Caafimaadka Bulshada Somaliland ,kulmiye siduu wax uga beddelayaa:

Dr.Cabdi Aw Daahir

 



Hordhac


Waxaan hore aan idiinku soo bandhigay isbedellada guud ee kulmiye la imanaayo  ma rka uu talada qabsado insha allah. Maanta waxaan si gaar ah oo kooban idiinku soo bandhigayaa insha allah isbedellada dhinaca daryeelka caafimaadka ee kulmiye la imanaayo.

waxaanse ka horeysiinayaa in aan isbarbardhig kooban ku sameeyo daryeelka  adee ga caafimaadka waqtigii marxuum Cigal, waqtiga maanta ee UDUB ee Riyale  hogaami naayo(2002-2009), iyo waqtiga soo socda isbeddellada uu keenaayo kulmiye insha allah.

Waaaalayal,sida aan marar hore aan u sheegay , amase uu ka markhaati furaayo  mu dane Daahir rayaale sida ku tilmaaman wareysigiisii tv-somaliland Europe uu siiyay. Waxaa cad in uu maamulka UDUB uu dhaxley nidaam saldhig adag oo dawladeed leh oo hawl iyo shaqo badan lala soo maraey ,hase yeeshee maamulka UDUB kama  faa’id eysan, halkiina kama dhaqaajin. Balse Waxay UDUB inagu hageysay toddoba  sannad ood oo muran iyo musuqmaasaq ah.

Walaalayaal, waxa la socotaan in waqtigii marxuum Cigaal la sameeyay qaramayntii iyo hubka-dhigistii, Sugiddii nabadgelyada, Fidintii maamulka gobollada . sameyntii  lac agta Somaliland, aftidii dastuurka somaaliland, sameyntii axsaabta qaranka, diyaar intii dhaqaalihii ku baxay labadii doorasho ee hore. Isla sidaasoo kale waxaa waqtigaa barbar socday in saldhig loo sameeyo siyaasad cad oo lagu daryeelaayo arrimaha bulshada oo caafimaadka iyo waxbarashado ugu horeyso

Walaalayaal, haddaan si gaar ah u taabto siyaasadaha caafimaadka ee la dejiyay waqtigaas Maamulkii marxuum Cigaal (1997-2002) Waa sidan:


1. Siyaasadda caafimaadka qaranka (1999)-National Health policy(Blue Book)

2. Shan Sanadoodle Qorshaha caafimaad ee dalka(2000-20005)- Five Years Strategy health planning

3. Siyaasadda aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha (1999)- Waxaa la sameeyay National Medical council

4. Siyaasadda Daawada – Somaliland National Drug Policy (2000)

5. Siyaasadda Kharajka caafimaadka – National Health financincing policy(2000)

6. Siyaasadda maamulka caafimaadka (2000) Health Management policy. Waxaa la sameeyey Guddiyda Caafimaadka gobollada

7. National health private policy (1999)

8. Iyo siyaasada caafimaad meelo gaar ah khuseeya sida ta HIV. Anshaxa iyo adeega shqaalaha iyo iwm(1999-2002)



Siday meel kasta Maamulka UDUB u dayaceen ayay adeega caafimaadkana aad ugu sii dayaceen. Saldhigaas nidaam ee caafimaad ee loo sii diyaariyay ugamay faaiidayn umaddii . Ilaahay ka sakaw ammaanteeda wax qabad waxaa lahaa Madaxweynihii geeriyooday ee Marxuum Cigaal, Annaguna aanu ahayn farsamo-yaqaanadii  daadi hinaayay hawshaas . Waxaan qirayaa arrinkaas in ay raad fiican ka sii joogto oo  keli ya Guddida caafimaadka ee gobolka maroodi-jeex oo aan mahad ballaadhan u soo  je edinaayo wax qabadkooda iyo inay ku mitideen siyaasaddii caafimaadka ee la dejiyay 1999 inay ambaqaadeen sidey aheydna u fuliyeen .

Wuxuu maamulkanu tilmaamaa uu waxqabad uu leeyahay ka dhigaa dhismayaasha xarumaha caafimaaka(MCH) oo dalka badanaa ay ka hirgeliyeen Hayadda UNHCR . Lana dhisayna badankooda (90%) intii u dhexeysay 1997-2002. Adeega caafimaad ee xarumahaa lagu qabtaa waa wax liita, marka laga reebo daawooyin(Basic Drug Kit) oo ay Bixiso Hayaadda (Unicef). Wuxuu maamulkanu ku bixiyaa miisaaniyadda caafimaadka in ka yar 3% .halka ay arrimaha siyaasadaha Xisbigooda ay ku fuliyaan in ka badan 20%



Isbeddelka Caafimaadka ee Kulmiye



Isbedellada caafimaad ee kulmiye qaadayo Waxaa saldhig u ah

1. In shacabka reer somaaliland meel kasta oo ay dalka ka joogaan la gaadhsiiyo daryeel caafimaad oo dheelitiran.

2. In dadka aan awood dhaqaale haysan, loo diyaariyo daryeel caafimaad oo bilaash ah.

3. In daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah loogu gargaaro arrimaha gargaarka deg-degga u baahan ,iyo dadka jilicsan.

4. In dadka kharajka badan kaga baxo hawlo caafimaad debedda, loo diyaariyo qalabkii iyo adeegii caafimaad ee dalka gudahiisii, si ay u helaan hawlihii caafimaad ee ay u baahnaayeen iyagoo aan kharaj badan kaga bixin, debeddena aadin

5. In dakeena debeda jooga ee jecel in ay iyaga iyo carruurtoodu dalka ku soo noqdaan , loo diyaariyo adeeg sare oo caafimaad iyo adeegyadii kale ee bulsho u baahneyd ee dadkaasu dalkooda ugu soo hiloobi lahaayeen, da’ yarta soo kaceysa ay u aragto in ay dal kale oo fiican leeyihiin.



Kulmiye si uu ujeedooyinkaas u fuliyo wuxuu qaadayaa Tallaabooyin ay ka mid yihiin kuwa soo socdaa:



1. Waxaanu insha allah sameyn doonaa ugu yaraan 1(hal )cusbitaal qaran oo Weyn oo laga hirgelinaayo Caasimadda Hargeisa lehna dhammaan qalabkii casriga ahaa. Cusbitaalkaasu lagaga baahi baxo , lagana heli karo adeegyadii caafimaad eee  debed da loo doonan jiray. Wuxuu kaloo noqonayaa cusbitaal waxbarasho (Teaching  Hospi tal)oo wax lagu baro aqoonyahanka caafimaadka (ardayda, Dhakhaatiirta iyo  Kalkaa liyayaasha sare)

2. Waxaan insha aallah Gobol walba ka hirgelindoonaa cusbitaal qalabkiisu u  dhanya hay oo sameyn kara adeegegyadii muhiimka ah ee caafimaad sida qallinka guud,  Daa weynata Guud, cudurrada carruurta, cudurrada haweenka iyo dhalmada , Daawenta iyo qallinka indhaha iwm . Cusbitaaladaasi waxay kaabe u noqonayaan cusbitaalka weyn ee qaranka si ay culayskana uga dhimaan.

3. Waxaa insha-allah degmooyinka qaadi kara, kolba awoodu sidey noqoto ka  hirgel ineynaa cusbitaalo degmo oo fuliya daryeelo muhiim ah oo caafimaad intaan qofka loo soo gudbin cusbitaalada gobolada.

4. Waxaanu tuulooyinka waaweyn ka sameyndoonaa Xarumo Caafimaad (MCH) oo si dhab ah u shaqeeya fuliyana adeegyada saldhigga cafimaad(Minimumum essential Health Package).

5. Waxanu ka sameynaynaa tuulooyinkaa yaryar waxaa la yidhaado rugo caafimaad(Health Posts). Oo fulin kara adeegyo caafimaad oo kooban iyo wixii gurmad deg-deg ah ee awooddooda ah.

6. Waxaanu Sameynaynaa Golaha xirfadlayaasha caafimaadka qaran(National Medical Council) . Dhakhtar ama kalkaaliye aanay warqadda hawlgalka shaqo siin ma hawlgalaayo, ama ha ka shaqeeyo adeegyada caafimaad ee caamka ah(Public Health Sector) amaba kuwa gaar ka ah(Private health sector)

7. Waxaanu Sameyneynaa Guddida qaranka Daawda(National Drug Authority) :Qof aaney guddidaaasi sharci siin(liisan), sooma dejin karo daawo,iyo qalab caafimaad toona si loo helo daawo tayo leh oo meeshay ka timi la garanaayo.

8. Waxaanu sameynaynaa Guddida caafimaad ee heer gobol iyo heer degmo(Regional and district medical boards) oo leh awood maamul ee danta caafimaadka bulshadooda , taasu waxay fulineysa asaaska siyaasadda guud ee caafimaad ee kulmiye oo ah Siyaasadda Deegaameynta ,Maamul-wadaagga,iyo Kharaj-wadaagga adeegga caafimaadka (Decenteralization, co-management and co-financing of health services).

9. Waxaanu jihayneynaa insha-allah , siyaasad u jeexeynaa nidamka daryeelka caafimaadka gaarka ah, wax weyn ummadda tara; iyaga oo ay ku mahadsanyihiin Dhakhaatirta iyo Kalkaaliyayaasha caafimaadka dalku, Balse u baahan in la habeeyo, si tayo tan ka fiican looga helo.

10. Waxaanu kordhineynaa insha allah miisaaniyadda caafimaadka dalka ee hadda halkuu ka yahay 3% aan ka dhigi doono insha allah in ku dhaw 10%

11. Waxaan siineynaa shaqaalaha caafimaadka mushahar wanaagsan. Waana loo helayaa haddii si fiican loogu maamulo, tagrifalkana laga ilaaliyo.



12. Ka hortagga cudurrada faafa ee dilaaga ah waxaan siin doonnaa mudnaanta kowaad sida HIV_AID, Qaaxada(TB). Kaneecada(Malaria). Jadeecada(Measles) Gawracatada(Dhiphtheria), kixda(Pertusis), Dabeysha(Poliomielytes). Cudurada dhallaanka, iyo hooyada

13. Waxaanu diyaarineynaa insha-allah ,keeneynaana qalabka lagu baadho iyo daawooyin tayo leh ee cudurada hadda dalka ku soo badanaaya sida macaanka(diabetes) ,dhiigkarka ( Hypertention), Faalijka(stroke), Cudurrada wadnaha(heart diseases),Qalabka lagu baadho horena loogu ogaado Kansanka(cancer),gaar ahaan ka ku dhaca naasaha ,makaanka, dhiiga, maqaarka ,lafaha iwm



Walaalayaal ,halkan waxaan idiinku soo gudbiyay in kooban oo aan ka soo xigtay  siy aasadda balladhan ee caafimaad ee isbedellada kulmiye ka mid ah ee aan is idhi qofka caadiga ah wuxuu kala bixi karaa macluumaad.

Walaalayaal isbedelkayaga caafimaad ,waxbarasho, dhaqaale iyo maamul wanaag waa mid dhab ah oo dalka lexejeco ka leh aan ka shaqeysaneyn ee u shaqeynaaya; ee kulmiye iyo isbeddelka doorta, oo ha dooranina inaynu ku sii jirno TODDOBA SANO OO KALE OO TODDBADII HORE LA MD AH iyo UDUB iyo horumar la,aan

Ciddi talo nagu biirineysa gaar ahaan arrimahaa la xidhiidha siysaasadda caaimaadka ee isbeddeka kulmiye diyaar baan u nahey in aan ku darsano wixii macquul ah . igala soo xidhiidh awdahirali@googlemail.com



 

 

Dr. cabdi Aw Daahir Cali
Xoghayaha arrimaha Bulshada
Kulmiye, Somaliland