Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo Suldaanka Guud ee Beesha Gobalka Hawd Ka Tacsiyaddeeyey Geeridii Ku Timi Hooyadii

 

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga W ADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaa nada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo ha weenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka gudahiisa iyo dibaddii sa ba, waxa uu shacabka Somaliland, gaar ahaan suldaan Cumar Suldaan Maxamed Sul daan Faarax uu ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee kumi Alle ha u naxariis tee hooyadii Marxuumad Sahra Xaaji Jaamac(Ina-Xaaji Dhagax) oo maanta 17/04/2017kii ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa dhammaan ba reer Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, eheladii, qaraabaddii iyo asxaabtii kale ee ay ka baxday Marxuumaddaasi isaga oo ku sifeeyey in ay ahayd adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na u sama-fali jirtay dadka danyarta ah.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu Alle uga baryeyaa Marxuumadda in uu god ka u nuuriyo kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxdeyna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin