Cabdiraxmaan Aw Cali oo Sheegay in Wadahadalladu ka dhaqaaqi la’yihiin Dhinaca Siilaanyo

 


Wejiga labaad ee wadahalladii u dhexeeyey labada garab ee xisbiga KULMIYE ee sida weyn isugu khilaafsan natiijada shirkii Golaha Dhexe ee dhawaan lagu soo gebogebeeyey magaalada Burco oo la filayey in labada dhinac xalay isku soo horfadhiistaan, ayaan shuurtogalin, kadib markii sida la sheegay uu garabka Axmed-siilaanyo dalbday in dib loo dhigo furitaanka wejiga labaad ee wadahadallada.


Kulanka wejiga labaad ee dhinacyada KULMIYE oo ah mid si weyn loo sugayey in lagu soo afjaro khilaafka cakiran ee ka dhashay doorashadii murashaxiinta jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa KULMIYE uga qaybgalaya tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland oo ay qaabka loo maamulay si adag isugu maandhaafeen siyaasiyiinta muddakarka ah ee xisbiga oo u kala jabay laba garab, ayaa si cad loo ogayn sababaha uu u baaqday. Haseyeeshee, mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ah hoggaamiyaha mid ka mid ah labada garab oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay, ayaa xaqiijiyey inuu baaqday kulankii labada dhinac u ballansanaayeen xalay, isaga oo arrintaas ku eedeeyey garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu tilmaamay inay dabada jiidayaan geeddi-socodka wadahadalladii lagu furdaaminayey khilaafka u dhexeeya.


Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa uu sheegay in qabsoomida kulanka koowaad ee wejiga labaad dib loogu dhigay caawa, balse aannu rajo ka qabin qabsoomidiisa, maadaama buu yidhi aanay Axmed-siilaanyo iyo kooxdiisu ka meermeerayaan in wadahalladu furmaan.


“Caawa [xalay] shirkii wuu naga baaqday habeen dambena [caawa] waxaanu filaynaa in aannu noo qabsoomayn oo uu baaqan doono, wadaxaajoodkuna xaggooda [garabka Siilaanyo] ayuu ka socon la yahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.


Sidoo kale, mar aannu isku daynay in aannu arrintaas wax ka weydiino ayaanay noo suurogelin in aannu helno, hase ahaatee sida ay tibaaxeen iloxogogaal ah ayaa tibaaxay in Guddoomiye Axmed-siilaanyo dalbaday in furintaanka wejiga labaad ee wadahadallada oo u qorshaysnaa Salaasadii shalay dib loogu dhigo muddo saddex maalmood ah, balse ay ganafka ku dhufteen arrintaas garabka uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo iyagu doonaya in la dedejiyo wadahadallada si xal looga gaadho khilaafka culus ee xisbiga ka dhex dhacay.


Geesta kale, waxa shalay ilaa xalay socday shirar doceedyo ay labada dhinac mid waliba geestiisa ugaga tashanayaan, isla markaana ay ku gorfaynayaan mowqifkooda ay ku waajahayaan khilaafka taagan ee wadahadallada dhinaca ay is hayaan dhexmaraya.


Dib-u-dhaca furitaanka wadahadallada wejiga labaad ee dhinacyada xisbiga KULMIYE iyo dalabyada is diidan ee labada garab, ayaa u muuqda kuwo sii xoojinaya khilaafkii adkaa ee u dhexeeyey siyaasiyiinta xisbiga ee sida weyn isugu maandhaafsan natiijada doorashadii murashaxiinta.


 




Source:Jamhuuriya Online