Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Wadani Oo Ham balyo U Diray Shacabka Somaliland Munaasibada Ciidal-Fidriga Awgeed

 


 

Hargaysa (TNN) :– Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Max amed Cabdilaahi (Ciro) ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Islaam ka ugu hambalyeeyey munaasibada Ciidul-fidrida oo bari oo Axad ah (Shawwal 01, 14 38H) looga dabaal dagi doono Somaliland iyo guud ahaan dunida muslimka ah.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna Murashaxa Madaxweyn aha xisbiga WADDANI oo ku hadlaya magaciisa, ka xildhibbaanada Golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbiga WA DDANI ee kala jooga gudo iyo dibad-ba, waxa uu guud ahaan umadda Islaamka ah g aar ahaan shacabka Somaliland ugu hambalyeynayaa Ciidul Fidrida, waxaanu ilaahay uga baryey in Ciidul-Fidridan teeda kale uu ku gaadhsiiyo nabadqab iyo Barwaaqo.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sidoo kale guud ahaan shacabka Somaliland uu u rajeynayaa in Alle uu ka aqbalo acmaashii suubaanayd ee ay soo qa b teen bishii Ramadaan, waxaana uu ku booriyey bulshada in la sii wado acmaasha iy o cibaadada si Alle loogu dhawaado.