Carwada 2-Aad Ee Ganacsiga Somaliland Oo Maanta Si Ras miya Loo Furay Iyo Nidaam Qurxoon Oo Loo Diyaariyey

 

 


Xaflada furitaanka Carwadan oo ay ka soo abaabuleen AOA.............. Daawo Sawiradda
 

Hargeysa (TNN)- Carwada ganacsiga Somaliland oo ay ganacsato kala duwan oo ka kala socota geeska afrika ku soo bandhigaan ganacsigooda ayaa maanta si rasmiya looga furay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa.


Carwadan oo ah tii labaad ee dalka lagu qabto ayaa waxa soo abaabulay dhalinyaro reer Somaliland ah, waxaana bandhiga carwadan ku soo bandhigaya alaabahooda ganacsi badi ganacsatada waaweyn iyo kuwa dhexe ee Somaliland, iyada oo ay sidoo kale ku jiraan ganacsato ka socota dalka Jabuuti oo iyaguna ku soo bandhigaya alaabahooda ganacsi.

Xaflada furitaanka Carwadan oo ay ka soo abaabuleen AOA ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin badan oo ka socota xukuumadda Somaliland, Masuuliyiinta shirkadaha ganacsi ee ganacsigooda ku soo bandhigayey carwadan iyo marti sharaf kale, waxaana khudbado kala duwan oo madashaasi laga soo jeediyey ay dhamaan masuuliyiintii khudbaha ka soo jeediyey madashaasi ku dheeraadeen muhiimada ay leedahay Carwadan ganacsi iyo dadka reer Somaliland meel kaliya ku soo bandhigaan ganacsigooda.
Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Carwadan Cali Maxamed Yuusuf oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay furitaanka carwada labaad ee ganacsiga Somaliland.


Masuuliyiin ka kala socotay shirkadaha Al-nuur, Dahabshiil, Telesom iyo Toyota Maril oo halkaasi ka hadlay ayaa iyaguna dhamaantood sheegay in ay soo dhaweynayaan carwada labaad ee ganacsiga Somaliland, iyaga oo ku dheeraaday muhiimada ay ka ganacsato ahaan u leedahay.


Wasiirka Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay bulshaweynta Somaliland u leedahay Carwadan Ganacsi isaga oo sheegay in Carwadani aanay ahayn carwadii labaad ee dalka lagu qabto balse carwooyin badan oo kala duwan hore loo qabtay, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya wasiirkuna waxa uu yidhi “Marka loo eego carwada noocan oo kale ah ee ay dhalinyaradu soo abaabushay waa carwadii labaad, balse maaha carwadii labaad ee ganacsi ee dalka lagu qabto waxaana la qabtay carwooyin badan oo ganacsi, waxaanan soo dhaweynaynaa cid kasta oo ganacsigeeda ku soo bandhiganaysa carwooyinkan oo kale anaga oo u fududayn doona carwooyinka hawlaha ay ka dawlad ahaan nooga baahan yihiin, mabnuucna maaha in shirkad kaliya ay kaligeed soo bandhigto carwo noocan oo kale ah, balse cid kasta oo bulshada u soo bandhigaysa ganacsigeeda waanu soo dhaweynaynaa”

Wasiirka Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo ugu dambayn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada uu ganacsigu leeyahay isaga oo sheegay in uu ganacsigu kaalin mug leh kaga jiro dhaqaalaha soo gala dadyawga aduunka , waxaanu yidhi wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Caalamka waxa la yidhaahdaa waa 10% inta qoysaska ka soo gasha dawladdo ama meelo kale, balse meelaha xorta ah sida ganacsiga ayaa biilasha qoysaska aduunka ka ah 90%, markaa waxaan idinku dhiirigelinayaa in aad ku dedaashaan sidii ganacsiga loo horumarin lahaa oo imika markaad caalamka eegto waa wakhtigii aaminaada iyo tiknoolajiyada oo fursado badan ayaa jira, markaa waa inaynu cilmi ahaan kaga faa’iidaynaa sidii aynu ganacsigeena u horumarin lahayn”

Wasiirka Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo ganacsatada ku dhiirigalinaya in ay cashuurta bixiyaan waxa uu yidhi “Ganacsatada waxaan ku dhiirigalinayaa in ay cashuurta bixiyaan oo waxaan halkan ka amaaanayaa in kasta oo aan dadka ku waaniyo in ay iska daayaan bahalkaa qaadka la yidhaahdo qolada jaadlayda, waayo waa qolada kaliya ee dhaqaalaha ka soo baxaa ee dhinaca cashuurtu uu kor u kac sameeyey anaga oo aan intuu ahaa ka kordhin, waxaanan ganacsatada ku waaninayaa in ay wax kasta oo ay la soo degayaan ogolaadaan cashuurteeda oo aanay odhan iyaga oo Koombuyuutaro soo dejinaya waa caano boodhe”.

Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland