| Canbaarayn, Tacsi iyo Talo soo jeedin ku socota Jaaliyaddaha Somaliland oo ka timi UDUB UK
Ugu horayn waxaa mahad iska leh Ilaahay(swt) Qaranka JSL ka badbaadiyey shirqoolkii loogu talo galay in lagu burburiyo loona adeegsado gawaadhi Miinaysan oo Argagixiso is Miidaamin ahi wadaan. Mar labaadka waxaan Aniga oo ku hadlaya Magaca Xisbiga UDUB UK Tacsi u dirayaa Madaxweynaha JSL iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland, gaar ahaan Ehelada iyo Qaraabada dadkoodii ku geeriyoodeen weerarada argagixisada ah (Ilaahay Samair iyo Iimaan ha inaga siiyo, iyagana naxariistiisa Janada ha ka waraabiyo). Intaa ka dib UDUB UK Waxa uu si xoog leh u canbaaraynayaa weeraradaas bahalnimada ah ee ka baxsan dhaqanka Islaamka iyo Soomaalida ee aan loo kala meel dayin Madax iyo Maato kuwaas oo si toos ah loola beegsaday 29/10/08 Xarunta Madaxtooyada JSL, Safaaraddii Ethiopia iyo Xaruntii UNDP. Si aan toos ahayna loola beegsaday quluubta iyo shucuurta guud ahaan Shacgiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba. Hadaba si aynu u muujinno dareenkeenna iyo sida aynu uga xunahay weeraradaas waxaa Jaaliyadaha Somaliland la gudboon sida ay soo jeediyeen Xubno badani inay sameeyaan banaanbaxyo iyo ficillo kale meel ay joogaanba lana canbaareeyo falalkaas waxashnimada ah iyo shirqoolada Argagixisada ah ee lagu waxyeelaynayo Qaranimada qiimaha weyn inoogu fadhida ee JSL. Ugu dambayntii waxaa Mahadnaq iyo
Amaan Mudan Website yada ama shabakadaha wararka Somaliland oo ka
soo baxay waajibkoodii ka saarnaa weeradan lama ilaawaanka ah.
|