TACSI MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo
Dhammaan Shacbiga Somaliland ee ay ka baxday MARXUUMAD CAASHA CUMAR
BULLAALE oo ahayd Xaaskii Mujaahid Maxamuud Haybe Goodhaadh oo ahaa
Mujaahidiintii dalkan ku lahaa qiimaha ee naftooda u huray sidii ay
dalkan u xorayn lahaayeen oo ay maanta 14.11.2013 xaaskiisi ku
geeriyootay Magaalada Hargeisa lagu na aasay.
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumadda inuu
naxariistii Janno ka war aabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,
Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxdayna
Samir iyo Imaan ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
Axmed Saleebaan Dhuxul,
Afhayeenka Madaxtooyadda
Somaliland
|