Cali Guray Oo Madaxwayne Siilaanyo Kula Taliyey Inuu Xaglo-Toosiyo U
Magacaabo Wasaarad Awood Badan, Kana Hadlay Go’aanka Ciidamada
Lagaga Soo Qaaday Aagaga Sool-Joogta Iyo Maygaagle
“Udub Lagama Bixin Ee Udub Isagaa Dadka Ka Baxay, Qolada Kulmiye Ku
Biirtayna Waa Qo lo Aad Ugu Wanaagsanayd Muxaafidnimada” Cali Guray
Hargeysa (TNN) – Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga UCID Mr Cali
Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay inuu Hogaamiyihii kooxdii
SSC uu u magacaabo Wasaarad Awood badan oo uu bee sha Sool iyo
Buuhoodle Saami mugleh ay ku yeelato Xukuumadiis.
Muj Cali Guray waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu
Wargeyska Haatuf xal ay ku siiyey khadka telefoonka isaga oo
Hargeysa ku sugan, kaas oo sidoo kale soo dhaw eeyey go’aanka
xukuumadda Somaliland ku soo rartay Ciidamada Qaranka ee daganaa Aa
gaga Sool-joogta iyo Maygaagle, kaas oo sheegay inay arintaas wax
wayn ka tari karto Nabad dhab ah oo deegaamadaas laga helo.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa waxa kale oo uu ka hadlay
Masuuliyiintii uu hoga aminayey Axmed Yuusuf Yaasiin ee ku biiray
doraad xisbul Xaakimka Kulmiye, kaas oo ko oxdaas ku tilmaamay niman
aan u baran Mucaaridnimo oo Naawilaya in xilal looga magaca abo
xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya
arimaha deeg aanada Buuhoodle, waxa uu yidhi “Anagu Talaabo wal oo
xaga Nabada loo qaado anagu waxaanu u aragnaa in loo qaaday dhinicii
Saxda ahayd, arinta khilaafka Buuhoodle-na an igu mar walba meelbaan
ka taagnaa oo waxaan qabay in Nabad lagu soo afjaro arintaas,
waxaanan rajaynaynayaa in arinta heshiiska Xaglo-toosiye iyo
Xukuumadu ay fure u noqoto khilaafaad badan oo jira”.
Cali Mar uu ka hadlayey Arinta Ciidamada laga soo qaaday aagaga
Sool-joogta iyo Mayga agle, waxaanu yidhi “Arinta Ciidamada Qaranka
iyada oo la isla soo qaadin ayaan anigu wakhti hore ka hadlay oo aan
qabay in Ciidamada laga soo qaado deegaanada Buuhoodle oo aan lahaa
bulshadda ayey dhibaato ku hayaan oo Jiilaalkii dhibaato badan ayey
kala kulmayeen dadka reer miyiga ahi oo waxaan lahaa Xoolaha iyo
dadkaasi baqdin la’aan ha u cabaan biyaha. Meeshan la isku hayaana
dhul kale oo aynu xoog ku haysano oo aynaan lahayn maaha ee waa dhul
Somaliland ah shacbiguna waa dad muwaadiniin ah. Ka soo qaadida
Ciidamada Qaranka xukuumadu ka soo qaaday aagaga Maygaagle iyo
Sooljoogta inta aan ka warqabo dadka deegaankaasi waxay damaanad
qaadeen inaanay meeshaas Ciidamo soo dagin, meeshuna waa meel isku
muuqata oo waa 8KM ilaa 9KM, waxaana la isku afgartay hadii meesha
ciidanku ka guureen ay soo dagaan rag Nabada wax u dhimayaana in si
wada jir ah Xukuumadda Somaliland iyo qolada Nabada wada ee
Xagle-toosiye hogaaminayey ay ka hortagaan, markaa anigu waan
taageersanahay in Ciidamada laga soo qaado aagagaas in Maxaabiista
la sii daayana waan taageersanahay oo labaddaa qodoba waan soo
dhawaynayaa. Mida kale anaga xisbi ahaan UCID heshiiska qayb ayuu ka
ahaa oo Guddoomiyahayaga ayaa la socday oo in mudo ahba Xisbiga UCID
hogaamiyayaasha heshiiskaas ayuu ka mid ahaa”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, kana hadlaya waftigii Xaglo-toosiye ee
Hargeysa yimid iyo w axa uu soo kordhin karo “Maadaama oo
Xaglo-toosiye noqday nin Siyaasi ah oo badheed hay inuu Nabada ka
shaqeeyo oo uu kaga dhexdhawaaqay deegaankiisii Buuhoodle, isla
markaana isaga oo hogaaminaya 70 Nin oo Madaxdhaqmeed iyo Waxgarad
iskugu jira Hargeysa u yimid inay Nabad qaataan waa talaabo
geesinimo leh oo uu qaaday Xaglo-toosiye, waxaan is-leeyahay hadii
doorka uu Nabada ka qaadan karo ay Xoglo-toosiye uu Madaxwayne
Siilaanyo siiyo oo tabashooyinka beeshaas ee runta ahna ay xukuumadu
si dhab ah uga jawaabto waxaan is leeyahay khilaafkii Buuhoodle-na
way soo afjari kartaa, isla markaana waxa aan odhan karaa waxa
arintaas laga sii amba qaadi karaa si deegaan ada bariga oo dhan
Nabad looga helo. Xaga awood qaybsiga beesha Sool iyo Buuhoodle
waxay ka mid yihiin waa waxyaabaha ay ka tabanayaan xukuumadda
Somaliland, waxaan an ahay inta ka garaabaysa inay run tahay in
dheeli ku jiro Saamiga ay ku leeyihiin xukuu madihii Somaliland
beelaha deegaanadaasi oo awood qaybsiga jiraa ay wax ka khaldan
yihiin oo wax badan ayaa ku maqan beelaha Isaaqa. Waxaan leeyahay
Wasaaradaha ugu Awooda badan dalka mid ka mid ah Xaglo-toosiye ha
loo dhiibo”.
Mujaahid Cali Guray isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka
hadlaya sida uu arko Masuuliyiintii doraad ka baxay xisbiga UDUB ee
ku biiray Kulmiye, waxa uu yidhi “UDUB hore ayaan u sheegay oo
waxaan idhi UDUB lagama bixin ee UDUB isagaa dadka ka baxay Daahir
Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiina si wal oo aanu ugu dhignayna
inaanu xisbiga badbaadino iyagaa diiday oo xisbiga maanta halkaa
dhigay. Markii cid fahmi wayda halkaas waxa ka socda xaq ayey u
leedahay inay tagto meesha ay dan u aragto, qolada Kulmiye ku
biirtayna waa qolo aad ugu wanaagsanayd Muxaafidnimada oo waxaan
filayaa markay qiyaaseen ayey is yidhaahdeen intaas oo sano ayaad
Muxaafid ahaydeen oo fursadaha Mucaaridka ee Xayraanimada waxa ka
dhaw kuwa Muxaafidnimada oo kolay inay Wasiiro-noqdaan ayey
hunguraynayaan ayaan filayaa, laakiin anigu wax dhibaato ah uma arko
inay ku biiraan Kulmiye oo waa mid ay xaq u leeyihiin”.
Source:Haatuf
|