CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN OO XABSIGA LOO TAXAABAY
Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan
Gabiley (TNN)-Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan ,oo ka mid ah cuqaasha ugu
waaawayn gobolka gabiley ,ayaa manta abaaro 12:30 duhurnimo loo
taxaabay jeelka isla markaana siduu ii sheegay Caaqil Maxamed Cabdi
Qawdhan mar aan khadka tilifoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan
sald higa dhexe ee magaalada gabiley waxaa amray in la soo xidho
badhasaabka gobolka gabiley, Yuu suf Ibraahim Geedi.
Xadhigan Caaqilka ayaa ahaa mid sifaha sharciga baal marsan, loomana
soo jarin waaran maxka madeed oo xalaalaynaya qabashada caaqilka ,sida
ay uu ii xaqiijiyay gudoomiyaha maxkamada gobolka oo sheegay arinkaa
inaanu wax war ah ka hayn maxkamada gobolka gabiley.
Dhanka kale mar aan isku dayay si aan faahfaahin uga ogaado sababta
rasmiga ah ee caaqilka loo xidhay ayaa waxaan khadka tilfanka kula
xidhiidhay badhasaabka gobolka gabiley mudane yuusuf ibraahim geedi
balse wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo xadhiga caaqilka
waxaanu iigu jawaabay ( haa mid ayaa la xidhay miyaa,,,,,waxba kaaga
sheegi mayno) ka dibna waxuu xidhay tilifoonkiisii gacanta ee aan kala
hadlayay.
Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ahaa cuqaasha had iyo jeer la
shaqayn jiray xukuuma da ayaa dhawaan todobaadkan gudihiisa ka hadlay
warbaahinta oo si adag u naqdiyay saamigii raashinkii mucaawimada
turkiga ahaa oo gabiley xukuumadu u qoondaysay inay saamiga ku
qaad ato dagmo ahaan isla markaana dhaliilo u jeediyay madaxweyne ku
xigeenka Somaliland cabdir acmaan cabdilaahi ismaaciil , wallow maalin
kadib caaqilku raaligalin ka bixiyay hadlkii uu ku yidhi madaxweyne
ku xigeen arinta ku sahabsan saamiga raashinkana waxuu kala sinaa
dhamaan cu qaasha gobolka iyo golaha deegaanka gabiley oo isku mawqif
ka taagnaa, hadiiba taa wax ka taagan yihiinba maalintiiba waa la
xidhi lahaa caaqilka,hasayeeshee sida ay sheegayaan wararka aanu ka
helayno ilo u dhuundaloola arintan ayaa waxaa loo aanaynayaa xadhiga
caaqilka inay sabab u tahay inuu abaabulay shir beesha uu caaqilka
ka yahay ay maalintii shalay ku yeelatay beer ku taala ceelginiiseed
oo duleedka waqooyi ka xigta magaalada gabiley balse badhsaabka
gobolka gabiley mudane yuusuf ibraahim geedi ayaa shalay ka
qaybgalay shirkaasi isla markaana ay wada joogeen caaqilkan uu
maanta jeelka u taxaabay iyagoon wax turxaani dhexdooda oolin
Waxayse iswaydiintu tahay shalayba waa kuwii wada qoslayee waxan
badhsaabka maanta ku soo cusboonaadey ee uu u xidhay caaqilka
Si kastaba ha ahaatee xadhigan caaqil maxamed cabdi qawdhan ayaa
xansaska ku sii hurinaya xidhiidhka xukuumada iyo bulshada gabiley
oo beryahan dambe sii xumaanayay
Source:Waaheen
|