Carwadii Ganacsiga 6aad oo Muddo todobaad ah ka socotay Magaalada Hargeisa ayaa si Rasmi ah loo soo Gabo Gabeeyey

 



Wasiirka Ganacsiga oo isagu sida Rasmi ah u soo Xidhay ayaa u Mahad Celiyey Guud ahaa Ganacsatadii ka soo Qayb Gashay......+ Daawo sawiro


Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shalay galab soo xidhay carwadii 6aad oo muddo 7cisho ah ka socotay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Xafladaasi lagu soo af-meerayey carwada ayaa waxa hadalo ka jeediyey Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.Cali Xoor Xoor, Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe,Guddomiyaha rugta ganacsiga Maxamed Shukri, iyo Maamulaha Hotelka ay Xafladu ka dhacayso ee Hotel Guuleed ayaa waxaa hadalka furay Cali guuleed oo ah Guddomiyaha Hotelka carwada lagu qabtay ayaa ugu horeyn ka

hadlay waxaanu u mahad celiyey dhammaan shirkadihii gacsi ee ka soo qaybgalay carwadaasi, isaga oo xusay in hotelku adeegyo kala duwan u fidiyey bulshadii ka adeeganaysay carwada, waxa kale oo u mahad celiyey rugta ganacsiga somaliland ee hawshaasi baaxad leh isku soo dubo riday iyo wasiirka ganacsiga oo uu sheegay in uu la garab taagnaa hiil iyo hooba.

Waxaa isaguna sidoo kale ka hadlay Maxamed Shukri guddomiyaha Rugta ganacsiga ayaa ka sheekeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay carwadu muddadii Todobaadka ahayd ee ay socotay

waxaanu xusay in ay aad ugu farax san yihiin in si nabad galyo ah ay u soo gabbo gabawado waxaanu u mahad celiyey dhaamaan ganacsatadii kala duwanayd ee hantidood ku soo bandhigay iyo dadkii kale ee ka qayb qaatay qabsoomida garwadaasi.

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.cali xoor xoor oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in carwadani ay muujinayso sida ay Somaliland nabada buuxda uga jirto isaga oo xusay in carwo tan oo kale la mid ah ay dekeda berbera ay ka qaybg gashay dalka itoobiya magaalad Addis Ababa isaga oo tilmaamay in ay ku guuleeysteen kaalinta labad, waxa kale oo uu ka warbiyey adeegyada kala duwan ee ay bixiso dekeda berbera.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng. Faysal cali waraabe oo isagu ku hadlay afka xisbiyada mucaaridka ayaa sheegay in wakhtigii hore xadaarada dhinaca ganacsiga lagu majeeran jiray dadka u dhashay Somaliland basle imika ay ka wareegtay isaga oo xusay in dadka u dhashay somaliya ay inagala wareegeen, waxaanu ganacsatada somaliland ugu baaqay in ay wax isku darsaadaan si ay waxoodu wax u noqdo

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada oo isaguna ka hadlaya munaasibadan ayaa ka sheekeyey faa’iidada ay bulsahda u leedaahay carwooyinka la qabtaa waxaanu tilmaamay in uu aad ugu farax marka uu arkay carwo noocan oo kale oo dalka Somaliland lagu qabtay, isaga oo sheegay in dhammaan adeegmayadii ay ku soo bandhigeen

ganacsatada kala duwan ay ahayd wax lagu farxo oo bulshadana, wax badan ka taraysa horumarkeeda isla markaana loo baahan yahay in laga wada qayb qaato carwooyinka noocan oo kale, isagoo sheegay in ay ka wasaarad ahaan kaalin firfircoon ka gali doonaan, dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga dalka, aadna ay uga wada shaqayn doonaan wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga iyo wasaaradiisa arimaha dibadu

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar oo gabogabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaa ay ku guuleeysteen in ay hirgaliyaan Carwada isaga oo xusay in ay arrinta qabsoomideeda ay ku aamanantay rungta nacsigu, iyo cidkasta oo gacanka gaysatay.

Waxaanu xusay wasiirku in ay ka wasaarad ahaan u fureen xafiis u gaar ah maalgashiga oo cidkasta oo maalgashi wadanka u wadaa ay iska diwaan geliso, si ay wadanka u maalgashato.

Gabo gabadii ayaa waxaa Halkaasi abaal marino kala duwan lagu gudoon siiyey,guud ahaan dadkii sida weyn uga dhex muuqday ee ay aynu ka xusi karno shirkada Dhinaca Internetka ee Somcable,Telesom Goup, Dahabshiil Group iyo Somtel oo ku Lamaan iyo Shirkado Kale oo dhawr ah oo dhamaantood Halkaasi ku Gudoomay Abaal marinahaasi.

Xafladan oo galabta ahayd mid aad loo soo Agaasimay isla markaana si qurux badan ku soo gabo gabowday ayaa sidaasi kus oo xidhan tay iyadoo ka socotay hotel guuleed ee magaalada hargeisa.
 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland