Buugii cagaaraa ee kulmiye ku balanqaaday waa laga faa'iday
boqolkiiba (90%) waanay fuleen qaybtiisii2aad!!
marka hore waxaan salaamayaa warbaahinta qiimaha iyo qaayahay leh ee
sida fiican noogu adeegta.Waxaan halkan ku soo gudbinayaa qaybtii
2aad ee buugii kulmiye ku balanqaaday wixii fulay iyo waliba inta
faa'iido laga helay balnqaadkii kulmiye iyo xukuumadiisaba.
Marka hore marka aan kulmiye leenahay waxaan ujeednaa xukuumada uu
hogaaminayo Axmed Maxamed Siiraanyo taasi oo ka soo jeeda xisbiga
kulmiye ama uu dhaliyey xisbiga kulmiye,sidaasi awgeed xukuumadan
Axmed Maxamed Siiraanyo balanqaadkii ay ku qortay buugii cagaaraa
way fulisay badankeedii sida aan hore ugaga soo sheekeeyey qaybtii
hore oo ka koobnayd ilaa (10 qodob) oo ku jiray balanqaadkii buugii
kulmiye wakhtigii doorashada isla markiibana xukuumadan hada jirtaa
ay fulisay iyada oo ka duulaysa balankii ay ugu balanqaaday dadkii
doortay iyo kuwii aan dooranba hadab bal tobankan qodob oo ka mid
ahaa balanqaadkii kulmiye oo fulay ila eega.
11-In la abuuro garsoor madax banaan oo tayo leh wax badana laga
bedelo garsoorka dalka kaasi oo ay ku dhaqaaqday xukuumadii kulmiye
ee xilka la wareegtay in ay samayo ama abuurto ha'adihii ka shaqayn
lahaa garsoorka sida maxamadihii oo ay wax ka bedeshay gudigii
cadaalada oo ay hawgelisay wasaaradii oo ay iyadana tayasay
jeelashii oo iyagana dib u dhis ku samaysay iyo xanaanayta
maxaabiista oo la xoojiyey maxakmadihii racafaanaka iyo xeer
ilaalintii oo iyana si fiican loo haw geliyey taasina waxaa ay ka
mid ahayd buugii cagaaraa ee xukuumada kulmiye ku balanqaaday waanu
fulay.
12-In loo sinaado manasabyada dawlada taasina waxaa aan markhaati ka
nahay in xukuumada kulmiye ka soo jeedaa ay ku jiraan rag badan oo
ku jiray ama taageeri jiray xukuumadii hore oo waliba ahaa ragii
safka hore kaga jiray udub ama ucid taasina waa ay fushay oo waxay
ka mid ahayd balanqaadyadii kulmiye galay wakhtigii doorashad.
13- In dawladaha jaarka loola dhaqmo habaka macaamilka dawladnimo
lana ilaaliyo nabageliyad mandiqada iyo isu gudubka dadka walaalaha
ah ee jaarka ah isla markaana la ilaaliyo argagixisda iyo budhacad
badeednimada oo iyana meel looga soo wada jeesto taasina way fushay
waxayna ka mid ahayd qodobadii ku yaalay buugii kulmiye.
14-In la sameeyo doorashooyinka dawladaha hoose ama kuwa
baarlamaanka kuwaasi oo dhana waxaan markhaati kanahay in iyaguna la
samaynayo oo ay mudaysan yihiin wakhtigan xaadirka ah isla markaana
aanay jirin wax kordhin la yidhaahdo oo dhawaana la kala bixi doono
taasi way fushay waana balanqaadkii kulmiye wakhtigii doorashad uu
ku galay.
15-In la tayeeyo warbaahinta qaranka oo awal hore ahayd in ay gaadho
hargeysa oo qudha hadeerna waxaa ay xukuumada Axmed M.siiraanyo
gaadhsiisay caalamka oo dhan waxaanay abuurtay shaqaale tayo leh oo
ka shaqeeya,waxay abuurtay tviiga qaranka oo caalamka oo dhan laga
dawanayo iyo waliba idaacad dalka oo dhan wada gaadha taasi oo aan
markhaati kanahay in ay rakibaadeed lagu hawlan yahay dhawaana ay
hawada soo geli doonto iyada oo lagu baahi bixi doono taasina waxaa
ay ka mid ahayd balanqaadkii kulmiye wakhtigii uu doorashada
gelaayey waanay fushay.
16- In la dhamaystiro dhamaan shuruucad doorashooinka iyo kuwa
muhiimka ah haddii ay xukuumada tahay iyo haddii ay golayaasha
tahayba taasina way fushay oo waxynu og nahay in la dhamauystiray
wixii shuruuca ahaa ee aan hore loo dhamayn kuwaasina waxaa ay ka
mid ahayeen qoraaladiii buuga kulmiye ku yaalay.
17-In la magaacabo golo wisiiro oo kooban oo ay ka dhex muuqdaan
haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay isla markaana la abuuro
ha'ado madaxbanaan oo ay ka mid yihiin qurbajooga,wadooyinka,la
dagaalanka musmaasuqa iyo kuwa kale oo dhamaantood u adeega ummada
kuwaasina waa la sameeyey waanay fushay oo buugii ayay ka mid
ahaayeen.
18-In dadka dan yarta ah loo sameeyo dhaqaalayn iyo wixii loo helo
oo la gaadhsiiyo iyad oo la eegayo sida loo kala daran yahay taasina
way fushay oo goor walba waa argnaa cunto ama ceelal biyood oo loo
qaybinayo gobolada iyo dan yarta ku filiqsan dalka oo si wanaagsan
loo gaadhsiiyo wixii loo helo iyo iayada oo loo abuuray ha'ad sama
fal oo madaxtooyada ka tirsan oo ka shaqaysa arimahaasi.
19-In dawladnimada la wada gaadhsiiyo dalka oo dhan taasina waxaan
markhaati kanahy in kormeer joogta ah ay samayso xukuumadan Axmed.M.
siiraanyo isla markaan gobolkasta ay xukuumadu ka warhayso waxa
waagu ugu baryey hanaankii dawladnimana ka socoto.
20-In la sahlo isu socodka dadka dhamaantii si ay hawshu u
fududaato,xukuumadani waxa ay hormood ka tahay in ay abuurto
wadooyin hor leh kuwaasi oo ay ku dhiiri geliso bulshada in ay
bilaabaan isla markaana xukuumadu u horseedo oo ay bixiso dhaqaalaha
ku baxaaya kala badh qaarna iyadu kaligeed dhisto waan aragnay
intaasi oo wado wadanka ka socota oo sahlaya isu socodka bulshada
kuwaasi oo dhamaantood ay xukuumadu ku leedahay abaabul iyo waxtar
dhaqaale intaba waxaana ay ka mid ahaaayeen wixii ku qoraa buugii
balanqaadaka kulmiyewaana fushay.
Hadaba marka aan eegno buugii kulmiye ku balanqaaday waxaan aaminsan
ahay in 90% ay fulisay xukuumada Axmed.M. siiraanyo inta hadhayna la
fulin doono wakhtiyada u hadhay xukuumada Axmed.M. siiraanyo iyo in
kale oo lagu daraaba hadaba xukuumadaniiyo xisbigeediiba way fulisay
balanqaadkii ay qortay wakhtigii doorashad waana lagu liibaanay ee
ha lagu taageero xukuumada hana la yidhaahdo waxbaa tarteen ee
ilahay ha idinka abaal mariyo haddii aydaan u quudhayn mahada ka
daaya xagxagashada ha idiin shaqaysee.
Cabdi.D. Camuud
Uk
|