Buundooyinka isku-xidha Berbera iyo Burco oo kooxo aan la garanaynini ku hawlan yihiin sidii ay u goyn lahaayeen iyo khatarta ka taagan godad ka qodmay badhtamaha Buundooyinkaasi


 

 

Booliiska oo baadhaya cida Goynaysa Buundooyinkaasi iyo Maareeyaha Wadooyinka oo u tagay qiimaynta khasaaraha ay qabaan



Berbera (TNN)- qaylo dhaan culus ayaa ka timi Buundooyinka ku yaala Jidka isku xidha Berbera iyo Burco taasoo ah koox aan ilaa hada la garanayn oo ku hawlan sidii ay u jari lahayd kuwaaso o si dhuumaalaysiya kolba u qodaya Daloolo yar yar oo Laamigaasi ka samaysmay.
Buundooyinka la doonayo in la gooyo ee ku yaala Jidkaasi ayaa kala ah labada Buundo ee midi u dhaxayso Geel loo’kor iyo Laalays halka ta kalena ay ka tahay Kalajab oo ku taala inta u dhaxa ysa Berbera iyo Geel loo’kor, kuwaasoo gaadiidlaydii Cabsi badan ku abuuray imikana ay qaarko od kaba leexdaan iyagoo ka baqaya inay ku dhex dhacaan Godadka laga jeexay.


qaylo dhaantan oo isa soo taraysay maalmahanba ayaa waxa Waaheen soo gaadhsiiyay qaar ka mid ah Gaadiidlayda isticmaasha Jidkaas ee u kala gooshta kuwaasoo dhawr jeer ka shakiyay nimankaas oo ku hawlan garaacida Buundooyinkaas oo markii hore yaraa isla markaana la mood ayay inay Dayactirayaan hase yeeshee imika ay Ogaadeen in ay Goynayeen oo ay weynaadeen Dalooladii ay markii hore ku mari jireen.


arrintan oo ah mid khatar ku ah isku socodka gaadiidka iyo dadweyanaha u kala gooshaya bari ga iyo Galbeedka Somaliland ayaa mid ka mid ah Dirawaliinta qaylo dhaanta na soo gaadhsiiyay oo magaciisa in la sheego ka gaabsaday ku tilmaamay in la doonayo in Jidkaasi lagu waxyeele eyo si loo kala jaro isku socodka Gobladdaasi taasoo uu ku tilmaamay qorshe khatar ku ah dhin aca Nabadgelyada iyo Ganacsigaba.


Maareeyaha Guud ee Hay’adda Wadooyinka Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan oo isaga oo jooga magaaladda Burco aanu kula xidhiidhnay khadka Telefoonka ayaa Waaheen u xaqiijiy ay jiritaanka Warkani waxaanu sheegay dhawaan in lagu soo wargeliyay dhibaatada lagu hayo Jidkaasi, waxaanu sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii ay meelahaasi iyo Jidka wixii ka go’anba ay Dibu-dhis ku sameeyaan.


Maareeyuhu waxa uu sheegay in ay arrintan kala xidhiidheen Taliyaha Booliiska Qaybta Gobolka Saaxil balse uu u sheegay in ay dhawr qof u qabteen hase yeeshee markii wax acadaymo ah la gu waayay isla markaana uu xusay inay ku daba joogaan dadka Goynaya Jidkaasi

dhinaca kalena Taliyaha booliiska qaybta Gobolka Saaxil C/raxmaan Ibraahim Maxamud oo aanu xalay khdaka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa yidhi “wadooyinku way dhaawacan yihiin markaa waxa la isku hayaa ma dayactirbaa mise waa la goynayaa markaa waa la baadhayaa, maalin dh aweyd waxa naloo sheegay in ay laba nin Qodayeen hadana waanu weynay caawadana Heeg an baanu gelinay Ciidanka si ay u ilaaliyaan markaa ka hor dhici maayee baadhid baa ku socota” ayuu yidhi Taliyuhu

Buundooyinkan ayaa dib loo dhisay kadib markii la burburiyay wakhtigii ay dalka ka talinayeen Askartii Siyaad barre ee ay dagaalka kala hor yimaadeen Jabhaddii SNM hase yeeshee markii dalka la xoreeyay ayaa waxa lagu sameeyay Dibu-dhis iyadoo mararka qaarkood-na dayactir lagu sameeyay, waxaana ku baxay dhaqaale badan oo ay Somaliland ku caawiyeen Midawga Y urub.
 

Source:Waaheen