Calan Cas iyo Mujaahidiin xagjiro isku rogey Mudane Siiraanyo
 

Inka badan toban xubnood oo aad loga yaqaan Somaliland, into oda badanina miisaan weyn ku laha siyaasad Somaliland , ayaa si qunyar - qunyar ah uga siibtey Xusbigga Kulmiye golahiisa dhexe, maalin uu Axmed Siraanyo u baahan yahay si uu ugaadho kursigga ugu sareeya Somaliland, iyadoo doorashadii madaxtooyadda ay ka hadhy mudo aad ugaab oo ah Bisha Maajo 2009 dabayaaqadeeda!.

Caloolyow aad u xanuun badan bay Axmed Siraanyo ku haysaa, ragga iyagoo cadho xanbaarsan ka huleeley xusbiga uu taladiisa hayo Mudane Axmed; taas oo qofkii ugu danbeeyey ee masalihi isa ka qaata xusbigga Kulmiye uu yahay Mudane Cali Gurey.Waxa ka sii horeeyey rag aad u mihiim ah oo tiirar adagna u ahaa Xubigga Kulmiye,sida Dr Axmed Xussen, Osman Hindi, Ibraahim Dhegge Weyne, Cabdi Raxmaan Aw Cali iyo qaarkale oo badan.

Ragaa sidii tusbax furmay ka baxay gacanta Mudane Siiraanyo waxay ku ridey niyad xumo ba'an shacabkii taageersanaa Kulimiyey iyo madaxdiisa, waxa khakhal galey dhismihii xusbigga ee ku aadanaa xidhiidhka Bariga iyo Galbeedka; taa waxaan uga jeed sagaal(9) ka midaha mudanayaash ka huleeley amba ka caro gedistey Kulmiy ee waxay ka soo jeedaan Goboladda Galbeed iyo Saaxil. Taasi waxay keentey in Mujtamaca ku dhaqan Saaxil iyo Hargeysa ay qaban qaabiyaan shirar is daba joog ah oo lagaga soo horjeesanaayo xusbigga Kulmiye, ayidaadii loo hayeyna laga la noqodo.

Waxaa xusuus mudan raga ka hayaamey Kulmiye gidigood waxay ku jireen Golaha Dhexe ee Xusbigga. Taasi waxay xusbigga dhaxal siisey amba uu u xuub siibtey iney iskugu hadhaan Calan Cas(Red Flags) sida Cali Marshal iyo rag Mujaahidiin soo ahaanjirey una xuubsiibtey xag jirayaal.

Waxa haboon in su'aal aynu isweydiino?! Su'aashas oo ah, waar ragga sii qulqulayaa maxay arkeen ?????J awaabtu waxaan odhan karaa , waxaa ugu wacan dhowr arrimood oo muhiim ah.
Waa ta hore, waxa xusbiggii majaraha ka lumiyey kooxo Calan Cas ah oo kunool wadanka debediisa oo aan haba yaraatee la socon qaab nololeedka mujtamaca Somaliland, talooyinka ay soo bixiyaana ku dhisanyihiin kuwo qasaaya Kulmiye iyo deganaashaha Dalka hooyo.

Waa ta labaad eh, Mudane Axmed Siraanyo lafii sa in dhaweydba lagu xamanaayey in mabda xusbigga iyo Qabiilku iskaga milme en, isla markaana waxii talo ah ay Saraakiisha kale u soo jeediyaan aanu ha ba yaraatee dheg u jalaqsiin.

ugu danbeyntiina isga oo odaygu( Siraanyo ) waxa ka soo hogga amiyey halgankii dalka laga saarey Rajiimkii qabiilka ku dhisnaa, haddana waxaii ka danbeeyey 1991 muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah ayaa farta ku fiiqaayey Odeygg a iyakoo ku eede ynayaan inuu dagaalkii Ehligga ah si anay sharafi ku jirin ugga qaybqaatey.Isla markaana dedaalki MR Ciggaal ku soo af jarey dagaalkii madooba, waxa yaruun ka deb ayaa Axmed Siraanyo ka keeney Burco Cuqaal, iyo Salaadiin hubeysan soona dejiyey Xaafad ka midah xaafadaha Haregeysa 1997, hanjabaa dna halkaa ka bilaabey iy adooummadda Somaliland ka  muruge ysanyihiin dagaalkii qabyaaladda ku dhisna , halkaas Axmed waxa uu ku waayey shacib badan oo markii hore garbtaagnaa Ragga Xusbigga ka baxayna waxay dareemeen sababaha aan soo sheegey iyo weliba da reenka dadka ay ka soo jeedaan.

Isku soo wada duuboo Mudane Axmed Siilaanyo Xusbigga uu caynaanka u hayo waxuu maanta dhaxal siiyey inay iskugu hadhaan, Calan cas xagjireen ahMujaahidiin Xagjireeno isku rogey iyo qolooyin xusbiyadii ay samaysteen soo burburyey kuna fashilmay mabaadidii ay wateen sidda Enj.Xashi iyo Dr. Gaboose oo uu ka muuqdo dabcigii Mudug lagu yaqiin (Assad, Sahan). Arrimahaas oodhami waxa kulimiye dhaxalsiin doonaan burbur iyo kala dhaqaaq.

 



By:- Cabdillahi Qarshe

USA