Cabdillahi Xuseen “Darawal” iyo Dr. Maxamed Cabdill ahi Cumar  oo kulan ku yeeshay London
 

London 1 March 2009 - Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo Guddoomiyaha Garabka dimuqraadi doonka ah ee xisbiga UDUB, Mujaahid Cabdillahi Xuseen Iiman “Darwal” ayaa maanta kulan qaatay muddo dheer ku yeeshay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu Cabdillaahi Darawal yimid shalay.

Kulankan oo ka turjumaya muhuimadda KULMIYE siinayo horumarinta dimuqraadiyadda waxay labada geesood (KULMIYE iyo UDUB ta dimuqraadi doonka ah) si mug leh uga wada hadleen labo arrimood aoo kale ah doorashada madaxwaynanimada ee Somaliland ee ay xukuumaddu ka caga jiidayso iyo sida uu madaxwayne Daahir Rayaale ugu tuntay xuquuqda ka qabygalka siyaasadda ee muwadiniinta Somaliland. Waxay laba geesood isla qireen in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo xaqiijin lahaa in muwaadiinta Somaliland ay heelaan xaqqa ay u leeyihin inay ka qaybgalaan siyaasadda, iskuna sharxaan jagooyinka hogaamineed ee dalka, iyo inay doorashooyinku dalka ka dhacaan xilliga loogu tala galay. Waxayn isla garteen in xukuumadda hadda jirtaa ay ku fashilantay ka midha dhallinta quxuuqdaasi aasaasiga ah, loona baahan yahay in dadku arrintaa diidaan.

Waxaa la qorsheeyay kulammo uu Cabdillahi Xuseen Iimaan, oo ah guddoomiyaha garabka dimuqraadi doonka ah ee UDUB, uu la yeelan doono masuuliyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska inta uu joogo dalka Ingiriiska oo uu uga warami doono xukunka Daahir Rayaale ee baabi’inaya nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda Somaliland. Waxaa kaloo oo uu guddoomiye Cabdillahi Xuseen la yeelan doonaa kulammo jaaliayadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono xaaladda kali-talisnimada ah ee Somaliland hadda ka jirta iyo sidii loo taageri lahaa garabka dimuqraadi doonka UDUB.

Booqashada Cabdillahi Darawal oo ah musharax u taagan jagada musharaxaha madaxwaynaha ee xisbiga UDUB waxay ku soo began tahay xilli cadaadis caalami ah oo aad u wayni uu saaran yahay madaxwayne Daahir Rayaale. Caddadiskan oo la xidhiidha ishortaaga dawladu caadaysatay ee doorashada madaxwaynaha oo markii seddexaad ay is hortaagtay iyadoo doonaysa in loo dheereeyo xukunka.

Cadaadiskan caalamiga ahi wuxuu ka danbeeyay kulammo uu xisbiga KULMIYE la yeeshay dawladda Britain oo sababay in madaxwaynaha loogu yeedho inuu yimaado London si uu sharaxad uga bixiyo arrimaha hortaagan inuu doorashada qabto.