Wasiirka Khaarijiga Somaliland oo jawaab ka
bixiyay hadalkii ka soo yeedhay Puntland
Wasiirka Arrimaha Dibada
Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa si kulul uga
jawaabay hadal shalay ka soo yeedhay
Madaxweynaha cusub ee Maamul-goboleedka Puntland oo sheegay in Sool
iyo Sanaag bari ka tirsan yihiin Puntland, Somaliland iskaga tagto,
balse Md. Ducaale waxa uu sheegay in hadalkaasi uu yahay gef aan la
aqbali karin.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Cabdillaahi
Maxamed Ducaale oo maanta mar wefti uu ka mid yahay ka
dhoofayeen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa warbaahinta ugu
waramayey waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeedhay Madaxweyne
Maamul-goboleedka puntland uu yahay wax lala yaabo, isla markaana
aan isir dawlad lagu dhisin karin.
“Hadalka ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Faroole
Madaxweynaha maamulka Garoowe waxaannu u aragnaa gef wax lala yaabo
ah. Wuxuu ka hadlay oo uu sheegay in wixii isku isir ah ee isku
qabiil ahi ay wada hawlgalayaan, laakiin dawladnimo, qaranimo iyo
dalal laguma dhiso isirnimo. Waxay u muuqataa inuu isha ku hayo
waxyaabo beri hore laga gudbay, haddii uu isirnimo-doon ku wanqalay
waraysigiisii u horreeyey, taasi waxay aniga iigu muuqataa inuu
aragti fog wato oo ah dalalka jaarka ah wixii la isir ah isaga iyo
maamulka Garoowe uu doonayo sida Kilalka shanaad ee Itoobiya iyo ta
Kiiniyaba. Waa arrin la yaab leh oo soo korodhay raggii hore waabay
ka yar warwareegi jireen oo daahbay saari jireene, waanuna
cambaaraynaynaa,” ayuu yidhi Md. Ducaale.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland waxa uu caddeeyey in xuduudaha
Somaliland ay yihiin qaar cad oo ah kuwii uu ka tagay isticmaarku,
isla markaana aanu jirin wax kale oo lagu maamulayo xuduuduhu.
Isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xuduudihii
isticmaarka ayey Afrika maanta ku wada fadhidaa, waxaana jiray in
Midowga Afrika yidhi hala dhawro xuduudahaas, haddii loo nisbaynayo
in qabaa’il lagu abuuro dawladdo Afrika oo dhanba dib baa loogu
noqonayaa xuduudaheeda. Mida kale gobolkaas weligiiba waxa la odhan
jiray Majeerteeniya wax hore u jirayna maaha ee waa magac cusub oo
dhawaan la abuuray, halka xuduudaha isticmaarkii ka tagay ee jirayna
ay ahaayeen laba qaybood oo kala ahaa tii Talyaaniga iyo tii
Somaliland ee Ingiriiska.”
Md. Ducaale waxa kale oo uu tilmaamay in shacabka reer Sool iyo
Sanaag bari ay diyaar u yihiin ka mid ahaanshaha qaranka Somaliland,
diyaarna ay u yihiin inay wax la qabsadaan, balse ay jiraan buu
yidhi, “Afar xubnood oo ah madaxdhaqameedyo ka tagay wixii dhaqanku
ahaa oo siyaasiyiin noqday oo aanay rabi dadkii goboladaasi ayaa ku
sugan Garoowe oo danahooda gaarka ah u jooga, waxaannuna uga
digaynaa in fadqalalo ay sameeyaan, Somaliland taa uma baahna,
laakiin iyaga ayey dhibaato badani haysataa oo ay ugu weyn tahay
budhcad-badeedka oo aannu qabno inay idhaha ka laabteen haddii aanay
toosba u taageerin.”
Togdheernews
|