Cabdullahi Yuusuf wuxuu codsaday

 

Cabdullahi Yuusuf wuxuu codsaday in si sharaf leh uu isku casilo oo aan dhulka lagu jidiin, oo loo sameeyo xaflad weyn oo sagootin ah`` Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.


Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in magaalada Baydhabo gudaheeda si weyn looga hadal hayo isbedel ku yimid mowqifkii is casilaada ahaa ee madaxweynaha dowladda federaalka la filayey in maanta uu baarlamaanka ka hor sheego, waxaana xildhibaankani uu xusay in madaxweynuhu doonayo inuu ka dhega adeygayo cadaadiskii beesha caalamka ee ku wajahnaa inuu shaqada iska tago.

Cabdullaahi Yuusuf weli labo dariiq ayaa u furan inuu albaabka ka baxo, ama inuu yiraa Nuur Cadde ayaan la shaqeynayaa oo uu u soo hoydo oo jilbaha qabsado, oo uu yiraa ha i ceebeyn, waan ceebeysanahay wixii sharwada oo xageyga ah waan ka aqabanaa, aniga lee dagaalka ha la iga daayo, isagoo markaas iska keenaya illin yaxyaas (Crodile tears)`` ayuu yiri xildhibaanku wuxuuna xusay in madaxweynayaasha dalalka Liibiya, Ugaandha & Yeman oo uu xiriiro la sameeyey uu kala hadlay in ay ka qabtaan dalalka IGAD, Mareykanka & qaar ka tirsan dowladaha Yurub oo ku adkeysanaya in is-casilaada C/llaahi Yuusuf.


Warar kale waxey leeyihiin, Cabdullahi Yuusuf waxaa uu codsaday in si sharaf leh uu isu casilo, oo aan dhulka lagu jidiin. oo loo sameeyo xaflad weyn oo sagootin ah`` ayuu yiri xildhibaankaas.


 



Dayniile