|
Cali Warancadde oo Jamhuuriya uga Warramay Boolis la Wareegay
Xarunta Dhexe ee Xisbiga UDUB

Daahir Rayaale
oo si degdeg ah dalka u imanaya + magacyada xubno loo xulay soo
dhaway ntiisa + qalab laga qaatay xarunta UDUB ee Hargeysa
“Go’aanka Guddoomiyaha UDUB Ninka ku qanci waayaa isagaa cirka roob
ku og…. furayaas hiina annagaa ayaa beddelnay si loo ilaaliyo
hantida xafiiska dhexdiisa taal”
Hargeysa (TNN)- Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, isla markaana
hore u sheegay inuu u sharraxan yahay madaxweynenimada xisbiga UDUB
dhexdiisa Md. Cali Maxamed Waranca dde, ayaa ka hadlay sababaha
keenay in ciidamo boolis ah la wareegaan shalay xarunta d hexe ee
xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ku leeyahay caasimadda Hargeysa.
Md. Cali Maxamed Warancadde oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula
xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo sababaha ciidammada boolisku
u tageen xarunta dhexe ee xisbigooda, waxa uu sheegay inay iyagu u
yeedheen bilayska si ay u ilaaliyaan ammaanka xarunta UDB iyo
qalabka hoos yaalba.
“Ciidan boolis ah oo la wareegay xarunta UDUB ma jiraan ee waa
ciidan ammaanka ilaalina ya oo annagu aannu u yeedhanay, sababtuna
waxa weeye waxa xafiiska UDUB laga qaatay qalab, si markaa xarunta
ammaankeeda loo ilaaliyo oo marka laga maqan yahay aanay cid u iman
ayaannu ciidanka u keenay, laakiin wax khilaaf ah oo jiraa ma jiraan.”
Md. Cali Warancadde oo la weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo nooca
qalabka laga qaatay xafiiska UDUB iyo sababta ay furayaashii hore
uga beddeleen xaruntooda, waxa uu yidhi; “Qalabka la qaatay waa
kombuyutarro iyo qalab kale oo xafiis, furayaashiina annagaa ayaa
beddelnay si loo ilaaliyo hantida xafiiska dhexdiisa taal, xafiiska
furayaasha laga beddelayn a waa xafiiska xoghayaha guud oo uu hadda
ku sime ka yahay Cabdixaliim Maxamed Muuse, laakiin xafiisyadii kale
waa sidoodii o
o wax furayaal ah oo laga
beddelay ma jiraan.”
Waxa kaloo uu sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna
Guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin uu dalka iman
doono 5 February 2012, isagoo ku eedeeyey Ku-simaha Guddoomiyaha
UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin inuu ku guuldarraystay inuu xisbiga si
daacad ah u hoggaamiyo muddadii Rayaale dalka ka maqnaa.
Mar la su’aalay inay dhinacoodu ku qanci doonaan haddii Guddoomiyaha
UDUB markuu dalka yimaad uu soo saaro go’aan lagu xallinayo
khilaafka xisbiga ka dhex taagan, waxa uu ku jawaabay; “Go’aanka
Guddoomiyaha UDUB ninka ku qanci waayaa isagaa cirka roob ku og,
xisbiguna guddoomiye qudha ayuu leeyahay oo ah Daahir Rayaale Kaahin,
markaa wixii guddoomiyuhu xal u arko waa lagu qancayaa.”
Dhinaca kale, qoraal ka soo baxay xisbiga UDUB oo nuqul ka mid ah
Jamhuuriya helay ayaa lagu shaaciyey magacyada guddi qabanqaabo oo
loo xilsaaray soo dhowaynta Daahir Rayaale Kaahin oo la sheegay inuu
dalka ku soo laaban doono horraanta bisha February ee foodda innagu
soo haysa.
Guddiga qabanqaabada soo dhoweynta Daahir Rayaale oo uu guddoomiye u
yahay Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi) waxay magacyadoodu kala
yihiin; Cali Maxamed Warancadde, Axmed Maxamed Ciise, Maxamuud Cabdi
Faarax (Malow), Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Keyse Cali Geeddi iyo
Samsam Maxamed Cige.
source:jam
|