Cali Waran-cadde oo xukuumadda Siilaanyo ku Eedeeyay inay ka danbaysay inuu Rayaale gaadhi waayo Koonfurta Suudaan
 

 

“Waxaan qabaa Dawlada maanta Joogtaa inaanay si fiican oo qurux badan u socon ee bal Idinku waydiiya waxa ay Cadaawada noogu hayso ileen Iminka Xukun layskuma haystee”

“Arintaa shirarka Beeluhu waa arin khatar ah oo aynu wakhtigeedii soo dhaafnay waxaanay u xuubsiibatay ……..…” Cali warancade



Hargeysa (TNN)-Wasiirkii hore ee Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Warancade oo ka mid ahaa Xubnihii laga soo casuumay Xisbiga UDUB inay ka qayb halaan Xaflada loogu dabaal degayo Madaxbanaanida Koonfurta Suudan ayaa sheegay inay Xukuumaddu midayn kari wayday labadii wafti ee Xukuumadda iyo Xisbigood, isla markaana Xisbi ahaan ay waayeen Diyaarad ay raacaan oo u qaada Dalkaasi si ay Xaflada uga wada qayb galaan dhamaan Xubnihii la soo marti qaaday.

Taasoo sida uu sheegay markii ay waayeen Diyaarada wada qaada ay Xisbigoodu direen oo kaliya Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Riyaale iyo Afadiisa, kuwaasoo Diyaarada qaaday kala wareegtay Dubia ilaa Kambaala, isagoo tilmaamay in isaga iyo Xoghayihii hore Madaxweynuhu ay ka soo hadheen waftigaasi, ka dib markii ay waayeen Diyaarad ay raacaan Xukuumadduna hagratay Masuuliyadii ka saarnayd midaynta iyo tabantaabinta labada wafti ee Xukuumada iyo Xisbigooda.

Sidaasina waxa uu ku sheegay Waraysi gaar ah oo u Xalay siiyay Wargeyska Waaheen isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, kaasoo uu sidoo kale kaga hadlay arimo dhawr ah oo la xidhiidha Marxalada Siyaasadeed ee dalku marayo iyo shir-beeleedyada hada ku soo kordhay.

Cali Maxamed Waran cadde oo ugu horayn Waraysigaasi lagu waydiiyay sababta xubnihii Xisbigoo da ee Xaflada Madaxbanaanida Sudan ee maanta loo dabaaldegayo kala reebay iyo tirada inta Xub nood ee hada tegay, waxa uu ku Jawaabay:

“Dalka Koonfurta sudan waxa ay yidhaahdeen waxaanu idiinku soo casuunay dabaal dega madax ba naanidayada sidii fiicnayd ee aad uga hirgeliseen wadankiina Dimuquraadiyada aan geeska afrika ka dhicin , markaa waxa laga soo Casuumay Xisbigayaga Afar xubnood,afartii xubnood markii ay dhici wayday inay Diyaarad kaliya wada racaan labada wafti wakhtigiina gabaabsi nagu noqday, waxaan u dirnay oo kaliya Madaxweynihii hore iyo marwadiisa oo aanu u daynay inay tagaan markii aanu w aynay Diyaar tegaysa Koonfura Suudan oo na wada qaada , labadooduna waxay raaceen Diyaarad Dubai ka wareegaysa ilaa kambaala oo masaafo dheer Maraysa, sidaasi ayaanan ku soo hadhnay labadayadii xubnood ee kale, waxaana xagaa jooga Wasiirkii hore ee arrimaha Dibada oo isagu haw shayada oo dhan gacanta ku hayay oo maamulayay xubnahana ka mid ah.

S: Marka Maxaa keenay in labadii wafti israaci waayaan oo qoloba Diyaarad raacdo, miyaanse laga qurux badnayn sidaasi hada loo baxay?

J: horta meesha qaranka Somaliland oo dhan ayaa lagu marti qaaday Xukuumadda ayaana dalka M asuul ka ah, markaa Anigu waxaan qabay inay aad u quurux badnaan lahayd inaan anagoo labadii Dawladood ee talada la kala wareegay ah, anagoo gacmaha ishaysana meeshii wada tagno oo aanu salaanka diyaarada mar ka wada degno, laakiin may dhicin oo aad iyo aad ayaan uga xumahaya qiim ihii laynoo hayayna waa mid waxyeelaysa, waxaanay ahayd iyagoo midaysan inay baxaan labada waftiba.

S: Yaa eeda la saarayaa oo ay ahayd inay midayso labada wafti ee Xukuumadda iyo Xisbigiina?

J: Walaahi talada Dalka cida haysa ayuun baa la saarayaa, oo hadii Xukuumadii Udub hayso iyada ayaa la saari lahaa hadii Xukuumaddan Kulmiye talada haysana iyada ayaa iska leh oo la saarayaa oo iska leh Eeda.

S: Waxaa muuqata beryahan dambe inaanay Xukuumaddu idiin qadarin sidii markii aad xukunka ku wareejinayseen ay idiin qadarin jirtay , dhawaana markii uu madaxweynihii hore Dalka ku soo laabtay ilaa hada Madaxweyne Siilaanyo lamuu kulmin oo xataa ismay salaamin, markaa sideed u aragtaan Cadaawadan qarsoon ee Xukuumadu idiin hayso, halkayse ku aroortaa oo loo aanayn karaa Wasiir?

J: Dalka Maraykan waxa ka dhacday in awooda lagu murmo, afrika way ka dhacday Malaayiin dad ah ayaa lagu xasuuqay muran awoodeed , hadana anagu anagoo naqaana waxaas oo dhan ayaanu talada ku wareejinay si dimuquraadiya, anagoo umaddayda iyo dalkayaga u danaynayna oo aanu go’aansanay inaanaan dalka Xijir iyo xoog ku haysan, markaa wixii nalugu xumayn lahaa waxa weeyaan waxaanu diidnaye, bal qoladan dambe ayaad wadiin waxa nalugu xumaynayo anagu waxba ma ogin oo ileen xagayaga kamay imane, iyaga bal waydii waxay nagu xumaynayaan.

S: laakiin ma idiin muuqataa Cali taasi?

J: horta waxyaabaha qaarkood hadaan maanta ka hadlo waxaan ka baqayaa oo aan qabaa inay khatar keenayso, laakiin waxaan qabaa Dawlada maanta Joogtaa inaanay si fiican oo qurux badan u socon, waxaana soo baxaya inaanay dawlada lafteedu arimahaasi ku wada socon, markaa waxaan jecelahay inaad adigu waydiiso bal waxa dhacay ee Colaadan meesha keenay waxa ay yihiin ileen hada Xukun layskuma hayoo Xukunkii waanagii wareejinee waaajibkayaga gudanaye.

S: Koonfurta Sudan Maxay ku soo kordhin kartaa Madaxbanaanida iyo Ictiraaf Raadinta Somaliland Cali hadii aad qiyaasto?

J: Waa Dad iyo Dal Fahmi kara qadiyada Somliland waxay tahay oo in badan dagaal aynu ugu wada jirnay madaxbanaani , waxaanay ka mid noqon karaan wadamada ugu horeeya ee Ina Ictiraafi kara ama ictiraaf inala dooni kara, iyaguna faa’id badooyin badan ayaa inagaga xidhan oo ay ka mid tahay inay Dekeda Berbera ay tahay Dekeda Labaad ee ay wax kala soo degi karaan ama khayraadkooda ka dhoofsan karaan, waayo Dawladii ay ka tirsanaayeen ee Waqooyiga waxa dhici karta in Dagaal xumi dhex maro dhawaan oo ay isku qabtaan khayraadkooda”



S: Beryahan Dambe waxa jira shir-beeleedyo isda joog ah oo beeluhu isugu imanayaan, waxaanay beeleha qaarkood ku doodayaan in shirarkoodu yihiin kuwo aayo ka tashi ah, Xisbiga UDUB hadii aad tihiin sideed u aragtaan shirarkaasi?

J: arintaa shirarka Beeluhu waa arin khatar ah, waa arin aynu wakhtigeedii soo dhaafnay oo aan loo fadhiyin xiligan, waxaanay u xuubsiibatay qabyaaladu waxay ahayd oo dadka afka somaliga ku hadla oo dhami dhaqan u leeyihiin, laakiin inagu aynu ka samaysanay Xisbiyada badan iyo nidaamkii aanu dalka ku haynay, markaa Su’aasha meesha taalaa waxay tahay maxaa keenay Shir-beeleedyadan hada ?, taasi waxa weeyaan waxa la yidhaahdo Cadaaladu waa aasaaska dawladnimada iyo xukunka, iyada oo aan loo sinayn xukunka ayaa cadaalad daro ah oo shirarkan keenay , markaan waxaan jecelahay inaanay arintaasi sii socon oo cida wax laga tabanayaana ay tanaasul keento, cida wax tabanaysaana samirto.

S: Cali Dadka intiisa badani waxa qabaan in Xisbiyadii Mucaaridka ahaa markii ay meesha ka baxeen ee kaalintoodii diciiftay , sida Idinka Xisbigiina UDUB iyo UCID oo kale, ay Beelihii isu abaabulaan sidii ay Xukuumadda isaga dhicin lahaayeen, taasi siday idiinla muuqataa?

J: arintaa Xisbiga UDUB markii aanu Xukunka haynay waxaanu necbayn in lugaha iyo gacmahaba layskaga kayo duubo, anana wixii aanu ka caban jirnay inaanu kula kacno dawladan way nagu adkaatay markii hore, anaga laftayaduna inaanu isa saxno oo wixii dadku nagaga raacay aanu tijaabino, rabitaankii dadkana aanu ixtiraamno ayaanu ku dhamaysanay sanadkan hore iyada oo ay waajib tahay inaanan suul daarin, markaa hada waxa nagu waajib ah inaanu toosino, inaanu hagno, inaanu dalka ka qabano intaanay burburin ayaa nagu waajib ah.

S: markaa ma hada ayaad galka seefta kala baxaysaan Mucaaridadiina iyo toosintiina, sidaa miyaad u jeedaa?

J: haa hada ayaanu wixii dhaliil ah ee jira ka hadlaynaa.

S: Xukuumaddu ma idiinla muuqataa inay tahay Xukuumadda idin dhegaysanaysa oo wax idinka aqbalaysa?

J: Xukuumadda Khasabay ku tahay inay tixgeliso shacabka iyo cidii talo u soo jeedinaysa, waayo xukuumadani la mid ah kuwii hore oo waxa ay meesha ky timi rabitaan shacbi oo lagu wareejiyay, tii hadii ay tixgelin waydana shacbiga ayuunbaa sidii anagaba ay nooga baydheen uga baydhi oo hada codka shacbiga ayaa shaqaynaya.

S: adigu waxaad tahay Wasiirkii hore ee Duulista hawada, muddo dheerna waad haysay wasaaradaasi, tan iyo intii Xukunka laydin kala wareegay waxa ay Wasaaradu qaaday talaabooyin cusub oo aan hore u jirin, tusaale ahaan, waxa Diyaaradaha lagu soo rogay lacag 50 Dollar ah oo lagu sheegay qaadhaan, labadii dollar ee aad idinku bilawdeen waxa lagu daray hal dollar, talaabooyinkaasi sidaad u aragtaa Cali?

J: wasaaradani waa tii aan wareejiyay, waxyaabaha iminka aan ka sheegaa dhaliisheedana waxa loo arki karaa inaan ahay ni meeshii Hunguraynaya, markaa taa waxaan u daynayaa Wasaarada iyo shacbiga waxaan leeyahay wixii jira waa in la saxaa, wasaaradana waxa muhiim u ah cida joogta iyo shaqaalaha, waxaanan u soo jeedinayaa inay ku dedaalaan sidii ay Madaarada dalka u horumarin lahaayeen.

S: laakiin Cali adigoo aan iminka Masuul ahayn talaabooyinka intaasi lee gee aad qaaday siday kuula muuqdaan adigoo shacbigii ka mid ah tusaale ahaan?

J: dabcan waxa la kordhiyayna way ii muuqdaan, waxa la sameeyayna way ii muuqdaan oo waanigii hada kuu sheegayay, laakiin waxaan leeyahay uun wixii aan fiicnayn halaga daayo wasaarada iyo Madaarada.

S: Cali adigu waxaad ka mid tahay Musharixiinta Xisbiga UDUB, horena waxaad ula soo shaqaysay Xukuumadiihii kala dambeeyay ee Dalka soo maray, hadii aad ku guulaysato Musharaxnimad UDUB, isla markaana talada dalka Xisbigiinu mar kale ku soo noqdo adigoo musharax ah oo aad madaxweyne noqoto, maxaad isleedahay aad qabatid oo Xukuumadihii hore iyo taniba may qaban?

J: horta anigu Xukuumadihii hore oo dhan waa la soo shaqeeyay wasaarado badana waan soo qabtay oo wasiir ayaan ka soo noqday iminkana waxaan u taaganahay Musharax madaxweyne, kolayna su’aashaa aad I waydiisay way jiraan wax badan oo aan is leeyahay qabo oo ilaa hada inaga dhiman oo aanay Xukuumadihii hore iyo tani toona qaban, waxaana hada kuuma wada sheegi karo oo waxaan isleehayay Gadood shacbi ayaa dhici oo nabad-gelyadaa faraha ka bixi, dadku markay hamuum awgeed is hayn kari waayaan hadii aan hada balan qaado waxaan qabanayo, dibna waan ka sheegi doonaa waxaan qabanayo hadii alluhu yidhaahdo.
 

 

Source:Waaheen