Cabdirasaaq Xaaji Xuseenow adiga iyo qayrkaa toona caa lamku wax ka waydiin maayo aqoonsiga iyo jiritaanka somaliland

 


Marka hore waxan salaamayaa dhamaan shacab waynaha reer sonaliland meel kasto ay ku noolyihiinba iyo dhamaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada shabakada maxaliga ee so maliland intaas kadib

Runtii waxan aad ula yaabay oo igu dhaliyay inaan qalinka iyo waraaqda u qaato inaan wax kaidhaahdo waraysigii indho la.aanta ahaa ee uu bbcda siiyay raysalwasaarihii hore ee dawladii laisku odhan jiray somaliya mr.Cabdirisaaq xaaji xuseen kaas oo uu kuinkiray qadiyada somaliland iyo horumarkeeda isagoo is barbardhigay maamulka majeerteeniya ee uu qabiil ahaan isagu kasoo jeedo

Waxa Cabdirasaaq hadaladiisi kamid ahaa in dawladaha afrikaanku haddiiba ay aqoonsan lahaayeen somaliland inay kabaqayaan inay wado kufuranto oo dawlad waliba ay kabaqayso in gobolo kamid ahay ay gooni ugoostaan isagoo tusaale usoo qaatay itoobiya iyo wadamo kale

Horta cabdi risaaq xaaji xuseen waxan leeyahay somaliland iyo somaliya markoodii horeba waxay ahaayeen laba wadan oo lakala gaar ah isku darsigaynu wuxuu kuyimi qiiro somaliweyn oo jirtay 1960s kii ujeedada laisku darsadayna may ahayn inay kaliya midoobaan somaliya iyo somaliland balse waxa laraadinayay wax loogu yeedhi jiray somaliweyn oo ay kamid ahaayeen.1.somaliland.2.jabouti.kililka shanaad ee somalida itoobiya.4.Nfd kiiniya iyo koonfurta somaliya Dabayshaasina waxay noqotay mid lagu hongoobay oo fashilantay waliba raga siyaasiyiinta ahaa ee wakhtigaas fashiliyay cabdirasaaqow kamid ayaad ahayd waxaanay taasi keentay in dareen shaki lihi yimid kadib markii 1 july 1960kii ay midoobeen labadii ugu horeeyay oo ahaa somaliland iyo somaliya isla markaana uu awood qaybsigii dawladii kaa horaysay ee cabdirashiid iyo dawladaadiiba ay noqdeen dawlad ujanjeedha kaliya koonfurta somaliya oo awoodihii dhamaan aad wada qaadateen hadday tahay madaxweyne, raysal wasaare. afhayeen baarlamaan. iyo taliyayaashii ciidamadaba

Cadaalada darada iyo fashilkii ay reer somaliland kala kulmeen midnimadii somaliya waxay keentay in halgan dheer oo naf iyo maalma loo huray dib usoo ceshadaan xoryadii ka luntay dadka reer somaliland waxaana halgan miltari oo hubaysan lagula soo noqday xoriyadii dalka somaliland 1991 iyadoo magaalada burco ee gobolka togdheer lagaga dhawaaqay gooni isu taga iyo qaranimada somaliland 18 may 1991

Somaliland laga soo bilaabo 1991 waxay kuguulaysatay in ladhiso hanaanki iyo dawliga ahaa iyo kala dambayn waxa somaliland ka qabsoomay doorashooyin badan oo dimuqraadiya sidaad cabdirasaaqow adiguba qirtay waxa loo gudbay hanaanka dimuqraadiga ah ee axsaabta badan qabiilka aad somaliya kusheegaysaana kama jiro somaliland ee waa laga gudbay

Somaliland waxay leedahay xuduud layaqaan oo caalamku ogyahay waana wadan somaliya mar wax kudarsaday hadana kala noqdaye maaha wadan imika go,aya oo xoriyadiisa cid udaba joogsanaya

Somaliland waxay lamid tahay Eriteria iyo itoobiya oo mar wax isku darsaday maantana laba dawladood kala ah somalilandna cabdirasaaqow adiga iyo qayrkaa toona waxba loo waydiin maayo caalamkuna indhaha ayuu kuhayaa horumarka, nabadgalyada iyo dawladnimada ka jirta somaliland waxaanay kamid tahay wadamada afrika ugu nabada badan uguna dimuqraadisan

Ugu dambayn anigoon halkan kusoo koobi kain jawaab aan kabixiyo hadalka nacasnimada ah ee kasoo yeedhay cabdi rasaaq xaaji xuseen waxan qoraalkayga kusoo gunaanadayaa Cabdirasaaqow wax laguu waydiin maayo ictiraafka qaranimada somaliland adiga iyo qayrkaa toona somaliduna waxay kumaahmaahdaa tiisaba daryeele ayaa tukale kudara adigoo qaxooti ku ah America oo
aan tagi karin caasimadii wadankaad udhalatay inaad dalkale horumarkiisa iyo qaranimadiisa wax kasheegtaana waa kuu nacasnimo




Somaliland Guul


wabilaahi tawfiiq,
 

 

 

Axmed Aw Cabdilaahi Khaliif
Finland