Caqabadaha La Soo Darsay Haweenayda Keli ah ee ku Jirta Maayorrada
Magaalooyinka Somaliland
Caqabadaha
La Soo Darsay Haweenayda Keli ah ee ku Jirta Maayorrada
Magaalooyinka Somalil and+ Marwo Khadra X. Gaydh Ma La Socotaa
Dhaliilaha Loo Jeediyo?
Maayarka Gabiley Jawaabta Ay Ka Bixisay Culayska Maayarnimo Iyo
Doorka Hooyonimo ee ay wada hayso Is Waafajintoodda?GUDAHA KA AKHRI
WARAYSI DHEER
Gabiley (TNN) – Maayarka Degmada Gabiley marwo Khadra Xaaji Gaydh
ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo ay siisay Wargeyska Saxafi
kaga warantay talaabooyinka ay qaaday mud dadii ay xilka haysay iyo
caqabadaha ka horyimi maadaama ay ahayd maayarkii ugu horeeyay ee
Haween ah ee xil ka qabta Somaliland.
Marwo Khadra waraysiga aanu la yeelanay waxaa uu u dhacay siddan:
S: Muddadii aad xilka haysay maxaa kuu qabsoomay, maxayse yihiin
mashaariicda aad hadda gacanta ku haysaa, mase jiraan kuwo aad
higsanayso inaad qabato?
J: Muddada aan xilka hayey waa shan bilood, waxaa noo qabsoomay is
bedel u dhigma dhismayaal oo aanu ku samaynay 13 xafiis oo xarunta
dawladda hoose ee Gabiley ah oo muraayado ku xidhnay, halkan oo
ahayd hoolkii ay golaha deegaanku ku shiri jireen waxaanu ka dhignay
xafiiska maayarka, hool kalena waxaanu u samaynay shirarka golaha
deegaanka, waxa kale oo aanu samaynay geerash gaadiidka dawladda
hoose la dhigo. Meelo kale oo dad deganaa oo aanu deyrka xarunta
dawladda hoose ku soo darnay oo aanu doonayno inaanu ka dhisno
xafiisyo ay ka mid yihiin xafiiskii aqoonsiga bixinayey iyo
diiwaangelinta muwaadiniinta. Waxa kale oo noo qabsoomay hool aanu
xarunta ka dhisnay oo 25 mitir ah oo aanu dawladda hoose u dhisnay,
balse aan weli xadhigga laga jarin. Dawladda hoose may lahayn wax
musqulo ah, waxaanu hadda u dhisnay shan musqulood. Afar cagaf
ayaanu kicinay. Waxa kale oo noo qabsoomay waddo 4km ah oo uu
Madaxweynuhu xadhigga nooga jaray. Waddo 600 oo mitir ah oo Bankiga
hormarta oo aan weli xadhigga laga jarin. Wado kale oo shan boqol oo
mitir ah ayaanu iyadana dhammaystirnay oo magaalada dhexdeeda marta,
taas oo ka mid ah mashaariicda aanu dhammaystirnay ee aan weli
xadhdigga nalooga jarin. Waxa kale oo aanu ku talo jirnaa inaanu
dhisno Gurigii martida. Waxa kale oo isaguna noo dhammaaday hal
fasal oo aanu ku darnay Dugsiga Caro-Tuulka, iyadoo halkaas laga
dhisay laba fasal oo mid dadweynuhu iska bixiyeen iyo mid aanu
annagu ugu darnay. Waxa kale oo imika aanu ku hawlanahay oo qorshaha
noogu jira laba fasal oo aanu ka dhisayno tuulada Go’goysa oo aanu
gacanta ku hayno oo aan weli noo dhammaan. Sidoo kale laba fasal oo
aanu iyagana ka dhisayno tuulada Isha Gudban, meeshaas oo aan hore u
lahayn wax iskuul ah. Waxa kale oo jirta waddo aanu bishan
tobankeedii ka bilownay magaalada Kala-baydh gudaheeda taas oo
dhererkeedu yahay 620 mitir oo isku xidhaysa waddada caro-tuulka ah
ee ka timaada Wajaale ilaa kastamka Kalabaydh. Intaas oo mashruuc
gacanta ayaanu ku haynaa.
S: Ma jiraan muddadaas aad xilka haysay ee aad waxqabadkaas aad
sheegtay ku jirtay, wax caqabado ah oo kaa horyimi?
J: Runtii ma jiraan wax caqabado ah oo iga horyimi, oo meelihii aynu
dadku deganaayeen ee ay meheradaha ku haystay ilaa iyo maalintii
dalka dib loogu soo noqday markii aanu ka raraynay aad bay noogu
sahlanayd oo iyaga ayaaba gacan naga siiyey, manay jirin wax
dhibaato ama caqabad ah oo naga horyimi.
S: Adeegyada bulshada guud ahaan markaad eegto degmada Gabiley waxa
jirtay baahi weyn oo ka jirtay, gaar ahaan goobaha caafimaadka,
biyaha iyo nadaafadda, maxaad kuwaas ka qabateen dawlad hoose ahaan?
J: Adeegyada bulshadu hadda meel fiican ayay noo marayaan, Gabiley
marka loo eego magaalooyinka kale waxay ku jirtaa magaalooyinka ugu
nadiifsan, way adagtahay sidaad ku aragto qashin meelahaas yaala. Ta
kale waxaanu annagu ku kordhinay inay gaadiidka nadaafaddu gelinka
dambe shaqeeyaan, oo shaqaalaha aanu offer-time siino iyo shidaal
kale oo dheeraad ah. Xaga caafimaadka waxaanu laydhka dhakhtarka
bishii bixinaa $200 (laba boqol oo doolar), biyaha dhakhtarka
annagaa bixina. Qalabka dhinaca dibadda ayaanu u diranaa, oo
qurbo-joog aanu isku xidhannahay ayaa naga caawiya, wixii kharash ku
baxayana annaga (Dawadda hoose) ayaa bixina. Shaqaalaha caafimaadka
waxaanu siinaa mushahar ilaa shan ka mid ah (Waashmaan iyo afar
shaqaale ah). Xaga waxbarashada, shidaalka gaadiidka lagu qaado
Macalimiinta annagaa bixina. Hawl kasta oo ay u baahan yihiin wax
badan ayaanu kala qabanaa. Dhakhtarka TB-da maalin kasta shidaal
ayaanu siinaa, biyahooda annagaa bixina. La’aantayo adeegyadaasi ma
shaqeeyeen ayaan qabaa, qaybtayadana waanu ka qaadanaa.
S: Golaha Degaanka ee Gabiley, waxa ka jiray khilaaf soo jiitamay oo
muddo dheer ku soo kala dhexjiray xildhibaanada golahaas, laakiin
muddadii aad maayarka noqotay waxaad moodaa in wax iska bedeleen,
markaa ma xal baad u hesheen khilaafkaas soo jiitamayey, bal nooga
waran?
J: In badan golahayagu wuxuu ahaan jiray laba qaybood, qaybi waxay
aad u jeclaan jirtay oo ay isku haysan jireen Maayarka jooga horumar
samee, qaybina waxay iska taageeri jirtay in Maayarku aanu
xildhibaanada kale warkooda waxba ka qorin ee siduu doonayo iyo
siday jecel yihiin ee wax loo wado u socoto. Laakiin imika qaybtii
horumarka jeclayd waxay arkayaan horumarka, halkaana wax laga hadlaa
ma yaallaan, dadkuna kolay kursiga may wada fadhiisteen. Raggii ugu
adkaa waxay ahaayeen xildhibaanadii halkan imika ka kacay oo intii
aanu annigu Maayarka ahaa xataa iigu adkaa, laakiin imika markii ay
arkeen waxqabadka horumarka leh ee socda, oo xildhibaanka Ibraahim
Axmed Xasan oo kale dorraad markii aanu waddada dhagax-dhigaynay
wuxuu ku soo hal-qabsaday “Ilaahow khaatumada kheyr noogu khatin”
ayaa lagu ducaystaa, mar haddii aanu golahaygii inta badan soo wada
joognay imika mashaariicdii horumarineed aad noogu socoto, illaahay
baa khaatumadii kheyr noogu khatimay.
Xildhibaan kale oo isna halkaas ka hadlay wuxuu yidhi annagu
weligayo waxaanu doondoonaynay inuu meesha yimaado qof wax qabanaya,
laakiin dee annagu maanu dooran (Maayarka) ee illaahay baa noo
dooray. Imikadan lafteeda lama waayayo qaar aan sidan ku qanacsanayn,
waanay jiraan qaar aan hadh iyo habeen toona fadhiisanin. Waanay
kala cadaan doonaan, oo intii horumarka u socotayna, horumarka socda
ayey ka qayb-qaadan doonaan, intii ujeedada kale lahaydna dee
imikaba banaanka ayey boodayaan. Markaa marka saddex loo qaybiyo
golaha, qaybaa imika dibadda boodaysa oo waxqabadka ka jecel inaan
waxba la qaban.
S: Waxa jiray musuq-maasuq ka jiray dawladda hoose ee Gabiley, oo
xataa masuuliyiin loo xidh-xidhay, arrintaas wax ma ka qabatay?
J: Horta wixii aanu ka qaban karnaa waxa weeyaan intii aanu joognay
inaanu maamulkayaga hagaajino, dawladda hoosena waxeedu waa wax soo
gala iyo wax ka baxa (in and out), qofka maamulka ah ee halkaas
joogaana waxay noqonaysaa inuu la socdo waxa soo gelaya iyo waxa
baxaya, kolay waxaanu annagu is leenahay si fiican ayaad u
maamusheen, koleyna bina aadam ayaanu nahay oo waxba ma dhamayn
karno, musuqmaasuq inaanu samaynana niyadayada kuma jirto, inaanu
ummadda u shaqayno oo wixii soo gala aanu wax ugu qabano ayuun baanu
saacaddaa (10-kii habeeno) aanu u fadhinaa xafiiska.
S: Waa ayo shakhsiyadda Khadra Xaaji Gaydh, Maayarka degmada Gabiley,
muxuuse yahay macaamilka adiga iyo shaqaalaha dawladda hoose idinka
dhexeeyaa?
J: Waa su’aal adag (qosol..). Dee waa Khadra Xaaji Gaydh. Anigu qof
happy ah ayuun baan isku aqaanaa oo caadi ah, ta kale waxaan isu
aqaanaa in shaqaalaha ixtiraam naga dhexeeyo, shaqadana ay xagooda
ka dedaalaan oo ay isku dayaan inay iska ilaaliyaan wax shaqada ah
oo aanu iskaga hornimaadno, anniguna ilaa xad waxaan jecelahay inaan
shaqaalaha xuquuqdooda aad u ilaaliyo.
S: Waxaad tahay haweenaydii ugu horeysay ee Somaliland Maayar ka
noqota, markaa dareen noocee ah ayey bulshada reer Gabiley kugu
qaabileen markii ugu horeysay ee Maayarka ka noqotay Gabiley?
J: Bulshada reer Gabiley laba qaybood bay iska ahaayeen, oo anigu
muddo ayaan maayar ku-xigeen ka soo ahaa Gabiley oo maan ahayn qof
meel kale lagaga keenay. Dadka inta aanu isku dhawdhaweyn waxay
aaminsanaayeen in Khadri isbedel keeni doonto, ina layaab bay ku
ahayd oo waxay islahaayeen meesha ragiiba wax ka qaban kari waayeen
maxay qof dumar ahi ka qaban, oo arrin yar adag ayey ahayd, oo
xildhibaanadayada laftoodu aniga iyagaa markii hore ii doortay
Maayar ku-xigeen laakiin koley aad ugumay wada cuntamin inaan Maayar
noqdo, kuwaanu iskugu dhownahayna ha noqotee, maskaxdana kumay hayn,
oo Maayarnimadaas aad iskugu maanu raacsanayn. Masal xildhibaan aanu
iskugu dhowdhowayn ayaa wuxuu igu yidhi taa maayarnimada kuumaan
ogoleyn oo mucjiso ayey igu tahay. Bulshaduna sidaas oo kale ayuun
bay qaarna islahaayeen Khadri isbedel ayey keenaysaa, qaarna ay
layaab ku ahayd, oo hadalo badan baa soo baxay, oo qolyo siyaasiyiin
ahi haka mid ahaadeene, laakiin maanta waxaan qirayaa oo xaqiiqo ah
inay bulshada reer Gabiley yihiin dad muwaadiniin ah oo horumarka
jecel, iyadoo aanay maanta jirin in laguu eego xisbinimo,
qabiilnimo, dumarnimo oo ay maanta ugu jecelyihiin dumarka, taasina
waxay kuu muujinaysaa in lagu qiimaynayo qofka rag iyo dumarba kuu
doono ha ahaadee muxuu qabanayaa, waxaanay taasi ka dhigaysaa
Gabiley meeshii ugu horeysay ee soo dhawaysa dumar, una qirta
waxqabadkooda, halkaas aan filayo inay yididiilo badan reer Gabiley
dumarka ku soo dhawaynayaan, maadaama aan markii horeba ahaa
gabadhii ugu horeysay ee Xildhibaan gole degaan ku soo baxda, taas
oo marka horeba ahayd gobolka Gabiley mid uu gaar u helay. Imikana
ay ku odhanayaanba hadda wixii ka dambeeya golahaba dumar hana looga
dhigo, laakiin aniga laftayda ayaan aaminsanayn taas ah golaha dumar
halaga wada dhigo, sababtoo ah raggu wax badan bay dumarka u ogol
yihiin oo ma jiraan wax ay u diidan yihiin, oo waayo aniga iyagaa ii
ogolaaday inaan maayar ku-xigeen noqdo, haddii dumar nacayb ku
jirona dee anigaba marka hore iimay ogolaadeen inaan maayar
ku-xigeen noqdo. Sidaas darteed haddii ragii wax badan u ogolyihiin
dumarkii, iyagana dumarku waa inay wax badan u ogolaadaan, laakiin
inay dumarku goleyaasha soo galaan waa arrin aad u muhiim ah, oo
waxaan odhan karaa dumarku way ka xog-ogaalsan yihiin raga….. La
soco caddadka danbe
Wareysi Gaar ah – Qaybtii 2aad
Hargeysa, Somaliland, November 15, 2011 (Saxafi)- Maayarka Gabiley,
Khadra Xaaji Gaydh ayaa waraysi dheer oo aanu xafiiskeeda kula
yeelanay sharaxaad ka bixisay waxyaalaha ugu adag ee gobolka yaalla,
waxa kale oo ay tilmaamay qaar kamid ah dhaliilaha ay dadku
ujeediyaan ee ay ku naqdiyaan wax qabadkeedda.
Cadadkii shalay waxaanu idinku soo gudbinay qayb ka mid ah
waraysigan aanu la yeelanay maayarka, waxaana ay su’aalaha aanu
weydiinay oo aanu halkii shalay ka sii anbaqaadaynaa u dheceen
siddan:
S: Ma la odhan kara Maayarnimada dumarka ayaa kaga fiican ragga,
maadaama oo ay dumarku ka xog ogaalsan yihiin Ragga?
J: Horta bani’aadamku way kala garasho iyo aqoon duwan yihiin, qof
walba ilaahay in buu siiyey, ma odhan karo cid uun baa ku haboon,
waayo rag ba way jiraan ku haboon maayarnimada, tusaale ahaan haddii
aan soo qaato Maayarka Hargeysa waa Maayarkii ugu muddada dheeraa,
isla markaana waa mayarki ugu wax qabadka badnaa, marka lama odhan
karo maayarka qof uun baa ku fiicnaan kara, qofkasta oo bani’aadmi
ahi wuu qaban karaa rag iyo dumar labadaba.
S: Maadaama oo aad tahay Hooyo sidee aad labada shaqo iskugu qaban
kartaA, ilayn labaduba waa laba hawlood oo aad u calculuse?
J: Kolay anaga shaqadu way noo kala qaybsan tahay, waxa laga yaabaa
marka aan shaqada imanayo aroortii in aan ogohay in qof kasta
quraacday oo uu hawlihii qabtay marka aan qadada imaadana aan ka war
hayo qadadooda, waana ka war hayaa waayahoodiii, ta labaad xiliga uu
Raggu kaga lumayo qaadka wakhtiga badan anaga nagama lumayo qaad ee
caruurtii ayaanu dhex joognaa, halka idinku marka aad shaqada ka
timaadaan aad qayilaad u fadhisataan anagu waanu la joognaa marka
wax naga lumaya ma jirto.
S: wakhtigii ololaha ee xisbiga KULMIYE wuxuu balanqaaday inuu
gobolnimo siinayo gobolka Gabiley, halkee ayuu ku dambeeyey
balanqaadkaasi?
J: Horta arrintaasi KULMIYE wuu balanqaaday inuu gobol siiyo,
arrintaasina waxay taallaa baarlamaanka iyo iyagu siddii ay u
ansixin lahaayeen gobolada iyo degmooyinka la magacaabay, waa mid u
taalla Baarlamaanka.
S: Waxa jirta in la laalay Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha, gobolka
Gabileyna waxa uu ka mid ahaa goobihii sida fiican uga hawlgalay,
mudanayaashii ka soo jeedayna waxay u badnaayeen kuwii u codeeyey in
la lalaalo Diiwaangelintaasi, marka sideed u aragta ka maayar ahaan
arrintaasi ?
J: Horta Xildhibaanadaasi iyagay u fiicnayd in siddii ugu fiicnayd
ee ay degmadooda uga hirgashay u hirgaliyaan iyagay ku fiicnayd,
taasina waxay noqon kartaa ujeeddo u gaar ah ama dano gaar ah oo ay
leeyihiin ama danayn la’aan degmada ah ayey noqon kartaa, laakiin
arrintaasi hadda waa arrin hadda gudubtay, aniga inta maqalkayga
ahayd in diiwangelin la’aan lagu galo, waxaana sababayey uun
xaaladan hadda la yidhi ha la galo uun doorashada golaha deegaanka
ee April, 2012 ka. Maadaama oo laga gaadhsiin karayn diiwaangelin in
la qabto ayaa keentay sidaas lagu galo si aanay dib u dhac ugu iman
doorashada lafteeda in hore la iskaga dhameeyo uun baan u arkaa
anigu, Gabileyna way joogaan dad koray oo qaangaadhay oo u baahan
inay codeeyaan.
S: Haddii la galo doorashada golaha Deegaanka mar kale ma isku soo
taagaysaa ?
J: Wallaahi Soomaalidu waxay tidhaahda laba taloba dhexdood talo ka
dhalata, siyaasadaydu sida ay u dhici karto ma garan karo, haddii uu
ilaahay yidhaahdo si uun bay u dhici doontaa nolol iyo geeriba way
jirtaaye.
S: bal ka waran baahida ka jirta gobolkan ee aanay u ahayn awood aad
wax kaga qabataan ?
J: Gobolku waa gobol aad u balaadhan, degmadan aan maayarka u ahayna
waa mid balaadhan, baahiduna waa mid aan ka dhamaan bani’aadmiga
inta uu nool yahay, mushkiladaha na haysta waxa ka mid ah dhul dan
guud ah magaalada looma reebin, meel loogu sii talogalay iskuulada,
caafimaadka, garoonadii loogu sii talogalay, kawaanadii loogu
talogalay, sariibadii loogu tallogalay ma jirto, maanta waxaanu
doonaynay in aanu dhisno gurigii martida waxaanu u iibinay dhul, may
ahayn in aanu dhul u iibino, laakiin waa baahi taalla, waxaanu
doonaynaa imika in aanu dhulka ka qaadno dhulka danta guud ah,
beertii ugu horaysay sariibad ayaanu ka qaadnay oo aanu ugu
talogalany in magaalada koonaheeda ay noqoto, in danta guud dhulka
laga helana waa mid aanu wadno oo aanu doonayno in waxgaradka iyo
odayaasha Gabiley ka wada hadalno, waxa na soo martay in ceelasha
biyaha laga qodi lahaa laga iibsado dadka, waa wax iyada uun u gaar
ah oo aanu wadanku la qabin.
Halka imika noogu sii darani waa iskuulka waad dareemi karta iskuul
kaliya oo ay ku jiraan sagaal kun oo arday, waxbarashadaasi ayaa ah
hawsha noogu adag, wasiirka waxbarashada oo halkan noogu timidna
waanu ka wada hadalnay, arrinta noogu adagi waa arrinta dhulka,
imika ayaanu diyaarinaa inaanu dhulka wax ka qabano
S: hawshani in dadka laga jaro danta guud miyeyna dawlada hoose
lahayn?
J: way lahayd laakiin waa mid ay ka gaabisay, dadkun lama qabsan
inay beerahooda la karaan danta guud, laakiin anaga ayaa rabna in
aanu arrintaasi hawlgalino, beerahana usoo jeedino shuruud ah in aan
beerna u sharciyeyn karin ilaa danta guud laga jaro.
J: Qof kasta oo masuul ah waxa uu leeyahay dhaliil, marka wax ma
nooga sheegi karta dhaliilaha ay dadku ku soo jeediyaan, maxaase
lagugu dhaliilaa ?
J: Horta dadku way iska hadal badan yihiin oo imika qaar baa yidhaa
anaga ayey faraha noo casaysay waa maxay gidaarka waxan la mariyey
waanu ka lug bixi laanahay dhiskaasi aanu dhisnay, oo aan waxan ba
ku qanacsanayn, qaar kale oo badana oo odhanaya dhal dhalaal been ah
ayaa nala tusayaa, marka in badan baa waxanba aan sax u arkayn,
waana ka garanayaa intan sidaas wax u aragta oo waa tii dhaqaalaha
meesha soo galay si dedban u heli jirtay, intaas farxad ma
galinayso.
Kolay waxa la nagu dhaliilayo suuquu yaalaa oo waxa laga yaabaa in
aanu anaga noo wada muuqan.
Soure: Wargeyska Saxafi
|