisa kaasina waxaa ka mid ahaan buugii kulmiye iyo balanqaadkiisii xaga dhaqaalaha iyo ganacsiga xaqiijintooda wuu fulay waana lagu naalooday.
7- dhainaca caafimaadka waxaan ognahay in xukuumadu ku dadaashay in dalka oo dhan ay wada shaqeeyaa isbitaaladeedu isla markaana laga helo shaqaale iyo dawo joogta ah,waxaa kale oo xukuumadani ku guulaysatay inay keento mishiinkii kalayaha sifaynayey oo aan waligii lagu arag somaliland intii ay madaxbanaanideeda qaadatay taasina waxaa uu ka mid ahaa balanqaadkii ay ku qortay buugii kulmiye inay ka hawl gelayso dhinaca caafimaadka waxaad markhaati ka tihiin in la dhisayo isbitaalo hor leh oo inna anfici doona dhawaan.
8-Arimaha bulshada xukuumadu iyada oo ka duulaysa balanqaadkii ay samysay in ay haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ay u samyso kuraas kooto aha isla markaanay ay abuurto xarumo xanaano oo lagu xanaaneeyo darbi jiifka xukuumadu waxaa ay abuurtay wasaarad ka shaqaysa arimaha bulshada taasina waxay kuu cadaynaysaa sida ay uga midha dhalinayso balnqaadkeedii ku yaalay buuga kulmiye waanay fulisaya xukuumadu.
9-in la bedelo lacagta giinbaarka ah ee burco way fulisay xukuumadu in ay bedesho laba milyan iyo badh lana gubo dadku iyaga oo arkaaya taasina way fushay waxaana ay ka mid ahayd balanqaadkii kulmiye ee buuga cagaaran.
Intaasi iyo in kale oo aan soo qori doono waxay ka mid ahaayeen balnqaadkii xukuumada ee buugeedii ku qoraa.
waxaan leeyahay ummada reer somaliland waa ka faa'iideen buugii kulmiye marka la eego inta ay jirtay xukuumadan Axmed maxamed siiraanyo oo waxtarkeeda la dareemay caalmkuna u soo joogsaday haddii aan la is xaasidayn waa la arkaa wax qabadka xukuumadan waana la arkaa in ay balanqaadkeedii fulisay boqolkiiba 90% inta hadhayna waxaa lagu dari doonaa seddexda sano ee hadhsan ee xukuumada ha loo mahadnaqo.
lasoco qabta labaad ee balanqaadkii kulmiye inta hadhay iyo inta fushay .
 

 

 

 

Cabdi.D. Camuud
UK