CANBAARAYN XAALAD ABUURKA XUKUUMADDU WADO

 




Xaaladda cakiran ee Golaha Wakiilada ka aloosan waxa masuuliyadeeda iska leh gol aha xukuumadda iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aa dan ka dib markuu xukuumadda si badheedha ola saftay uu xeerkii Diiwaangekinta Cod-bixiyeyaasha iyo ansixintii Guddida Doorashada Qaranka.

Xukuumadda talada dalka haysa ee mudo xileedkeedii dabayaaqada yahay marna ba u hirgelimeyso mudo-kordhin sifo ka baxsan shuruudaha Disroorka Qaranku jide eyey. Awood sheegasho, talo maroorsi, is-muquunin, amar-ku taaglayn iyo kibir. Kaladambaynta iyo sharciyaddu hadday shaqayn weydo waxa hubaal noqondoonta in shacbigu kacdoon sameeyo oo si yar oo fudud ayaa xukuumadda talada looga t uuro. Gugii Carabta ka curtay inta uu madaxweyne galaafta yaan la moogaan.

Waxa xaaraan ah in shacbiga ciidamada qaranka, RRU, SPU iyo booliska loo adeegs ado xabad nool lagu gooli-baadho. Xoog iyo xabad in ummadda laguma cabudhin ka ro. Awoodaha distoorku siiyey Golaha Wakiilada ma maroorsan karto waaxda fuli ntu si ay u fushato qorshaheeda ku aaddan mudo-kordhin
xaaraan ah.

Wuxuu Xisbiga Caddalada iyo Daryeelka laantiisa dalka Canada xukuumadda uga di geysaa in ay dalka u horseedo khalkhal iyo iska horimaad horseeda burbur qaran i yo dib-u-dhac. Ha la ogaado in shacbigu leeyahay lahaanshaha jiritaanka iyo qaran nimada Somaliland; awooda shacbiga mid ka sareysaa ma jirto; xilkuna waa meerto muddaysan ku negaanshaha xilkuna wuxu ku xidhanyahay rabitaanka ummadda ee ma aha hadba ninka xukunka kursiga fadhiyaa jecleysto.

Ummadda reer Somaliland ma geydo mana aqbalayso in xasaas lagu afuufo ka dibn a dad ku nafwaayo qaarna ku dhaawacmaan. Inta ku nafweyaday Ilaahay ha u na xariisto inta dhaawac ahna caafimaad ayeynu Ilaahay uga baryeynaa.

 


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
November 15, 2014