M/Ku xigeenka oo ka hadlay ahmiyadda Somaliland u leedahay wada hadalada



 

Hargaysa (TNN):- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxwaynaha Md. C/r axmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bulshadda Somaliland u soo jeediyay in aanay isku qasin dimuqraadiyadda iyo qabyaaladda oo aanay dimuqraadiyada ka dhigin mid cay iyo qabyaalad ah.

Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in ay dimuqraadiyadu noqoto mid ku salaysan afkaar iyo fikrado la is-waydaarsado, isla markaana taasi ay gun dhig u noqoto sida loo kala taageerayo axsaabta balse aanay noqon in axsaabta lagu kala taageero hab qabaa’il.
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici) waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad xadhiga lagaga jarayay xarun dhisme cusub ah oo loo dhisay wasaaradda Cadaaladda iyo Gar-soorka, kaasi oo ay hirgelisay hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan la dagaalanka danbiyada iyo ka hortaga daroogooyinka ee UNODC, isla markaana ay maalgelisay dawladda Britain.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxwaynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu mid qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland, isla markaana midho-dhal ah wadahadalkii dhawaan magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ku dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu tilmaamay in uu si aad ah u taageersan yahay wadahadaladaasi iyo waxyaabihii ka soo baxayba.

C/raxmaan Saylici isaga oo ka hadlayay sida uu u arko wadahadaladii u danbeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya Turkiga ku dhex-maray waxa uu yidhi “Waxaan taageerayaa wadahadaladii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo aan runtii u arko mid midho dhal fiican ah, sababta oo ah waxaa la yidhaahdaa kunka tallaabo tallaabo ayay ka bilaabmeen, wadahadalkuna wakhti ayuu qaadanayaa, waxaynu bilawnay ama banaynay isla markaana wadadda u xaadhnay sidii Somaliland iyo Soomaaliya mustaqbalkooda uga wada tashan lahaayeen, taasi oo ka Somaliland ahaan aanu aaminsanahay maadaama oo uu shacabku doortay ama ay tahay arrin uu shacbigu go’aansaday in xornimadeenii lixdankii aydadka reer Somaliland walaalahooda Koonfureed ula tegeen in ay haddana dib ugala soo noqdeen”.

Madaxwayne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in u jeedada ay Somaliland ka leedahay wad ahadalada u socda Soomaaliya ay yihiin kuwo dhabaha u xaadhaya sidii ay Somaliland madax-ba naanideeda uga gun-gaadhi lahayd, isla markaana ay Soomaaliya u noqon lahaayeen laba dawla dood oo jaar ah.

Sidoo kale Md. Saylici waxa uu farta ugu fiiqay shacbiga Somaliland in ay hor-taallo waddo dheer oo ah sidii ay u gaadhi lahaayeen hadafkooda ah dawlad madax-banaan, taasi oo uu sheegay in sida keliya ee lagaga bixi karaana ay tahay iyada oo la midaysan yahay isla markaana shacbiga looga baahan yahay in ay u midaysnaadaan sidii jidkaasi looga gudbi lahaa.

Isaga oo arrimahaasi faah-faahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “U Jeedada aynu wadahadaladda ka leenahayna waxay tahay sidii aynu madax-bananideena uga gun-gaadhi lahayn, dhakhsona u gaadhi lahayn hadafkeena, ee aynu walaaleheena Soomaaliya u noqon lahayn laba dawladood oo walaalo ah ayaynu jidka u xaadhaynaa, jid kasta oo la marayaana Qodax badan ayuu leeyahay, qodaxdaasina sidii aynu uga guri lahayn waxaa loo baahan yahay in aynu si wada jir ah uga wada shaqayno, ee in aynu inagu iska hor nimaadno oo aynu ku kala tafaraaruqno talladda meesha aynu u socono looma baahna, Waxaynu leeyahay hal u jeedo, taasi oo ah u jeedadii shacbiga Somaliland ku go’aansaday in ay dib ula soo noqdaan xoriyaddii iyo madax-banaanidoodii lixdankii”.

waxaanu intaasi raaciyay “Waddo dheer ayaa ina hortaalla, wadadaasi dheerna waxaynu ku gaadhi karnaa ama kaga bixi karnaa inaga oo midaysan, shacbiga reer Somaliland-na waxaan leeyahay waa in aynu u midawnaa sidii aynu halkaasi uga bixi lahayn” ayuu yidhi madaxwayne ku xigeenku.

Sidoo kale madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxwaynaha ayaa waxa uu bulshadda reer Somalilanad u soo jeediyay in ay ilaashadaan nabadegliyadda isla markaana ay meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo cadaw ku ah, isaga oo xusay in nabadgeliyadu ay tahay tiirk koowaad ee ay dawladaha caalamku Somaliland ku majeertaan.
Md. Saylici waxa uu tilmaamay in shacabka looga baahan yahay in ay ku dadaalaan sidii ay u ilaashan lahaayeen dimuqraadiyadda, isaga oo dadka reer Somaliland kula dar-daarmay in aanay isku qasin dimuqraadiyadda iyo qabyaaladda oo aanay dimuqraadiyada ka dhigin mid cay iyo qabyaalad ah, balse loo baahan yahay in ay dimuqraadiyadu noqoto mid afkaar iyo fikrado lagu kala taageerayo axsaabta ee aanay noqon in axsaabta lagu kala taageero hab qabaa’il.

Madaxwayne ku xigeenku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa la idinka rabaa in nabadgeliyadda oo ah ta koowaad ee la inagu majeerto, ee maanta la inoogu soo joogsanayo, la inaguna maalgelinayo in aynu ilaalino guud ahaanba, haddii aynu nahay umadda reer Somaliland, oo aynu ilaalino dimuqraadiyadda, oo aynaan dimuqraadiyadeena ka dhigin mid cay iyo qabyaalad ah, oo ay ahaataa sidii ay inoogu bilaabantay sanadkii 2002-dii, oo ay dimuqraadiyadu noqotaa mid afkaar iyo fikrado lagu kala taageero xisbiyadda, ee aanay noqon mid aynu qabaa’il ku kala taageerno”.




Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland