Abwaan : Siciid Cabdi Dheen

Asalaamu calaykum ciid mubaarak dhamaan umada muslimka meel kastoo ay joogaan caafimaad ku ciida iyo nabadgalyo

 

 

calankeena wanaagsan
curadee babanaaya
cududaa umadiisa
caqligiida mideeyay
nabad caaano wadaaga
caadil waa mahadiiye
ciid wanaagsan ku ciida


caqligaa dastuurka
nina aan lagu ciilayn
cidna eex lagu riixayn
codka foodka la doorto
caynaanka la siiyo
caadil waa mahadiiye
ciid wanaagsan ku ciida


cidhifyada bal daawo
beerahaa is cidhiidhshay
canbaruudka bisaaladay
caadkiyo babaygaa
canbihiiyo canabkaa
caadil waa mahadiiyee
ciid wanaagsan ku ciidaa


caynadeeda wanaagsan
caasimad amaaniyo
codka qurux la siiyo
HARGAYSAA laysku raacee
caalamkuu cugtay caawee
caadil waa mahadiiyee
ciid wanaagsan ku ciidaa

 



Siciid Cabdi Ddheen
murtiil@yahoo.com
london united kindom