Xildhibaan Maxéd Nuuraani Bakar " C/llaahi Yuusuf kursiga ha isku dhejiyo ama yaanu isku dhejin wuu baxayaa Sebtida"

 

Xildhibaan Maxed Nuuraani Bakar oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee ka soo jeeda gobolka Sh/hoose, kana mid ahaa xildhibaanadii sida weyn u taageersanaa madaxweynaha dowladda federaalka ayaa sheegay in dariiqa keliya ee u furan madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ay tahay inuu shaqada ka tago, oo uu ummadda Soomaaliyeed weydiisto danbi dhaaf, wuxuuna u soo jeediyey baarlamaanka haddii uu Cabdullaahi Yuusuf xilka ka dego in ay doortaan shaqsi Soomaali ka samatabixin kara xaaladda adag.

"Xildhibaanadii taageersanaa C/llaahi Yuusuf waxey intooda badan u soo jeediyeen in xilligan ay tahay xilliga ugu haboon ee uu shaqada ka tegi lahaa, maadaama mucaarado xooggan ay uga timid gudaha & dibedda, wuxuuna inoo sheegay inuu qaatay talladii aan u jeedinay, marka ama ha isku dhejiyo kursiga ama yaanu isku dhejine wuu baxayaa Sebtida Insha ALLAAH" ayuu yiri xildhibaan Maxed Nuuraani Bakar, wuxuuna sheegay in ay jiraan warar sheegaya in diblumaasiyiin uu ku jiro safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya ay qalqaalo ugu jiraan in la doorto shaqsi ka mid ah dadka u ololeeya nabadda.
"Soomaalida ayey u taalaa in ay u yeertaan qof weligiis nabadda u ololeyn jiray, waxaana ayaan darro noqoneysa haddii bahal kale oo dadka cunay madaxweyne na looga dhigo, waxaana u soo jeedinayaa xildhibaanada baarlamaanka haddii uu ka dego kursiga C/llaahi Yuusuf in ay doortaan shaqsi maanta marka ay magaciisa maqlaan shacabka ay leeyihiin alleylehe waa macquul" ayuu yiri Maxéd Nuuraani Bakar.
 

 



Dayniile