CALI MUSE CILMI OO HAMBALYO IYO DUCO U DIRAY MADAXW EYNAHA LA DOORTAY MUJAAHID MUSE BIIXI CABDI

 

 

London (TNN) :- Cali Muse Cilmi , oo ah Aabaha dhalay Tafatiraha Guud ee Shabakada Wara rka ee Timacade News Network (TNN) , ayaa  Hambalyo & Duco u diray madaxweymaha la doortay ee JamhiirIyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,wxaanu Ilaahay uga baryey inuu xilka umadu u igmatay, u fududeeyo, ku garab galo,ku asturo,kuna guuleeyo.

Sidoo kale, waxaa uu hamablyo u diray dhammaan shacabka Somaliland,Komishanka Doorash ooyika,Ciidamada Qaranka iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay inay Doorashadu ku dhamaat ay nabad gelyo iyo xasilooni.

Ugu danbeyn,wuxuu  Cali Muse, shacabka reer Somaliland,gudo iyo dibadba, ugu baaqay ina y Nimcada Ilaahay inna siiyey ee ah Nabada aynu ku wada  naaloonayno, aynu wada ilaasha no,hareeraha ka joogsano, Rabbina uga mahad celino.

 

 

 



Timacade News Desk
London , UK