Cali Muse Cilmi oo hambalyada ciida & mahad celinba u diray Ma daxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

Cali Muse Cilmi

London (TNN):-Shabakada wararka ee Timacade News , oo maalintii ciida booqatay Cali Mus e,ahna Aabaha dhalay Tafatiraha Guud,Engineer Mohamed Ali Muse, deganna  magaalada L ondon ee carri ga Ingiriiska ,ayaa waxa uu munaasabada ciidal Fidriga awgeed uu salaan u diray  Madaxweyn aha Somaliland, Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waxaa nu ilaahay uga baryey inuu caafimaad,bash bash bash & barwaaqo ku gaadhsiiyo sannadka sannadkiisa,xilka culus ee uu umad du u hayana Rabbi u fududeeyo.Waxaa uu madaxweynah a uga mahad celiyey qaybta libaax ee ay Xukuu madiisu ka qaadanayso dhismaha Cusbitaalk a magaalada Tog-wajaale, oo ah buu yidhi magaaladii aan ku dhashay.Wuxuu Madaxweyna ha Allah uga baryey, inuu kheyr & xasanaad ugu bed elo dadaalka & waxtarka uu u qaban ayo dadkiisa.Sidoo kale,wuxuu salaanta ciida u diray dhammaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanbba,Golaha Wasiirada,mudanayaasha Golaha Guurtida,Wakiilada, Xisbiya da mucaaridka & ciidamada Qaranka.

 

Sidoo kale ,wuxuu mahad celin u diray Mulkiilaha dhulka laga dhisayo Cusbitaalka Tog-wajaal e,She ekh Adan Muumin, oo ilaahay dartii u bixiyey dhulkiisii , danta guudna u guntaday,si ay umaddu u hesho adeeg caafimaad oo baahidooda dabooli kara.Wuxuu  Ilaahay uga baryey,i nuu Sheekh Adan Muumin,if iyo aakhiraba ka abaal mariyo,miisaanka xasanaadka u buuxiyo.

 

Gaba gabadii ,Cali Muse Cilmi , wuxuu hambalyo & bogaadin aan la soo koobi karayan u diray Hay ada samo falka ee Tog-wajaale Foundtion (TWF),oo  hormood ka ah hirgalinta mashruuc an, ahna Hay'addii keentay qorshaha  cusbitaalka Tog-wajaale.Wuxuu Ilaahay uga baryey in cid kasta oo gacan ka geysata dhismaha cusbitaalka, Rabbi ka abaal mariyo , ajar & xasanaa dna ka siiyo.

 



Timacade News Desk
London,UK