CALI SAMATAR DHAGAR QABE DHUUMASHA DOON AH

 


Sidaan la wada socono waxaa baryahan saxaafada ka socotay dacwad ka dhan ah  gac an ku dhiigle maxamed cali samatar,madaxweyne ku xigeenkii dhiig yacab kii siyaad barre oo maraykan nka in lagu max kamadeeyo al doonaayo.


Hadaba dacwadan ka dhan ka ah cali samatar oo ay soo oogeen dadka mid ah dadkii waxyeelada uu ugeystay ayaa waxaa layaab noqotay in difaac fara badan uu helo cali samatar oo xaga afka ah oo dadkii somalida ahaa ay maanta u doodayaan cali samatar oo ay leeyihiin in maxkamad ;lageeyo maaha.!!!


taasi macnaheedu waxa weeye in laga raali ahaa maantana wali lagu farax sanyahy  dh ibtii umadii ku noolayd gobaladii hore loo odhanjiray gobalada wuqooyi maantana ah jamuuriyada somaliland loogaystay.!!

waayo waxaa taasi cadaynaya difaaca indho laaanta ah ee lala garab taagan yahay cali samatar ee waliba qiilka aan macquulka ahayn loogu raadinaayo taasina waa nasiib  da ro taagan oo anay somalida badan keeduba faham sanayn dhibaatada haysata halkay ka sooo ibo baxday ugu horayntii

waxaan cidina dafiri karin burburka maanta somaaliya haysta ee ay labaatan ka  sana dood la ololaysaa in uu maxamed cali samatar uu yahay ninkii horseeday .waxaan cidina dafiri karin in nacyb ka iyo cadaw tinimada ka dhaxaysa umad soomaaliyeed maanta uu horseeday siyaad barre iyo xulafadiisii oo uu maanta cali samatar inta nool uu kaw ka yahay.


hadaba dhibta maanta taagan cidii sababtay in maanta la difaacaa waxay sharaf dhac ku tahay umada soo maaliyeed ee dhibtu haysato 20ka sanadood, waana ayaan darro in maanta ay difaacaan niman aqoon yahano sheeganaaya oo siyaasiyiin sheeganaaya oo uu kamidka yahay nin ka cali khalif galeydh la yidhaado taasi waa nasiib darro aad u weyn

waxaa iyana nasiib darro ah in maanta reer soomaaliland siyaasiyiinteedu muxaafid iyo mucaaridba aanay arintaa waxba ko odhan inta ogaalkay ah marka laga reebo  shakhsi yaad warbaahintu waraysatay waxaana ayaan darro ah in aan niman kaa is xil qaamay ee inay umadan wixii loogaystay ka daba tagaan isku dayey wax taageero ah loo muujin .
talabaadna dawlada dalka ka jirtaa sigaar ah aanay wax soo hadal qaad ah ka odhan arintaa afkana ay ka xidhatay taasna ay layaab yahay iyana.


hadaba umada reer somaliland waxaan leeyahay waad aragtaan soomalidii inay maanta u aragto in cali samatar arimo shakhsi loo eryanaayo oo reer iyo cunsuriyad lagu  soo celiyey arinkiiye waa in talo aan ka yeelanaa isku duubnina muujinaa niman kaa iyagu umadan dhiigoodii la daadiyey ka dabatagayna aan garab galnaa si kasta oo aan u  caa win karnana u caawinaa af iyo adin maal iyo muruqba

umada soomaaliyeed ee kalan mid baan leeyahay mxamed cali samatar moorgan maslax iyo ragga la mid ka ahi dadkan iyo umadan dhibtii iyo dhiigii umadan ee ay daadiyaan noqon mayso mid ay ciyaar ciyaar iyo si fudud uga la daan ifka aakhirana tii allaa  suga ysa



waxaan ku soo gabo gabaynayaa


samatar iyo dhigiisiyo
dhiig yacabadii bari
umadayda dhalan rogay
igu reebay dhiilada
dhayal iyo ciyar iyo
kuma daayo dhalanteed



dhidar kiyo dhurwaagii
dhuuxayga ruugee
dhadig weerka xidhatiyo
dhalaan uub la aasiyo
dhulka mahadho dhigayaw
dhursug goor ay noqotaba
dhamac iyo kulayl
qadhaad waad dhadhaminoo
gaar aanan dheerayn
xagu wuu ku soo dhicin

 


Qalinkii : Axmed Moxamed Faarax(badeed)

email axmed1432@hotmail.com
tell :+25224482935