Cali Khaliif Galaydh Oo Firxad Ku Galay Magaalada Wardheer Ee Kililka Shanaad, Laguna Soo Dhaweeyey Jigjiga

 



Hargeysa (TNN) – Hogaamiyihii shirkii fashilka ku dhamaaday ee Taleex Mr. Cali Khaliif Galaydh oo ka firdhaday dagaal 26-kii bishan Magaalada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo beeleed halkaas joogtay, isla markaana u baxday Magaalada Wardh eer ee dawadda deegaanka Ethiopia ayaa la sheegay in shalay lagu soo dhaweeyey xarunta dawlad deegaanka Ethiopia ee Jigjiga.

Ilo Wareedo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaaladda Jigjiga ayaa Haatuf u sheegay in C iidamada Liyuu Booliska ee Kililka Shanaad ee Ethiopia ay ka soo kaxeeyeen Cali Khaliif Galaydh Magaalada Wardheer uu u fakaday markii Ciidan isaga taabacsan oo ku sugnaa Magaaladda Buuhoodle ay Ciidamada Qaranka Somaliland huwiyeen Dhirbaaxo kulul 26-kii bishan.

Ilo wareedyada sheegay in Cali Khaliif uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga ayaa tibaaxay in uu maanta la kulmi doono Madaxwaynaha Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia, kuwaas oo la filayo inay ka wada hadlaan arimo ku saabsan shirkii Fashilmay ee Taleex uu ugu qabtay Cali Khaliif xubno ka mid ah qurbo jooga beesha Dhulbahante, kaas oo aakhirkii lagu kala kacay.

Dhinaca kale Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia ayaa u muuqday tan iyo intii xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku guulaysatay talada dalka maamul faro galin qaawan ku haya arim aha daakhiliga ee Somaliland, kaas oo aan waxba ka soo qaadin kulanadii ay Madaxda Maamul kaas kula yeesheen Magaalada Jigjiga Wafti uu hogaaminayey Wasiirkii hore ee Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, halkaas oo ay ku soo kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed oo ku taxaluqa dhinacyada amniga iyo isku socodka labada bulsho.
 

source:Haatuf