Caddaatay buu yidhi guda baqas.Maayaarada degmooyinku Gebiley waa in aanay cashuur danbe ku hoyn Xarunta

 


Cidna baalagaare kuma ihi lab, dhidig iyo beeltoona. Cid aan gaar u buun buuninayaana ma jirto. Taasi wa a iga afeef oo waxaan leeyahay qof xil qaaday eed qaad yaan la is aqlaalin haddaan maanta wax ka idhaa Shir bileedkii u danbeeyey ee hogaamiyayaasha gobolka Gebiley.



Cadaadtay buu yidhi guda baqas soo jireenkii markuu wax ka dednaa ogaadey. Dad badan ayaa ku doodi jirey Beesha Gebiley degta waa af yar unuunatoo waxay heshaba asaabta, waxaan ku doodi jirey xaash a kalaa beel keligeed inna afduubtaa kuma noola Gebiley, qaarbaa ku doodi jirey waa jilibka gebiley shee gtee kuligayo ma ah. Labadaa doodood wax isma dhaamaan waa dameer iyo labadiisii deen.



In badan ayaan maqlayey Gebiley baa wax kasta qaadata oo aan ku doodayey ma qaadato ee hogaamiy ayaasha ayaa qaatay abkuu doono ha sheegtee. Weligee ma arag mana maqal horumar dheeraad ah oo xarunta gobolka loo sameeyey. Waad ogtihiin in dadka gobolka in ay u qaxaan Boorama iyo Hargeysa si ay ubadkooda markay gebiley ka waayeen adeegii waxbarasha heer hoose iyo heer saraba, kii caafima ad iyo kii bulshabo. Markaad dhab ugu fiirsato tiro ahaan, dhaqaalo ahaan iyo halkay ku taalaaba tii loo soo qixi lahaa ayay ahayd ee may ahayn tii laga qixi lahaa. Haddii xarunta Gobolka horumar dheeraad ah lagu arki lahaa allaybaday iyada ayay u soo qixi lahayd, Wajaale iyada ayay ku soo qixi lahayd, Arabsiyo intay bariga eegeyso galbeedkay soo daymoon lahayd.



Waxba ayuu hadalku ilaa taraarine aan ku soo laabtaa dulucdii aragtida. Shirkii hogaamiyaaysha ay dad weynuhu soo doorteen iyo kuwii dawlada dhexe soo magacawday waxaa lagu murmay saami qaybsiga d haqaalaha gobolka oo waxay maayarada degmooyinku codsadeen in beerrsenti-eegka kastama Kalabay dhka in wax laga soo gaadhsiiyo si baahiyaha iyo horumarinta degmooyinka loogu kabo. Arinkaasi waxa an u arkaa in uu xaq yahay oo gobolka dhaqaalaha soo gala iyo ka baxaba la isla ogaado. Meeyarka iyo badhsaabka oo labadu qaflad dawladu dhexe ku magacawday , oo dadweynaha reer Gabiley cod u qaad ini arrinta way ka goos qabsadeen sobobtiina waxay ka dhigeen sakaaro ka biirsan oo waxaa cuskadeen in aan hore loo soo qaadi jirin ee ay tahay ay ujeedo gaar ah dhidiga loola dan leeyahay.



Haddaba, waxaan leeyahay meeyarka gobolka dadkani waa kuwii iyo kuwa ku barbaaraya lab iyo dhidig ba guri hooyo biilka ku fileysiiso oo ay suuf iyo xanjo isku nabnabto, qaarbaa dhagax haweenku fariidni mo waxay ka qabaan markay wax kale waayaan dhagax dabka u saari jirey ee ku maawaalin jirey wuu karayaaye suga. Gobolka iyo degmooyinka u arag gurigaagii iyo carruurtaadii iskana hubso labka badan ee kugu xeeran talooyinkooda. Gurigan laguu magacaabay in aad horumar gaadhsiiso amma dhagax dab u saarto waxaa hortaa ka soo taliyey boqortooyadii Xarla, boqortooyadii Araweelo iyo dhuux buuni oo kale. Weligaa ha ismartiyayn waa la ogyahay waana lagu abaalmarine, isku kalsoonaw. Qiil kuu noqon ma yso dhidig baan ah waayo waxaa soo foole dhidig kule oo kula tartama.



Badhasaabka waxaan leeyaha bi' waaye ha noqn Buulle oo kale, kala garo bad iyo webi biyahooda kala saar. Gobolkani wuu ka dagaalamay Buulle iyo Barre isku il jabiya oo hablo dhayla ah haddii hilibkooda loo waadho, weel u soo qaadan jirey. Ma maqli karaan fariin Buulle ka keenay Bare. Waxaan uga dan  leeya hay awooda dawlada hoose ee gobolka iyo degmooyinka ee dadku soo doortay ha wiiqin oo ha bah dilin. Ha sheegan buruud aanad lahayn. Kala miyo in aad dadweynaha gobolka u shaqaynayso, in aad adigu ka shaqaysanayso magac iyo manfacaba, in qofkii ku magacaabay aad u shaqaynayso iyo ma xumee in aad sedexdaba isku wadayso.



Shirista beelaha gobolka Gebiley qayrkeed bay la qabtay, way xun yihiin iyo way san yihiina midna ma lihi. Laakiin badhasaab yidhaa ma shiri kartaan qayrkeed lama qabto, waa Guul Wadeen aan macno weyn ku fadhiyin iyo niikiis codbixintii ha lagu sii daro. Cid kastaa ha abaabushee in la takoor ma ah. Badhasaabku wuxuu xaq u leeyahay in uu hubiyo hab shariciga waafaqsan in ay soo maraan iyo in uu s ugo kuwa qabanqaabiya iyo kuwa ka soo horjeedaba ammaankooda sugo. Haddii shiraka beelaha ay xaa aantinimaysay shirarka beelaha kuwa kalana way shireen lama maqleen.



Haddii shirarka ay qayrkood la qabaan iyaga loo diido, waxaa xigi madaharaad salmi ah amma qas wata oo ku xidhan hadba siday ula tacaalaan dadka u xilsaaran ammaanku. Malaha waad war la'dahaye waxyi samada kaga soo dega iyo rasuul loo soo dhiibo iyo dad wada rummaystay maamulkii Guul wadayaasha iyo Ciidamada qalabka sida ayaa ugu danbeysey. Sidaa daraadeed, badhasaabku waa in uu dhex u noq daa ka wax saluugaya, ka wax tabanaya, ka riyaaqsan iyo kii isaga u bogayaba.



Meeyarada degmooyinkana hal baan leeyahay, mar haddii la yidhi waxba kuma lihid hantidii gobolka ee kastamka iyo hantidii dawladda dhexaysay in lagu horumariyo gobolka, waxaa idiin banaan in lacagta degmada aad joogtaan ka soo hoysan mar danbe ha u gudbin xarunta gobolka ee dadkii lahaa u celiya oo baahiyaha degmadooda kaga shaqeey.

 

 

 

Hamud  Duale