CANBAARAYN ISIR GUMAADKA GOBOLADDA SHABEELADA DHEXE, SHABEELADA HOOSE, IYO HIIRAAN EE KOONFURTA SOOMAALIYA

 


SHBEELADA DHEXE: JOWHAR:

Beeralayda Jareer ee ku dhaqan deegaanada ku xeeran Jowhar waxa weerar qaawan ku soo qaaday Jufada Maxamed Muuse ee Abgaal oo damacsan in dadkaa Soomaaliyeed hantidooda maguurtaada laga dhaxal wareejiyo. Reerkan ayaa hore caan ugu ahaan jirey dad Ahlu-ddiin ah oo quraan xafid lagu yiqiin!!

SHABEELADA HOOSE:

Dal ballaadhisiga iyo deegaan durigsiga cidda wadda waa Beelaha Habargidir ee ka soo duulay Gobolada dhexe ee Soomaaliya. Beelaha sid badheedhka ah deegaanadoodii looga dhaxal wareejinayaa waa: Biyomaal iyo Sure oo ah Beelweynta DIR!!.

HIIRAAN:

Beledweyne korkiisa oo Webiga Shabeele saaran ayaa beesha Xawaadle ayaa ka qaadaysa beelaha Fiqi Muxumed iyo Fiqi Cumar oo Beelweynta DIR ka tirsan!!

Deegaanada Xabkanley iyo inta ku xeeran intaba ciidamada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Beelaysan or dhar raiyd ah loo geliyey oo adeegsanaya saanaddii oyo qalabkii xukuumadda ayaa dhul boobka hoggaaminaya.

Xaalku waa dagaalka qorshaysan ee beelaysan ee madaxtooyada Xassan Maxamuud laga soo abaabulayo; waana kuwuu maanta lahaa ha la joojiyo. Waa ilmadii yaxaaska oo cidina rumaysanmayso ee Soomaaliyi meel ay joogtaba dagaaladaa foosha xun ha la canbaareeyo.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland hase ahaate deegaanadaa mudo qarniyo ah ku dhaqnaa ay iyaguna dagaaladaa ku nafwaayeen ( Hadii loo baahdo magacyadoodana waa la idiin soo gudbin.

Waxa intaa dheer deegaanka xeeraale oo beelaha Dir iyo Mareexaan ku dirireen, hase ahaate beelaha Dir ku awood roonaadeen, in markii Cabdi Faarax Shirdoon noqday Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, in uu degmadonimadii ka tirtiray.

Halkaa kuma jooga Saacid ee wuxu ku xigsiiyey Taliyihii Ciidamada Federaalka Janaraal Cabdikariim dhego Badan ee hoggaaminayey dagaalkii lagula jirey Shabaabka, isagoo taliyuhu ku guuleystaty in uu Shabaabka ka saaro meel badan oo magaalada Xamar. Isna Saacid Shirdoon ayaa xilkii ka xayuubiyey markuu Ra'iisul Wasaaraha noqday.

Ood lagama gooyaan maxaa aano iyo utun taala. labada reer ma waxay isubahaysteen in ay Soomaali dabargooyaan!!
 



Axmed Sabeyse