Carwo Loogu Talagalay Dhalinyarada Somaliland Oo Ay ka Soo Qayb Galeen In ka Badan Laba kun Oo Qof, Xubno Wasiiro Ah Iyo Waliba Fanaanka Nuur Daalacay

 



Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka hadlay madashaasi ayaa ka warbixiyay dhibaatadda ay dhalinyarada u lee dahay Tahriibtu, Qabyaalada iyo waliba Aqoon la'aantu.......(Daawo Sawirro)
 


Hargeysa (TNN) Munaasibad Loogu magacdaray Carawadda Dhalinyaradda Reer Somaliland, ay Faa maanta lagu qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargaysa.

Munaasibadan ayaa waxa ka soo qaybgalay in ka Badan Laba kun oo dhalinyaro ah, Xubno ka mid ah Gollaha Wasiiradda Somaliland, Abwaano, Fanaaniin, Wax garad, Aqoonyahan, Ururada Madaxbanaan, iyo Marti sharaf kale.

Carwadan ayaa waxa soo qaban qaabiysay Dallada Dhalinyarada Reer somaliand ee SONYO, waxana gacan weyn ka geysteen hay'adda NRC iyo waliba shirkadda Isgaadhsiinta Telesom.

Xafladan ayaa waxa ka hadlay isla markaana ka sheekeeyay ahmiyadda Munaasibadani u leedahay dhalinyarada Reer Somaliland Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed waxana uu yidhi "Waxa lagama maarmaan in Dhalinyaradu ay ogaadaan Halgankii dalkan loo soo galay, waxaanan qabaa intiinan halkan fadhidaa aad wakhtiyadii Halganka Caruur ayaad ahaydeen, balse Halgankii qadhaadhaa dalkan dib xoriyadiisa loogu soo celiyey waxa suurto-geliyey Dhalinyaro dhammaantood ka hooseeya Soddonka. Dhalinyaradaasi waaxay inagu simeen in aynu ku naaloono Dalkeenii oo Madax-banaan oo Illaahay inagu galaday Nimcooyinkiisa, dawladda maanta dhisan ee Illaahay ina siiyey iyo taariikhdaa dheer waxay u baahan tahay in la qoro oo la Xasuusnaado.

Xorriyadaa aynu maanta haysano waxay gaar tahay Dhalinyarada, laakiinse qofku maaha in marka uu wixii uu doonaayey uu waayey inuu ku fikiro Tahriib oo uu yidhaahdo Badda ayaan isku tuurayaa, taas waxaan odhan karaa waa Samir daro oo Raggii idinka horeeyey way samreen oo dal ayey idin dhiseen, markaa waxa loo baahan yahay in la samro oo fursada aad haysataan aad ka faaŽiidaysataan. dalkana waxa uu horumar gaadhaa marka aad idinku ka shaqaysaan ee ku fikirtaan Horumarkiisa, markaa fikirka iyo Aaraahdu idinka ha idinka timaado.

Wasiir Khaliil Waxa uu Shacab weynaha reer Somaliland uga Mahadnaqay kaalamada ay siiyeen isla markaana ugu deeqeen Walaalahooda Tabaalaysan ee ku sugan Dalka Somaliya Waxana uu yidhi “ waxaan shacabka reer Somaliland uga mahad-celinayaa sida ay uga jawaabeen Baaqii ahaa inaynu Caawino dadka tabaalaysan ee Soomaaliya ee ay Abaaruhu hala keeyeen, waxaanad ogaydeen in Golaha wasiirradu isku raacay iyo Shacabka Somaliland oo ay ka dhigeen GoŽaan shacbi oo taariikhiya, waxaynu nahay Ummad Masaalaxaadka lagu yaqaan oo isku Gargaarta, markaa Walalaheena reer Soomaaliya waxaynu u ururinay Adduun aad u badan oo ah wax lagu faano."

Waxa isna Halkaasi Ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka Mudane Cabdi Siciid Faahiye Waxana uu Wasiirku ka hadlay Dhibaatooyinka Ay lee yihiin Tahriibta, Qabyaalada, Balwada iyo Waliba Aqoon la,aantu Ahmiyada waxana uu sheegay in dhalinyaradu ay yihiin Halbowlaha Wadanka.
0
Wasiirka Dhalinyaradu waxa uu ku nuuxnuuxsaday isla markaana uu dhalinyarada uga digay Dhibaatada ay lee Dahay Tahriibtu, Waxana uu ka codsaday dhalinyarada reer Somaliland in ay ka shaqeeyaan horumarka, Wacyigalinta iyo Taaba-galka Waxbarasho, kor uqaadida Tacliinta , waxana uu intaasi ku daray in dhalinyaradda looga Baahan yahay Qiiro Wadaniyadeed.

Dhanka kale Waxa Wacdarro Ka dhigay Madshaasi Fanaanka weyn ee Codkiisa la jecel yahay ee Nuura daalac oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka soo Qayb gashay Madshaasi, Fanaankan oo ka qaaday Heeso Wadaniyadeed iyo Waliba kuwo kale, ayaa soo jiitay Shucuurta Kumanaan Qof oo ka mid ahaa Martidii ka soo qaybgashay Munaasibadani, Goobta ayaa ahayd madal ay ka muuqato farxad iyo waliba Waji Dabacsan, ka dib markii ay Dad badan oo sugayay, Codka Nuur Daalac Ay maqeeleen Codkiisa.

Si kastaba ha ahaatee Xafladan ayaa ku soo dhamaatay Waji Faraxdeed Waxana ay ahayd Carwo Soconaysay Hal Maalin.
saw

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland